DoodFuran: SomaliTalk.com
--

  << Previous Topic | Next Topic >>Back to Index  

DoodFuran: Soomaaliya, 2002, IGAD

January 11 2002 at 12:45 AM
Score 5.0 (1 person)
DoodFuran 2002  (no login)

-
Sidee u aragtaa Shirka IGAD, maxaad u aragtaa Xalka Soomaaliya ay nabad ku gaari karto, Maxaad usoo jeedinlahayd Shirka IGAD iyo dhammaan hoggaanka Soomaalida, iyo Shacabka Soomaaliyeed.

Taladaada waxaa dhicikarta in ay sabab u noqoto xalka Soomaaliya, haddii Alle idmo, ee fadlan sida ugu macquulsan oo suurta galka aragtidaad halkaan toos ugu cabir.

Mahadsanidin

Scoring disabled. You must be logged in to score posts.Respond to this message   
AuthorReply
DoodFuran 2002
(no login)

IGAD

No score for this post
January 11 2002, 1:05 AM 

Shirka IGAD oo soconaya Jan 10 ilaa Jan 11 ka akhri cinwaankan http://khartoum.somalitalk.tripod.com/

Scoring disabled. You must be logged in to score posts.Respond to this message   

(no login)

xal Allah aa keena

No score for this post
January 11 2002, 2:17 AM 

Hadii aan baranno habka hanaan socodka geediga nabada ee dalka Afgaanistan waxaa reergalbeedku ku guuleysteen in ay garbaduubaan danaha wadamada ka banaanka ah wadankaasi ee siyaasada ka leh sida: Russia, Iran, Pakistan, Saudi-Arabia iyo kuwii kale cabsi ay ka qabaan in ayagana lagu eedeeyo argagixiso sidaasi si lamid ah ayaa xal loogu heli karaa Soomaaliya, waa marka hore la gacmo xiraa(laga joojiyaa)arimaha gaarka ah ee dowladaha deriska ah sidaas ayaa ugu dhow aragti ahaanteyda.

Scoring disabled. You must be logged in to score posts.Respond to this message   

(no login)

Xal sidan ayaa lagu helayaa?

No score for this post
January 11 2002, 11:41 AM 

Waxay ilatahay in xal lahelidoono haddii Abdiqaasim Lafta uu kadhashay ay kabaxaan meelaha ay haystaan oo kamidah Dhulka beesha biyomaal iyO Dhulka beesha digil iyo mirif Xaqiiqda waataa xalkana waa kaa Haddii shirka bisha maarso Lagu qabandoono Nayruubi Arintaa lagu tixgeliwaayo Markaa waxaa Dhicidoonto in labadaa beelood aysan marnaba ogolaandoonin

Scoring disabled. You must be logged in to score posts.Respond to this message   
Mohamed A. Farah
(no login)

Qabiilku yuusan Qaranka ku-iloowsiin.

No score for this post
January 12 2002, 12:32 AM 

Walaal waxaan jeclaan lahaa in aan ku xasuusiyo in waxa laga hadlayaa ay tahay sidee qaran soomaaliyeed lagu soo celiyaa, Nasiibdarose adna waxaad ka hadashay hal beel(qabiil), Ogowna in qabiilku waxa ka maqan uu helaa waa in uu helaa qaran u soo celiya.
Mahadsanid.

Scoring disabled. You must be logged in to score posts.Respond to this message   

(no login)

Xal sidan ayaa lagu helayaa?

No score for this post
January 11 2002, 11:44 AM 

Waxay ilatahay in xal lahelidoono haddii Abdiqaasim Lafta uu kadhashay ay kabaxaan meelaha ay haystaan oo kamidah Dhulka beesha biyomaal iyO Dhulka beesha digil iyo mirif Xaqiiqda waataa xalkana waa kaa Haddii shirka bisha maarso Lagu qabandoono Nayruubi Arintaa lagu tixgeliwaayo Markaa waxaa Dhicidoonto in labadaa beelood aysan marnaba ogolaandoonin

Scoring disabled. You must be logged in to score posts.Respond to this message   

(no login)

Dariskaa u xigaal ah somalia

No score for this post
March 5 2002, 1:10 PM 

argtidayda hadii la rabo xalka umad somaliyeed waa in arinta xigaalkeed loo dhaafaa ethiopia waxay somalia lawadaagtaa xuduud aad udheer waa in talada iyo xalka loo dhafaa deriska sida eth djibout kenya waana in buunbuuninta laga dhafaa xalka umada marka ay raadinayaan iyaga oo idilkoodba xaldoon ah
dawlda ethiopia waxa caqabad ku ah hawlaheeda iyo xal raadinta ducafada carbeed oo lacag iyo hub kusoo wada dalka iyaga oo raba danahooda carbeed inay u istimaalaan dhulkan iyo dadkan cidlada ah
dawlada ethio waxay u adkaysan wayday khatartaasi ay ku wadaan ducafada carbeed umada african ka ah ee somaliyed
hadaba waxa la gudboon somalida inay taageeraan gurmadka dawlada deriska ahi ay wado waxan layaab ah sida ay umidaysay qabqablayasha baydhabo joogo iyada oo siisay dhaqan celin cidamada badbaadada umada somalida waa dhalinyarada wadaniga ah ee gartay khatarta carbed iyo argagixiso ee gayiga ku soo fooleh

Scoring disabled. You must be logged in to score posts.Respond to this message   

(no login)

Dariskaa u xigaal ah somalia

No score for this post
March 5 2002, 1:12 PM 

Xalku waa in laysu tanaasulaa....iyo in lagarto Nacabka

No score for this post
January 11 2002, 4:13 AM 

Salaama calaykum walaalayaal waxaan ilaah nooga baryayaa in uu nawaafajiyo xaqa dhamaanteen.
Intaa kabacdi waxaan qabaa aniga in xalku kujiro in laysu tanaasulo isla markaana lagarto kuwa aan dan haba yaraatee u wadin umadaan laakiin doonaya in ay baabado.
Hadaan hoos u daadego waxaan ula jeedaa kuwa lagu magacaabay duqayda dagaalka oo aan u arko in aanay habayaraatee ku jirin wax islaanimo ah ama soomaalinimo ah oo aan ka ahayn yaan qofna kanabadgelin xitaa uma naxayaan juufooyinkii ay kadhameeyeen ciyaalkii lagu sookoriyey ariga kaalada ah( ari cidkale laga soo deynsaday si caano looga maalo halxilli), oo ay ku dhihi jireen waxaa idinka maqan xaq aad usareeya ee kaalaya aan soo celinee.
Intii kafakateyna waxax ka fakan waalidkood ama intii kahartey kadib markii ay kaxiraan shirkadihii xawilaada.

