DoodFuran: SomaliTalk.com
--


  << Previous Topic | Next Topic >>Back to Index  

Dood Furan : Yaa U Qalma Gudoonkeeda Jagadda Madaxweynanimada Ee Jamhuuriyadda SomaliLand.

January 26 2003 at 6:50 PM
No score for this post
  (no login)

-
Dood Furan : Yaa U Qalma Gudoonkeeda Jagadda Madaxweynanimada Ee Jamhuuriyadda SomaliLand.

******************************

Sallaan ka dib waxaa jira in baryahan danbe aad moodo in ay noqotay nin waliba ceesaantii ceel keen, sida aynu wada ogsoonahay waxaa fooda inagu soo haye xilligii doorashooyinka Madaxweynaha dalka jamhuuriyadda Somaliland, haatana waxa jirta in la og yahay natiijadii kasoo baxday doorashadii golaha degaanadda degmooyinka iyo gabo-gebadii ragga u kala baratamaya Madaxweynaha dalka iyo xisbiyada ay ka soo kala jeedaan, hadaba had iyo goor waxaad arkaysaa umadeena oo wax xaqiiqada ka dheer ku yoo-yootamaya, isla markaana nin waliba ninka uu u xaglinayo mooyee ka kale taariikhdiisa shaqsiyeed aasaya meelna uga dhacayo, maan jeclaysan in aan faaladan iyo doodan furan aan ka bixiyo xiligan, laakiin waxaa kalifay, aniga oo arkay dhawr nin oo isu jaawabaya iyagoo canbaaraynaya musharaxiinta dalka jamhuuriyadda somaliland, qaar kalena amaanaya.

Hadaba si aan u cabirno saadaasha iyo saxan-saxada siyaasadeed ee ku soo fool leh dalkan hanaqaadnimadu ay maanta ukowsatay, aanu isla jaleecsano wacyiga jira iyo liibaanadda madasha siyaasadda ka dhex muuqda, kuwa ay yihiin, sidaa daraateed iyo hadal duubkiis aan ugudubno xaqiiqada dhabta ah ee ay leeyihiin musharaxiinta maanta u taagan doorashadda madaxweynanimadda dalka jamhuuriyadda Somaliland, waana tan soo socoda ee dheeho nuxurkeeda:-

1-Mujaahid Mudane Ahmed Maxamuud(Siilaanyo) - Xisbiga KULMIYE - tariikh dheer buu ku leeyahay dalka Somaliland waxay ahayd wakhti xun oo kutalo-galku ahaa in ummada reer Somaliland la baabi-iyo, markuu Mudane Mujaahid Axmed Siilaanyo iyo Halyayada lama ilaawaanka ah intooda nool iyo inta dhimatayba, ay Cudud hiil leh, ay u noqdeen Ururkii xaq-udirirka ahaa ee SNM, in badanbaa sitiiraanyo leh loo soo halgamayay, haatana guushii la hel, dhaqayadeedana wataa maanta ladheefayo, mudadaa halganka kadibna, Mudane Mujaahid Axmed Siilaanyo waxa uu wax ka soo qabtay Xukunkii dowladda Somaliland ka jiray wuxuuna intiisa badan ahaa Wasiirka Maaliyadda, Mudane Mujaahid Axmed Siilaanyo waa nin aad u dajin yaqaana xaga maaliyadda iyo qorshaynta kutalo-galka miisaaniyadeed ee qaran loo yagleelo, isaga oo isla markaana meelo badan hogaaminteeda ku wanaagsan, Runtii Mudane Mujaahid Axmed Siilaanyo waa nin ay taariikhduusa Cadahay oonan anigu halkan ku soo koobi karin.

