DoodFuran: SomaliTalk.com
--


  << Previous Topic | Next Topic >>Back to Index  

aqoon kororsi(codsi)

January 23 2003 at 7:38 PM
No score for this post
N. Cumar  (no login)

-
marka hore waxaan slaamayaa dhamaan soomaali meelkasta oo ay joogto dalka iyo dibadaba.
waxaan ahay 18 sano jir.aniga oo ku nool dal shiyeeye waxaan idinka codsanayaa inaad gacan igu siisaan sidii aan kor ugu qaadi lahaa aqoontayda xagga afka soomaaliga gaar ahaan ereyada loo isticmaalo,
1-magaacda geedaha iyo dhirta.
2-magaacda xoolaha yaryar.exemple;hashu marka ay yartahay.
3-magaacda xoolaha loogu yeero ama loo baxsho.
4-magaacda noocyada kala duwan ee caanaha,exemple;caano dhay ah,caano dhanaanaaday....
5-iyo wixii la mid ah.
waad mahadsantihiin dhamaan.

waqtigaaga iyo aqoontaada ma ii huri kartaa qayb yar oo ka mid ah?

 
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.Respond to this message   
AuthorReply
salmaan xasan.
(no login)

Re: aqoon kororsi(codsi)

No score for this post
January 24 2003, 7:29 AM 

salaamu c/kum.
N.cumar,waadku mahadsantahay codsigan aad noo soo bandhigtay waana talo wanaagsan in baadhitaan lagu sameeyo amaba la qoro qaamuusyo-dictionaries-lagu urursho af soomaaliga ku saabsan nolol-dhaqameedkii soomaalidii hore waayo maalinba maalinta ka dambeysa way sii yaraanayaan oo waxaa badala erayo kale oo inaga soo galay afaf kale sida carabiga,english,italian,french.....
hashu marka ay yartahay waa nirig,ka dib waa qaalin,dabadeedna waa hal !!!!
magaacda geela waxaa ka mid ah maandeeq,sagal,baarcad ,caano badan! gabno,wiilma ma deeq!!
weelka geela lagu ama lagu waraabiyo waa gorof.gorofka waxaa laga sameeyaa geedo sida MOROHDA...
salaamu caleeykum.

 
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.Respond to this message   
SAMATAR
(no login)

Re: Re: aqoon kororsi(codsi)

No score for this post
January 27 2003, 11:23 PM 

Adhigu wuxuu u qaybasamaa riyo (goats) iyo ido(sheeps)
waxayna riyuhu u qaybasamaan ri'(female goat) iyo orgi (male goat). ridu waxay dhashaa Waxar markii ay labo jir gaadhona waxaa la yidhaahdaa Ceesaan. marka ay wax dhashona waxaa la yidhaahdaa ri.

Iduhu waxay u ka kooban yihiin Lax iyo Wan. Laxdu waxay dhashona waxaa la yihaahdaa Nayl. Marka ay ilaa labo jir gaadhona waxaa la yidhaahdaa Sabeen. Markay dhashona waxaa la yidhaahdaa Lax.

Naylaha iyo Waxaraha waxaa la isku yidhaahdaa Maqqal. Ceesaamaha iyo Sabeenahana waxaa la isku yidhaahdaa Baraar.

Wananka iyo iyo Orgidana waxaa la isku yidhaahdaa Ahmin. Waana kuwa la iibgeeyo inta badan.

Wanka loogu tala galay in uu idaha rimiyona waxaa loo yaqaan Sumal.

Kuwa qaliinka loo keeno magaalada ama tuulada waxaa la yidhaahdaa Daabax. Kuwa la dhoofinayona waxaa loo yaqaan Ahmin.

Rida aan geesaha lahayn waxaa loo yaqaan Seenyo.
Riya qaarkood waxaa cunaha ka lusha laba farood oo yaryar waxaana loo yaqaan Kolmo.

Intaas ayaan anigu kugu biirinayaa iminka.
Waxaana rajeynayaa in wax ka tari doonto waxaad u baahnayd.

SAMATAR

 
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.Respond to this message   
Current Topic - aqoon kororsi(codsi)
  << Previous Topic | Next Topic >>Back to Index  
Find more forums on Pan-AfricansCreate your own forum at Network54
 Copyright © 1999-2008 Network54. All rights reserved.   Terms of Use   Privacy Statement  
AFEEF: Dhamaan qoraalada halkan ku qoran waa aragtida dadweynaha kana kana tarjumimaayaan aragtida SomaliTalk. Waxaadna ogaataan in qofka kasta oo halkan qoraal kusoo qora si fudud loo ogaan karo computerka yo cinwaanka uu qoraalkaas kasoo qoray. Cilmiga casriga ahna uu taas suurtagal ka dhigayo.


DISCLAIMER: All opinions and comments appearing here are strictly those of the authors and do not necessarily reflect the opinions of somalitalk.com and its editors.