Hadaba waxaan qabaa in umadu ( hadii ayjirto) aymeel uga soo wada jeestaan kuwa nacabka ku ah ee aan jaha kale ogolayn allaha naga qabto si degdeg ah (aamiin)
wasalaama calaykum.

Scoring disabled. You must be logged in to score posts.Respond to this message   
Ahmed
(no login)

Jawaabta Abwaan.

No score for this post
January 12 2002, 2:40 AM 

Aslaamu Calaykum.
salaan kadib abwaan waxaa laga hadlayey sidee xal lagu helikaraa adiguna caybaad bilowday nina ma garanwaayin hadalka dahsoon, Waxaanse ku leeyahay inaad markii hore aad ahayd kuwa aad sheegayso kuwii xaqooda dhacay oo isumaleeya inaan marnaba laga daba'maanayn marka ma hadaad garatay inaad sidaas u hadasho, hadii xikmadaadu intaas tahay dadna iskama celinkartide cidna dan uma hayside ha soo galin goobta.
Intaa kadib hadaan u soo jeesto su'aasha waxaa isleeyahay xal waa lagaaridoonaa shirka nayrobi hadii Ilaahay idmo maxaa yeelay dawladaha IGAD waligood isku firad kama noqon arinta soomaaliya hada kahor.
Wabilaahi Towfiiq.

Scoring disabled. You must be logged in to score posts.Respond to this message   
Omar (adam) Hassan
(no login)

walaalo yaal, diintiina aynu u wadda jirno, dalkiina u wada jirno, cadawkeena aynu wada jirno, halay

No score for this post
January 11 2002, 4:22 AM 

asalama caly kum?
waxaan walalahay aan usoo jeedinaya inay usoo noqdaan ay runta usoo sheegan oo dagalada ehligaa layska shaafoo, oo la eegoo cadawga khariijigaa iyo dadkaa somalida an naf u hayn ee dadka walalah ah isku dilaaya tasoo ay isleeyin daneehina gu gaadha e.g HUSSEIN IYO IBRAHIM CIGAAL iyo kuwah kalee lamida.

wa salama caly ??????????

Scoring disabled. You must be logged in to score posts.Respond to this message   

(no login)

Waan arkidona waxa kasobaxa

No score for this post
January 11 2002, 4:34 AM 

Waayo waan daalney. Waxa hadalkan iga soyeriyey waad garaneysaan walaalayaal waxa jira ee aan sugno ilaa qarniga 25 iyo labatanaad waa taariiqda islaamka.

Sheekh Kaffee

Scoring disabled. You must be logged in to score posts.Respond to this message   
Sahal Yaasiin
(no login)

Xalku, bacda llah inaanguu inagu jiraa

No score for this post
January 11 2002, 6:58 AM 

Assalaamu alaikum warahma,

Walaalayaal,
ainu waxaan aaminsanahay xalku ilaahay kasokow inuu Soomaali gacanta ugu jiro, dadka shisheeye waxay uun innagu taageeri karan wixii Positive ah oo aynu muujinno.
Soomaali waxaa maanta looga baahan yahay inay ilaahay u noqoto, waxay ku jirtona ka noqoto, dan guud marka laga hadlaayona yaan shakhsi ama qabiil wax lagu doonin waayo waxba innooguma hagaageyaan.
Hana la dareensanaado cadowga hadh iyo habeen u guntan inaynu sidaa iyo si kasii liidata ku waarno.

Waad salaamantihiin.

Scoring disabled. You must be logged in to score posts.Respond to this message   
Mahdi
(no login)

Xalka Geyigeena

No score for this post
January 11 2002, 6:40 AM 

Salaan.
Horta marka hore uma arko wax xal ah inuu keenayo shirka IGAD ama keenikaro, maxaa yeelay waxaan u arkaa in xalku uu ku jiro umada Soomaaliyeed dhexdeeda ee uusan shisheeye ku jirin. Waxaan u arkaa in aynu xal ku heli karno:
1- Dib u eegid wixii qaldamay
2- In aynaan maankeena ka saarin in aysan wixii dhacay soo noqonayd, maxaa yeelay wixii tegey tage waxaana lagu saxaa wixii soo socda.
3- In aynu u fakarno wadankeena, caruurteena iyo sharafteena. Aynaana waqti intii naga luntay ka badan naga lumin
4- In aynu iska dayno shisheeyaha aynu afka ku taagayno ama cadow hore iyo mid cusuba ha ahaadeene. maxaa yeelay inagaa isku keenay daldaloolkii na inaga helo, waxaad adigu masùul ka tahayna lama saaro qof kale ee waa la saxaa. Sida kaliya ooynu ku sixi karnaana waa inagoo iska dayna waxaan ku jirno oo ina kala geeyey.
- waxaa soo raaca kuwo kale oo badan oon la soo koobi karin

tan ah shirka Suudaan, Runtii ma waxay idinla tahay in ay kooxda ka mid ah afduubayaashii 11-ka sano uu wadanku u afduubnaa in ay wanaag keenayso.Jawaabtu waa waa tan koowaade qolyaha ururada sheegta waynu naqaan oo haday wax qaban karaan horay wadanka u dajin lahaayeen, tan kalena waa qolyaha Dawlad baan nahay leh shame of you war waxu ma xishoodaan miyaa xagee bay dowlada u yihiin mee dadkii, mee wadankii, meeday xuduudii la yaqaanay ee wadan keena. ma idinla tahay in aysan arag, jawaabtu waa ma ee ma rabaan xaqiiqda iyo in wadan keenu wanaagsanaado hadii aysan tooda loo marin.
Walaalayaal waxaa inaga qaldan waa iyadoo qof walbaa uu rabo tiisa in la qaato taas inagoon ka bixina waligeen dawlad noqon mayno iyo shacab is haysta oo isku tiirsan.Cudurka ina hayaa waa taase aan iska dawayno. Tusaale ahaan haddii aadan oran waa dawlad qolyaha sheegta kuwaa kugu soo boodaya, hadii adan arana waa laga qaldan yahay kooxahana kuwaa kugu soo baadaya.
Aniga aragtidayda Soomaaliya kama jirto dawlad mana aha dawlad wax aan dadku raali ka ahyn kuna wada qanac sanayn ee aynu talo keeno marka horana aan iska dawayno cudurka

mahadsanidiin

Scoring disabled. You must be logged in to score posts.Respond to this message   
run sheeg
(no login)

Riyo Macaan

No score for this post
January 11 2002, 8:55 AM 

Koox toban(10) sano is hor taagnayd oo is wada xog iyo dan og, ayaan ka dhawraynaa mustaqbalka caruur ay agoomiyeen iyo dalka ay wadjir u burburiyeen. WOOW!!! WAA RIYO MACAAN.
Anagaa ba raali uga ah in ay fool xumadaas iyo duligaas dadka iyo dalkaba ku hayaan ee maxaan uga dan qanaynaa????
HADAAN RUN QABNO MEEL KASTOO AAN JOOGNO MAAN KA MUDAAHARAADNO OO AAN U ISTAAGNO DALKEENA IYO DADKEENABA. MAAN MARLABAAD TUSNO INDHAHA ADUUNKA XAALADA SOMAALIYA.
waxba ka soo biximaayaan ee riyada iska daaya

Scoring disabled. You must be logged in to score posts.Respond to this message   

(no login)

Re - Riyo-2

No score for this post
February 12 2002, 9:44 AM 

Afkaaga caano lagu qabay "runsheeg" meesha xaqiiqda taalaa maxay tahay haddaan shacabba ka war hayn waxa meesha kasocda ragbay maqaayaddu u shidantahay IGAD baa tiriye UN miyey shirto 10 sano & in kabadan ayay khibrad u leeyiin inaan nabad ka dhalan meesha.

Scoring disabled. You must be logged in to score posts.Respond to this message   

(no login)

shirka igad

No score for this post
January 11 2002, 9:18 AM 

SHIRKA IGAD KA QAYBGALKIISU WAA TALAABO U WANAAGSAN LABADA DHINAC MUCAARADKA DHIMAN IYO XUKUUMADDA TABARTA YAR EE KA JIRTA DALKA.WAXAAN ARKAA IN LABADA DHINAC M/D ISA SOO HORFARIISTAAN HADAY GEESIYAAL XOR AH OO AAN CIDNA WAX U YEERIN YIHIIN.KAWADA HADLAAN WAXA AY ISKU HAYAAN,FARQIGA U DHEXEEYA IYO SIDA LOOGA GUDBI KARO CAQABADAHA JIRA EE DIIDAN XAL GUUD OO DALKA IYO DADKA XAALADIISA WAX KA BADALA,MAADAAMA DALKA IYO DADKUBA AY LABADOODA XABSI UGU JIRAAN.SHACABKUNA UUSAN RABITAAN IYO AWOOD TOONNA LAHAYN.WAXA LAGU HESHHIINAYO WAA IN AY WAX LAYSLA FAHMAY,LAGUNA QANCO IYADOO LA XEERINAYO MASLAXADDA GUUD,LANA DAREEMAYO DALKU IN UU SI WALBA INOO DEEQO.
NIDAAMKA UMADDA LAGU SOO DABAALAYAAHI WAA IN UU NOQDO MID BAAHSAN,KA TURJUMAYA WAAQICA IYO DAREENKA BULSHADA WATANA RABITAANKOODA ISLA MARKAANA AH MID AY FAHMI KARAAN LANA SAAN QAADI KARA AQOONTOODA IYO DHAQAMADOODA.WAA IN UU NOQDO NIDAAMKAASI MID DHID IYO DGHEEF,MAS´UULIYAD IYO WAA JIBAAD UGU GAYNKARA QOF WALBAOO BULSHADA KA MID AH DEGAANKIISA GAARKA AH,YAHAYNA INTII SUURA GAL AH MID BAAHSAN OO AAN KOOX GAARA GACANTA UGU JIRIN.NIDAAMKAAS ISAGA WAXAA LOO SAMAYNKARAA SIYAABO BADAN,WAXAASE IMINKA BULSHA WEYNTA CARABKEEDA KU BADAN NIDAAMKA IS MAAMUL GOBOLEEDKA KU DHISAN.IN LOO FAHAMO DALKU IN UU YAHAY DAL SOOMAALIYEED DADKIISA SOOMAALIDA AH AY WADA LEEYIHIIN.TII AY TAHAY IN CIDDII WAX GUUD AMA GAAR AHAANEED AY KU MAQANYIHIIN LOO DIYAARIYO GARSOOR CADAALADEED OO DHAB AH MARKII AY TABARTIISU SUURAWDO EE AAN CIDNA LACAFIN.DALKA MAQAN SOOMAALI BAA LEH WAA IN LA RAADIYO MARKII LOO ARKO SUURA GAL.
KOOXAHA AANNU SUGAYNAA WAA IN AY OGAADAAN IN AAN CIDINA U MAQNAYN,CIDINA RABIN NIN LUGOOYADOODA DANAYNAYA MOOYEE(MEESHA NIN MAQAN LAGU TABAYNA AY TAHAY NIN JOOGA CEEBTIIS).
WAA IN AY XISAABTA KU DARAAN IN UMADDA SOOMAALIYEED WAQTI BADANI KA DHUMAY MID KALE OO KA SII DHUMANA AANAY DULQAAD U LAHAYN,INKASTA OO AANAY WAXBA DOORANKARIN IRAADANA AYSAN LAHAYN IYO AWOOD MIDNA.
UGU DANBAYNTII WAXAAN RAJAYNAYNAA IN AY MADAXDOONKA NA KALA HOGAAMINAYAA AY IS WAYDIIYAAN SU´AASHA AH MA SIDAAN BAAN XAALKA SOOMAALIYA UGA DHIMANAYAA ISGOO AH MISE WAA IN AAN WAX KA BADALAINTAAN NOOLAHAY.MAXAASE DHIGAAL U/IIGA NOQON DOONA DHALINTA JOOGTA IYO KUWA DHALAN DOONA EE SOOMAALIYEED.WAXA AAN ALAHA AWOODDA WEYN KA BARYEYNAA IN UU DANTEENA NAGU HAGO NOONA IFTIIMIYO.

Scoring disabled. You must be logged in to score posts.Respond to this message   

(no login)

odoros

No score for this post
January 11 2002, 10:00 AM 

salaanislaanimmo kadib .waxaan odorosayaa in ay Soomaalidu heshiin doontto sanadkan 2002,hadii rabbi idmmo. waayo inyar oo hunguri doon ah mooyeed soomaali waa heshiisay siyaasad ahaan. inta hunguri doonka ahna way qanci doonaan hadii aay soomaalidu u garato in lalaaluusho,ama aay ka helaan wax lacag ah meelaha ay hadda Koombada baryada ha u taallo,

Scoring disabled. You must be logged in to score posts.Respond to this message   
Bashir
(no login)

Qab-qable dagaal guud meesha uguma harin

No score for this post
January 11 2002, 10:45 AM 

Asalamu Caleykum,

Aniga waxay ila tahay in intii madax-salaax, baryo, walaaltinimo, iyo danta guud oo dhawra la yiraahdo loo samey. Markan waxaa la joogaa xilligii talaabo sharciga caalamka waafaqsan laga qaadi. Waa in sidii Madaxweynaha DKM-ka yidhi la sameyaa, deg-degna loo codsadaan in UN-tu maxkamad lagu daba galo dadka lagu tuhunsan yahay in ay geysteen dambiyo aadanaha ka horjeeda u furtaa. Gobolada oo dhanna ay ka heshaa wada shaqeyn. Waa in deg-deg iyo dar-dar la geliyo dhisida xoogga dalka Soomaaaliyeed, howshooda ugu horeysana u noqotaa dabka dhigidda maleeshiyooyinka beel iyada oo aan degaan iyo beel midna loo tix-galin (enough is enough).

Shirka wax haka soo baxeen ama yeey ka soo bixin nin dambe oo la hor fadhiisto wey dhamaatey.

Mahadsanidiin,

Scoring disabled. You must be logged in to score posts.Respond to this message   

(no login)

Untitled

No score for this post
January 11 2002, 11:29 AM 

walaalayaal
hadii la doonayo xal laba xaalo mid ha la isugu yimaado
1. in diinta islaamka sidii loogu dhaqmi lahaa laga wada hadlo gobol kastana ergo soo dirto, hadii ta lawaayo waxaan arkaa baaba aan dhamaanaynin.

2.arinta labaad waxaan xal u arkaa in qabiil kastaa dib
isugu noqdo oo soo wada hadlo meelna ku soo heshiiyo
waali iyo miyir qab miduun lala yimaado ilayn taag
looma hayo toban nin oo hawiye ka socota iyo toban
nin oo daarood ka socota iyo toban nin raxanwayn ka
socota iyo toban jareer weyn ka socota iyo toban
aan meel aan garanaynin ka socota.
A. hawiye ha isu tago oo meel ha ku soo hashiiyo
B. daarood ha isu tago oo meel ha ku soo hashiiyo
c. raxanwayn ha isu tago oo meel ha ku soo hashiiyo
D. jareer weyn ha isu tago oo meel ha ku soo hashiiyo
E. dir ha isu tago oo meel ha ku soo hashiiyo

waxaan ku soo gabagabaynlahaa in marka la isugu yimaado dawlad somaliyeed oo la dhiso intaas marka lagu hashiiyo ka dib ha loo tago somaliland igana ha lala hadlo oo wuxuun ha lagu hashiiyo.

sheikhuna53
wa bilaahi tawfiiq

Momamoud dheere
(no login)

waynu Igad

No score for this post
January 11 2002, 12:42 PM 

Somaliye waa heshiin lahayd hadii inta xabashida la socotaa iyo intii dawladii afweyne la
qabqabto...waayo waa iyaga wax duninda waa layaa.
kuwa afeyne la socon jiray waxaa ka mid Gaani/Moorgan
gabyow....kuwa xabashida la socotana waxaa ka mid ah
ina Caydiid(oo isagu wax alla wax uu ogyahay aanu jirin.)Abdulaahi yuusuf(toban sano haddi uu jeel ugu jiray itoobiya hadana weli la socda(ninku ma umulbaa))

Scoring disabled. You must be logged in to score posts.Respond to this message   

(no login)

DHIBKII BAA NA KARAY..BAL AAN SABARO...

No score for this post
January 11 2002, 1:31 PM 

ACWW

Run ahaantii waxaad moodaa guud ahaan umadda keeda aqoon yahanka ah,culumada,kan aan wax aqoonba inay ka sabreen in wadankooda ay dib u arkaan ayadoo wax walbaayi caadi yihiin,sidaa daraadeed buu mid walbaa oo figrad soo jeedinayaaba wuxuu ka bilaabayaa wax kama soo naasacadda meeshaasaas,balse aan is waydiino yaa laga rabaa inay dalkii iyo dadkiiba badbaadiyaan Alle ka sokoow inta hartay haddii aanu halaasi ku jiro fikirkeenuna sidan yahay iyo in la mid ahba sababtoo ah waxaa maanta la joogaa casri uu talin karo wiilkii dagaalada ku dhashay mubaalaqo ahaan balse waxaan oran lahaa walaalayaaal aanu sida isu dhaano,waayo aragnimo fiicanna waaban haysanaa hadda marka waxaan hadaljkayga ku soo gabagabaynayaa aanu ku sabarno arimaha socda guud ahaan caalamka iyo gaar ahaan wadankeena.
A.DHEERE

Scoring disabled. You must be logged in to score posts.Respond to this message   

(no login)

figrad

No score for this post
January 11 2002, 2:44 PM 

aslamu calaykum walalyaal.waxay aniga ilatahay inaan.
wax xala ah aan lagaarayan soomalina isu imanayan ilaa ilaah loo noqdoo diinta &xaqa lagu dhaqmo balse inta ay kuwa shacabka soomaliya maanta matala ay leeyihiin xaqa uma baahnin ee xal baan rabnaa,taas oo macnaheedu yahay,ninkii reer wayan ka dhashay oo mooriyaan &barooma haysta ayaan wax u ogalnahay waa sidii carta lagu soo dhisay hadana ay hawsha ku wadaan,
walaal yaal miyay naan dad islaamah oo damiir leh ahayn ma waxaan u dulqaadanaa walalaheen loo gu yeero athers ka maxay tahay kal mada macna heedu soow yasida maa ha, ta labaad c/qaasin waxuu ku dhaartay inuu umada soomaliyeed simidoon oo uusan wax eex ah samaynin,walina reerkuu ka dhashay somalida masaakiinta ee shabeelad dhexe ayay biya ah wabiga ka iibiyaan,wax uu ka qabtay daaye wasiiradiisa kuwa gamid ah oo ay dhalasha wadaagan ayaa si bareera u sheegtay in reerkoodu uu wax ka leeyahay shabeelad hoose,&jubooyinka walaal yaal inta qaar naga mid ah ay dulmanyihiin xal noo keenimaayo shir lagu qabtay kenya
haday isu yimaadan dawladaah oo dhan xal u geenimaayay soomaliya ilaa in ay qolo xaqdaro ku taageerto siday jabuuti & ethopia samaynayaan.walaal yaal. waxay aniga il tahay in qolo walaba ay meesheeda ka samaysato maamul hoose oo aan ahayan sheekasho dawlad sida somalilan,balse maamul gobaleed sida puntland dadka kayimid gobalad dhexe ee la sooqaldayana ay dib ugu noqdaan dhulkooda kana waantooban sii haysashada ay haystaan hanti ayna lahayan oo dadkale leeyahay maxaa yeelay waa xaaran alan waa reebay inaad qof muslin ah hantidiisa sharci daro u haysatida markaa kadib la isu yimaado oo laga xaajooda wixii dhacay 11 kii sano ee colaada intaa kadib wixii cafis ah ama tanaasul ah la is la eego lana samaysato dawlad dhexe oo loo dhan yahay, aniga sidaas ayay talo iga tahay walaal yaal hadii kale shirka laqabandoona marsada fooda in gu hayso wuxuu noqanayaa sida ku wii hore ee ahaa shinbirayahow heesa hees wanaagsan heesa. sidaasay il tahay

Scoring disabled. You must be logged in to score posts.Respond to this message   

(no login)

xal ilaahay hnoo keeno,

No score for this post
January 11 2002, 4:28 PM 

waxaan umalaynaya aniga ahaan maanta inay maryso arinta soomaliyeed orahda oranaysa(sidee xeero lagu xagtaa ilkana ku nabdgalaan) waxaanu xal ku heli karnaa angoo si nayad sami ah u wada niraahno ilahayo naga dulqaad duligan na saaran iyo darxumada dadkeenii ku haysa meelwaba,
taa kali ah ayaan anigu xal u arkaa,

Scoring disabled. You must be logged in to score posts.Respond to this message   
maxamuud dheer
(no login)

waxaa wanaagsan waxa soo socda inaad ka hortagtid....

No score for this post
January 11 2002, 4:34 PM 

Soomali kasta oo soomaliya ku nool marbuu dulmanaa
hadaba waxaan la yaabsanaya qaar inaga inaga mid ay ayaa wax leeyihiin ilaa waxaa la sameeyo waxaasi ma dhacayaaan.exm jubba/shabeele waxaasi ka dhacaaan waxba madhacayaan..............WAXAAN KU SOO GABAGABEEYE
YAARI SOOMALIYI HA ISRAACDO.

Scoring disabled. You must be logged in to score posts.Respond to this message   

(no login)

CAANAHII DAATAY DADAALOO DIB U QABO

No score for this post
January 11 2002, 4:58 PM 

Asalaamu caleykum waraxmatullaahi wabarakaatu

Walaalayaal waxey ila tahay xalka soomaaliya inuu ku imaankaro:

1. Inaan alle u noqono oo aan dulmiga iska dhaafno waayo intuu midkeen inaga mid ah walaalkii dulmi ku wado waxaa laga yaabaa in alle naxariistiisa ay inaga fogaato aan diinteenii iyo dhaqankeenii wanaagsanaa u noqonno oo an ku dadaalno alle raalligalintiisa.

2.Waa inaan mid walba oo inaga mid ah uu u soo jeestaa sidii dan guud looga wada fekerilahaa iyo in aan ka tanaasulno danaha shaqsiga iyo mida qabiilkaba oo aan ognahay inta burbur iyo dhibaato la,eg ee uu inoo geystay.

3.Hantida iyo dhulalka la kala haysto oo laysku soo celiyo.

4.Fekerka bulshada soomaaliyeed oo aad moodo inuu hooseeyo oo kor loo qaado, jahliga oo aan la dagaalno taasoo aan wada ognahay dhibaatooyinkeena burburka inoo keenay inuu ugu horeeyo jahliga.

Soomaaliya xalkeeda inaga ayaa keeni karna ee shisheeye iyo cadowba inooma keeni karaan, hadaan nahay dadka ku nool wadamada dibadaha waxaad moodaa inaan ka sugayno inay soomaalida gudaha ay iyagu xalka keenaan laakiin waan daalnay markan waxaa la soo gaaray xilligii dibad iyo gudaba gacmaha lays qabsan lahaa oo loo soo jeesan lahaa danaha bulshada.

Walaalyaal alaha nawaafajiyo towfiiqda ilaahayna maslaxad hay na dhax dhigo inagoo alle gargaarkiisa waydiisanayno ayaa la rabaa inaan dadaalno.

AWW

WARDA

Scoring disabled. You must be logged in to score posts.Respond to this message   

(no login)

halbooliya nirig xalaala ma dhasho

No score for this post
January 11 2002, 5:19 PM 

xaqiiqdu marna indhaha lagama qarsankaro waayo waxu hadanay cadaalad dhisnayn laguma guulaysto waxa kasta oo aan cadaalad lagu dhisina waxy ku danbeeyaan halaag
hadaba shiraan la qabanayo hada iyo kan lagu qaban doono nairobi kenya waxay daba joogaan kuwii hore oo boolida iyo dulmiga ku dhisnaa umana arko in xal laga gaarayo waayo ilahay waa caadil dulmina ma ogola
hadii la rababo in xal la helo waan in ILAAHAY loo noqdaa waxa la dhisayana lagu dhisaa hab cadaalad ku dhisan oo aan aheeyn waan ka xoogbadanahay, dhulkaagaan qabsanayaa dabaa dalkoodii laga rarayaa da kalena waa la soo dejinyaa,
ugu danbeeyntii ilahay danta haina garan siiyo

Scoring disabled. You must be logged in to score posts.Respond to this message   
caaqil Cumar
(no login)

Untitled

No score for this post
January 11 2002, 5:30 PM 

Soomaliya isku marxalad ma mareyso. Dadna waa diyaar in ay aayahooda ka tashadaan oo dadka kale wax la qaybsadaan, dadna dulli ayaa lagu haaya oo waxay ku jiraan halgan is-xorayn ah. Marka waxay ila tahay in aan weli loo bislayn dowlad loo dhannyahay. Cabdulqasim rerkiisa in ay xasuuqa ka dayso maatada marar badan ayey ballanqaaday sida Qaahira, Jabuuti. Waxna kama soo bixin. Cabdulqaasim waakan dulmigii kordhiyey. gebogebo waxay ila tahay in waan waan iyo walaalow waxba looga keenaynin! Tollow sidéen wax niraahnaa??????

Scoring disabled. You must be logged in to score posts.Respond to this message   
caaqil Cumar
(no login)

Untitled

No score for this post
January 11 2002, 5:31 PM 

Axmed Dheere
(no login)

Xalka Soomaaliya

No score for this post
January 11 2002, 6:36 PM 

Walaalayaal waad salaaman tihiin.
Waxay ila tahay xalku soomaaliduu gacantooda ku jiraa,
laakiin dowlado shisheeye ah ayaa jira oo hadda aynu wada aragno no 1 waa Ethiopia laakiin haddii la isu daayo Soomaalidu way heshiin lahayd,taasna waa inaga aragna kooxihii qaabkii qabiilka ka tegaya oo qaab isbaahaysi siyaasadeed isu bedelay.Hadaba jiritaanka Carta ayaa cadaadis ku keenay kooxahan koonfurta ka jira iyagana dagaalka Maraykanku wado iyo Ethiopianka ayaa oo dabada ku dhegan ayaa dib u sii dhigaye mar hore ayey miiska wada hadalka imaan lahaayeen.Soomaalidana in cadaawadii qabiil iyo is aaminid la'aantii siyaasadeed ee u dhaxaysay waa soo dhamaanaysaa.

Scoring disabled. You must be logged in to score posts.Respond to this message   

(no login)

NABAD<<<<<<NABAD<<<<<<HAA....HAA...yaarabi..?

No score for this post
January 28 2003, 7:48 AM 

Salaamu caliikum waraxmatulaahi wabarkaato.walaalayaal
ilaahey waxaan ka rajeynayaa nabad soo badan in ilaahey nasiiyo..Qabqablayaashana ilaahey naga qabto.bishaan maarso waxaan rajeynynaa iney dhalato xukun somaaliyeed..inshaalaah.

Scoring disabled. You must be logged in to score posts.Respond to this message   

(no login)

XALKA SOOMAALIYA MAANTA

No score for this post
January 11 2002, 6:32 PM 

NABAD WAA FURAHA NOLASHA WAXAASE HELA CIDII RAADSATA.
Waxaan halkaan ku xusayaa aragtidayda ku aadan qaabka soomaaliya loogu heli lahaa nabad. waxaa la helayaa nabad marka la helo cadaalad. cadaalad waxaa lahelayaa marka Alle laga dhowrsado.
waxaa mar walbo oo ladoonayo in xal laga gaaro arin loo baahan yahay in la garanayo dhibka xalka loo raadinayo laftiisa.Soomaaliya waxaa ka dhacay cadaalad daro xoogeediina waxay dhacday waqtigii ciidamada xukunka haysteen, dil,zino,cadaalad ku fusha masaakiinta lagalana xishoodo kacaanka iyo asxaabtiisa,Diinta oo lagu tunto,(waayo ma ay jirto danbi aan kadhicin soomaaliya oo lagu halaagay umadihii hore marka laga reebo nabi oo ayan dilin, badiilkeed culumo ayaa ladilay).cidii intaa gaysaneysay ayaa xukunka maanta rabta ama loo gurbaan tumayaa, yaa xal keenaya weli caddaalad ayaa maqan.yuuse yahay cida ku hogaaminaysa ee aan dambiga u geysan umada.
waxaan ku gabagabaynayaa aragtidayda in xal lahelayo marka la helo sedex arimood.
1-qof kasta waa in uu Alle uga toobadkeeno Danbiga uu geystay, haddii uu ugaystay shaqsi waa in uu cafis weydiistaa.
2- waa in laga haro dadka la taageerayo ee horey maamul u qabtay waayo iyaga ayaa dhibaatada ugu wacan umada, haddii aadan yeelin dulmi ayaa weli wadaa waayo waxaa suura gal ah in uu qofkaas aad taagertay ay ku jirto fikrad ah reer hebel baa'bi'i.
3- in aadan ka biqin cid aan alle ahayn xaqana aad garab istaagto.
wixii intaa ka haraa xal kasta oo la gaaraa waa maalmo gudohood, wax walba oo aan ku dhisneyn cabsi Alle waa buraan, cidii wax dumisaa wax ma dhisto

Scoring disabled. You must be logged in to score posts.Respond to this message   

(Login abdi-aziz)

talaabo horumarleh

No score for this post
January 11 2002, 10:19 PM 

Walaalayaal waxa aan uleeyahay waa talaabo horumarleh waa wadahadal aan qori oolin ahna xalka ay dagaal ooga yaashu kunasan karaan kuna ogaan karaan noloshu waxa ay tahay,balse hadii ama kii aan garanba waxa aynu leenahay soomaali dad waalan way leedahay wayna buuxaan ee allaha kuu gargaaro banu kugu gargaari karnaa iyo baritoon waxku tarno hadaan nahay dadka soomaaliyeed eeshirkan guusha iyo is fahanka ku soogaaray.

MAHADSANIDIIN WALAALAYAAL.

Scoring disabled. You must be logged in to score posts.Respond to this message   
Rashid
(no login)

shirka lagu qaban doono kenya

No score for this post
January 11 2002, 10:54 PM 

Shirkaa la qaban doono wixii ka soo baxaya ilaahay baa og,laakiin waxyaabo badan baa weli ka qabyo ah soomaalida sida meelo xoog lagu haysto iyo dad wax tebaya,shirkaasna dowlada ku meelgaarku danbaa ugu jirta,waxayna isku deyeysaa inay wax walba haa tiraahdo hadhowna ay ka baxdo wixii lagu soo heshiiyey owrkeedana ay ku kacsato.

Scoring disabled. You must be logged in to score posts.Respond to this message   
soomaali
(no login)

illlah ha ina garansiiyo wanaaga

No score for this post
January 12 2002, 10:17 AM 

asalaama calaykum.
walaalyaal ra'yigiina ma xummo nin waliba ra'yigiisa ayuu dhiibtay qaarkiina sida ay la tahay dhibaatada jirto.
marka hadaan idin ku darsado adinkoo raali ah.waxaan jeclaan lahaay inaan ka bilaawo ragga qabiilka dhibaateysan dhulka halooga kaco dhahaayo intaan u guda galin arinta heshiiska keenya.
ragga yiri biimaal aan ka bilaawo walaalaheygiyoo nin walaalkiin aan ahay macnaheeda nin dir aan ahay marka dhibka hadeer aad sheeganeysaaan intii xukunka siyaad barre jiray aadan dareemin maxuu yahay maanta oo xor la yahay ninkii nin kaa dillo aad dilaysid adoo doowlad kaa celiso ama idiin gar qaado jirin.marka calaalacalka ay ku shaqeystaan dagaal oogayaasha oo caroortii soomaaliyeed agoomeeyey hala imaan.waxaana ka xumahay maanta cabdullaahi sheekh ismaa'iil oo aan ku tirayo ragga diplomaasiyiinta ugu aqoon roon maanta askari daba taagnaado,mase dhiig yacab howsha uu galayna waa jiraan rag biimaal ah oo qaadi karo.
ragga kale aad sheegtay digil iyo mirrif maxaa u roon raggi sii mar maraayey horay iyo gadaal baahidooda adoonka oo dhan laga arkay masse ninka maskiinka ah oo dhahaayo illaah halaga baqo xamar gees ka joogo waa cabdilqaasim.mase dhiig yacabkii yaraa shalay ay iska eryeen maanta inay soo dhaweystaan sxb arintaan meel ay ka qaldantahay ha ku aaqiro seegin aduunyada gabbagabada mareyso.aduunyadiina intooda hubka waaweyn haysatey waxay u soo jeesteen in soomaliya la nadiifiyo macnaheeda dhiigyacabka jaahilada aan wax soo barney iyo kuwa ka dab qaato ha noolaadaan, kuwa kalena oo illaah ka baqaayo la baaba'sho. jufada cabdilqaasim inta illaah aan ka baqeyn oo awalba waa i heystaan aad tiri waxaa la rabaa inay shaqadooda sii wataan.

Adinkoo raali iga ah hadaan u soo laabto arinta shirka keenya ama shirkale soomaali way ka daashay.cadeyna waxaa u ah shacabka masaakiinta ah shacabka masaakiinta waxay rabaan shir ay arkaayaan ee ma rabaan shir albaabadiisa xiran yahay oo dagaal ooge ra'yigiisa ku qarsado laakiin waxaan arintaan u deyneynaa illaahigii na abuurto asagaa nooga xog roon arin imaan doonto. soomaaliyana siday ku socoto
dhamaanteena waynu aragnaa ninkii xumaay oo dhan ilaahey ayaa xumaantiisa banaanka u soo saarey.aan tusaalo u soo qaadano cabdullaahi yuusuf umaddi shalay u dhiibatey ayuu maanta dilooyaa,shaati guduud dhaartii shalay uu dhaartey ayuu ka talaabsadey,ina ceydiid kitaabkii la soo barey ayuu la soo baxay.
soomaaliyeey raggaas iyo kuwii xumaan ummadda lamaaagan illaah ayaa u jeedo oo ceebtooda banaanka soo dhigi doono ha noqdo cabdilqaasim ama qofkale.
ninkastoo oo ka mid ah ragga hogaamiyaasha ah ma joogsanaayaan ilaa ay ka taabtaan xanuuun la mid ah kuwii ay taabsiiyeen ummadda masaakiinta qabiil waliba ha u dhasheen.adinkoon xumaan uqaadan qof waliboo idinka mid ah geesigiina la dilay bal fiiri asna meequu dilay mase meeqa dagaal uu galay umad lag laayey xanuunkii uu u yeelay u madaas ayaa taabtay.

marka soomaliyeey qabiil haduu wax taraayo meeqaa maanta isku soo jeesatey shalayna qabiil ahaan iskula jiray.

shirdanbe oo soomali lagu heshiisiiyo ma imaan doon waxaase imaan doono kii jarmalka afganistaan dowlad loogu dhisay kaas ayay ogalyihiin lacagtooda ay ku baxeysaa.
ismaa'iil cumargeela waxaa lagu diidan yahay nin madow islaam ah ayaa dad heshiisiinaayo nobel prise ma siinkarno.laakiin hadey daacad ka aheyd heshiiskaas soomali uu dowlad ugu soo dhisay illaah ayaa ajarkeeda siinaayo.soomaalina ilaah ayaa garab gali doono

Scoring disabled. You must be logged in to score posts.Respond to this message   

(no login)

CADDAALAD & SINNAAN

No score for this post
January 12 2002, 3:40 PM 

Waad salaaman tihiin.Waxaan jeclahay inaan fikradeyda ka dhiibto Shirka Nairobi ee la qaban doono bisha Maarso 2002 haddii Allah Idmo.
Sida warka loogu dhigay ama loo baahiyey waa arrin aad u wanaagsan,laakinse waxaa aad iyo aad u muhiim ah shirarkii nabadeynta Soomalia oo horay loo soo qabtay dhammaan way hirgeli waayeen,sababtoo ah markii hore waxay ka leexdeen waddaddii toosneyd ee nabada lagu gaari lahaa.Waxaa ugu roonaa wax yar kii carta ee Jabuuti,markii hore wuxuu ku socday waddo fiican,kadib shirkii wuxuu ka leexday tuubiyahii toosnaa oo dad dano gaar ah ka leh Somalia ayaa hoggaanka u qabtay kadib waxaa dhacday inay meeshii noqodtay gole qabiil gaar ah ay maamushaan dadka kale-na ay noqdaan sida(Shirbiryow heesa hees wanaagsan heesa).Wax kale iska daa ka qeybgalayaashi ayaa loo kala saaray laan dheer,laan gaab,qaar baa loo oggolaaday inay deggaanadooda la tashi u tagaan,qaarna la caburiyey oo laga qaaday xuriyadda oo dhan.ugu dambetyntii dawlad maqaar saar ah ayey soo magacaabeen oo dulmi iyo caddaalad darro ku dhisan.Dib u eega ama dib u fiiriya cabdiqaasim khudbadii uu shirkii carta uu ka jeediyey iyo ballamadii uu qaaday isla markii doorashada dhammaadatay waa ka leexday.Qof ballan ka baxay sow ma
ma ahan MUNAAFAQ.Munaafaqna mas'uul ma noqon karaa ?
Kadib shirkii carta dalka Somalia waxaa u bilowday fitno kale oo horleh oo ay horseed ka yihiin kooxda carta,barakicin,boobid dhul islaameed,awood u sheegasho dadka maatada ah.Taasi oo dhan waxaa markhaati oo marag ma doonto ah,dawladda la sheegaayo xagee ayey xunkuntaa ? Qabiil waa Somalia burburiyey ?
Qabiil Qaran ma dhisi karaa ? Isku soo wada duub,shir kasta oo ka leexdo tubta toosan aakhiritaankiisa waa baa ba' iyo hoog horleh usoo kordhay dalka Somalia.
Sidoo kale waxaan la yaabanahay arrimaha Somalia gudaha dalka Somalia maxaa ka quseeya dawlada Jabuuti,Masar,Talyaani.Libya oo intuba fara gelin aad u weyn ku haaya iyo waddamo kale oo adeegsanaayo dad kale Somali iyo ajnabi kalkaal.Talyaaniga waa cadawga ugu weyn ummada Soomaaliyeed.Ciidan ajnabi cagta soo dhiga ciidda Somalia wuxuu ahaa Talyaani 1991,iyadoo Somalia gacan u haaban oo meel cidlo ah kaga dhaqaaqay.Talyaaniyow maxaad ka quseeya arrimaha Somalia.Sidoo shirkii nabadeynta Somalia ee lagu qabtay Masar.nabadsugida Masaarida waxay ku qabteen safiirka Talyaaniga u fadhiya boorso ay ku jirto 5 milyan US Dollars si loogu qeybiyo ka qeybgalayaasha shirka oo ay u fuliyaan "Barnaamij uu watay Talyaaniga"intii aan ogeyn sidaasi u ogaada Talyaani inuusan waxba noo heynin.Jabuuti waa cadaw kale aad u weyn oo ay leeyihiin ummadda Soomaaliyeed.Markii uu dagaalka ka bilowday dawladda Jabuuti (Xuduudka ayey kasoo xiratay maatada qaxootiga Soomaaliyeed oo xuduudka ayey ku la'deen,bal fiiriya dawladaha Kenya iyo Ethopia xududka ayey noo fureen oo weliba gacmo furan nagu soo dhoweeyeen,bal isu barbar dhiga arrimaha kor ku tilmaaman oo garaadkiina ku cabira).
Shirka kasta ku saabsan nabadeynta Somalia waxaa gundhig u ah:-
1)- caddaalad 2)- Sinnaan
ay u wada siman yihiin dhammaan ummadda Soomaaliyeed,taasi haddii la helo waa kheyr iyo barwaaqo,haddii la waayo waxba kama duwana shirarkii horay u fashilmay oo kale.Waxaa habboon in lagu waana qaato khaldaadkii horay usoo dhacay.
Somalia Illaahay waddada toosan haku hago,hana ka wada qabto sharwadaaysah oo dhan gudaha iyo dibaduba.
Wa Calaykum Salaam.

Scoring disabled. You must be logged in to score posts.Respond to this message   

(no login)

CADDAALAD & SINNAAN

No score for this post
January 12 2002, 3:45 PM 

WAA AYO IGAD?

No score for this post
February 11 2002, 4:05 PM 

BAADIDA NIN KULA DAYDAYAAYAA JIROO DAALLA KAA BADANNE OO AN DOONAYN INAAD HESHAA DAAYIN ABIDKAAYE!!!
saaxiibayaal,xaaladda soomaaliya waxaa gacanta ku haya ethiobia iyo kenya IGADNNA malaha iyaga ayuunbay ka koobantahay,suudaan firfircooni badan ku malaha oo teedii ayay ka badin ladahay oo maraykan ayay la halgamaysaa sidii ay uga dagaalami lahay ereyga maraykan ubixiyay<<TERORIST>> jabouti waa inoo dadaalaysaa oo malahayga xaalka soomaaliya daacadbuu ka ahaan lahaa lakiin kadib bur burkii soomaaliya iyadaaba gacan ku gabada oo laleeyahay<<<GUUGUULIHIIYOOW HADAAD GOOHA DAMIN WAYDO ADIGAABA LAGU GAADAYAA GOORYAR DABADEEDE GAAGGABSO OO AAMUS YAAN GAAR LAGAAQABANNE>>kulan ay isugu yimaadeen kenya iyo ethiobia dalka faransiiska bishan febrayo2002 waxay saxafadda u sheegeen guul ay ka gaadheen soomaaliya kalmadaana waxay isticmaalayeen illa 1993kii<<<HALKAN GEESIBAA YAAL HALKEER GAARIBAA WADHAN HALKAANA GABANYAR BAA QALLAN GURAYNNA WUU WARAMAYAA GUULLA WUU AKHRIYAYAA>>>:talo gaaban waxa weeye xal soomaaliya IGAD IWM uga yimaadda waa calaacasha tima ka day ee armaynnu tuugteenna isbahaysatay ee nin waliba danleeyaha ka bilaw hebel qaasim oo illaa maalintii kacaankii dhashay kursiga kalulanayay maantana inna leh 21 kii kacaanku jiray burburkii uu idin baday ayyaan innaga soo kabi inta aynnu kamidawnno oo xididada ujarro aqoonyahaniinteena iyo keenna daacada ah boodhka kajaffano daneheenna inagu katashanaa

Scoring disabled. You must be logged in to score posts.Respond to this message   

(no login)

Inaan waxba kasoo baxayn

No score for this post
May 3 2002, 5:20 PM 

Sababtoo ah soomaali inay heshiiso mooye xid heshiisiin kartaa majidho,meelkastoo latago. Anigu waxaan qabaa inta qofba qof fiir sanaayo wax hagaagayaa majiro.Waana in ilaah loo noqdaa.

Scoring disabled. You must be logged in to score posts.Respond to this message   

(no login)

doodfuran; soomaaliya

No score for this post
May 13 2002, 9:10 PM 

waxaan oranlahaa soomaaliya hamidoowdo anigunailaahaywaxaan ilaahay karajaynayaa
waxaannilaahaykad

Scoring disabled. You must be logged in to score posts.Respond to this message   

(no login)

doodfuran; soomaaliya

No score for this post
May 13 2002, 9:11 PM 

waxaan oranlahaa soomaaliya hamidoowdo anigunailaahaywaxaan ilaahay karajaynayaa
waxaannilaahaykad

Scoring disabled. You must be logged in to score posts.Respond to this message   
Dhoodaan
(no login)

Waa in aan Gumaysi ku noqonaa

No score for this post
July 10 2002, 3:13 PM 

Xalka soomaaliya, waa in Markale Gumaysi Qabsado Dhamaan JUMHUURIYADA Somaaliya, Waana in aad loo Gumaysto Dadka Dabada udhaqaya Qabqablayaasha dagaalka, Mar adii uu haalku marayo MUUSE SUUDI,MAXAMED DHEERE, SHAATIGUDUUD, oo ladaba ordayo Anigu waxaan xal u arkaa in Golaha Amaanku Utaliyo Soomaaliya,

Scoring disabled. You must be logged in to score posts.Respond to this message   
Socdaal
(no login)

Shirka Nairobi

No score for this post
July 10 2002, 6:09 PM 

Suaalahu intaa waa ka badan yihiin, waxayna hoos imanayaan oo keliya Maxaa Soomaaliya xal u noqon kara:
Waxay ila tahay hawl gal aad u wayn ayey Soomaaliya u baahan tahay, sidaa daraadeed hadii ay noqdaan go'aanada Golaha ammaanku kuwo in kasta wareer ku keena oo u danaynaya dadka iyo dalka Soomaaliyeed, waxay noqon doonaan meel mar.
Dhibaatada Soomaaliya way ka wayn tahay wax marba qabiil dhan ula cararo, sidoo kale waxba kuma xalismayaan ciidan shisheeyey oo Cabdilqasim u malaynayo in laga yeelayo inay MOg. iyo dalka u qabtaan.
Xalkuna wuxuu ku jiraa iyadoo loo helo ciidan sharciga adeegsada oo xoog wax ku meel mariya, iyadoo ciidankaas badidiidu ahaan doono Soomaali, weliba qaybta ugu badan laga keenayo Soomaalida degan Euro iyo Englo-America.

Scoring disabled. You must be logged in to score posts.Respond to this message   

(no login)

r

No score for this post
July 10 2002, 8:13 PM 

fff

Scoring disabled. You must be logged in to score posts.Respond to this message   
NinCusub
(no login)

hadaan Arko

No score for this post
July 10 2002, 10:15 PM 

hadaan arko mid ooyaya oo is miskiininaya waa Ogaadeen.. hadaan arko mid xabash ah waa ogaadeen,hadaan arko mid aan dhul lahayn waa ogaadeen..hadaan arko mid hada la soo boodaya xal ha la helo calooshana ka jiran waa ogaadeen,hadaan arko jaasuus waa ogaadeen, hadaan arko nacas waa ogaadeen ..wax waliba waa ogaadeen ...war duulkan aan gaalo iyo muslin midna ahayn maxay yihiin?

Scoring disabled. You must be logged in to score posts.Respond to this message