2-Mudane Daahir Rayale Kaahin - Xisbiga UDUB - maxaad ka taqaanaa, waxaa inooga filan taariikhdiisa inta aynu jaleecsan karno mudada gaaban ee uu xilka dalka hayay qof waliba waxa uu ka markhaati kici karaa in ay Xukuumadiisu ay uga dhawdahay xukuumadihii tan ka horaysay ee dalka soo marey, sidii citiraaf qarameed oo buuxa dalkan loogu soo dabaali lahaa, isagoo ka sii anba qaadaya halkay soo gaadhsiiyeen xukuumadihii tiisa ka horeysay, tusaale ahaan hadaynu soo qaadano waxyaabuhuu Mudane Madaxweyne rayale qabtay waxaa ka mida in wafti ballaadhan, oo uu hogaaminayey ay tageen dalalka galbeedka afrika, qaar kalena uu u diray dalalka koonfur afrika, si uu uga dhaadhiciyo mowqifka iyo qadiyadda somaliland, gaar ahaan gooni isu taaga iyo madax-banaanidda dalkan, oo uu ku guulaystay in midowka afrika ay, markii ugu horaysay ay ogolaado in somaliland ayna ka mid ahayn arinta murugadda leh ee koonfurta soomaaliya ka taagan, isla markaana ayna somaliland qayb ka ahayn shirarka dib-u-heshiisiinta ee looqabanayo kooxaha kuhardamaya koonfurta soomaaliya, waxa kale oo uu Mudane Madaxweyne Rayale uu ku guulaystay in uu ka helo wadamada midowga reer yurub(European Union - EU) in ay u saaraan gudi xasaasiya ee heer wasiir ah, sidii loogu soo dabaali lahaa jamhuuriyadda somaliland, citiraaf dowladeed oo buuxa wakhtiga dhow, kaas oo suurta galiyey in dowladaha daneeya arinta soomaaliya ee ku yaala qaaradda yurub, gaar ahaan kuwa katirsan midowga yurub(EU), oo markii hore kukala qaybsanaa mowqifka gooni-isudaaga Somaliland, ay iminka isla garteen in ay arinta citiraafka somaliland ayna ku xidhnayn in nabad laga helo soomaaliya inteeda kale, iyo in kooxaha koonfurta soomaaliya ku-loolootamaya ay heshiis gaaraan iyo inkale, oo ay arinta Jamhuuriyadda Somaliland iyo citiraafkeedu ay yihiin arin gooni ah, waxaa kale oo uu Mudane Madaxweyne Rayale uu hirgaliyay in ay dalka ka dhacaan doorashooyinkii degaamadda iyo Dawladaha hoose, oo ku dhamaatay si xor, xaq iyo nabad-gelyo guud ah.

Waxyaabo badan uu qabtay oonan halkan ku soo koobi karin oo badan ayaa jira Mudane Madaxweyne Rayale, bal hadase aad maskaxdaada ka baadhi karto xaqiiqadooda.

3-Mudane Ing. Faysal Cali Waraabe - Xisbiga UCID - waa kuma Mudane Ing. Faysal, runtii waa nin aad u da yar walina inamuu soo marin firfircoonida Mudane Inj. faysal nin dadiisa ah, oo bishii mar ama laba jeer isaga duula aduuunka guudkiisa iyo cidhifyadiisa, si uu uga dhaadhiciyo wadamo badan mowqifka Somaliland in ay tahay wadan buuxisay shuruudihii wadan lahaan jiray, Mudane Ing. Faysal waxa uu si adag oo sharaf leh had iyo goor ula hadlaa cadawga Somaliland meelkasta oo ay joogaan, wuxuuna isku dayaa in uuna marnaba lagaban xaqiiqadda gooni-isutaaga somaliland, Mudane Ing. Faysal waxaa kale oo lagu xasuusan karaa in had iyo jeer uu baraarujiyo wadan walba uu soo maro dadka reer Somaliland ee markaa ku nool meeshaas, Mudane Ing. Faysal waxa uu halgan dheer uu kaga jiray Waqooyiga Yurub(Findland) in ku dhaw 10 sanno, isaga oo sutida u hayey xaqiijinta gooni isutaaga Somaliland, waxaana kaloo xusid mudan in Mudane Ing. Faysal uu isagu mudadaa wakhtiga dheer ah, ee aanu wax jago haba yaraatee u haynin Dawlada Somaliland, hase ahaatee uu xilkasnimo muwaadinimo ah awgeed, uu u wajahay xilkii qaran wixii isaga shaqsi ahaan ku soo beegmay, intaa waxa uu raacayay in maalintii Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland uu u baahnaa hiil rageed oo xiniinyo taabashada leh, in uu isagu Mudane Ing. Faysal ka mid noqday curadadii isxilqaamay ee u kacay yagleelka iyo dhidib u-aaska dastuurka dalka jamhuuriyadda somaliland, isla markaana uuururkiisa - Xisbiga UCID - u sharciyeeyay si ay dalka uga hirgasho figradda ah axsaabta badan iyo tartanka dimuqraadiyadda xisbiyadda, Dastuurkan lagu codaynayo maanta ee lagu soo dooranayo madaxweynaha dalka, runtii taariih aad u dheer ayuu Mudane Ing. Faysal ku leeyahay qaban-qaabadiisii iyo diiwaan-galintiisii, ninkii ubaahdaana in uu ogaado halganka Mudane Ing. Faysal uu u soo galay taariikhda somaliland waa uu raadsan karaa.

Hadaba dulucda iyo nuxurka hadalka hadaan u soo laabto taariikhdu waa halgan socda ah, kumana koobna wakhtigii dagaalada oo kaliya, walow Wakhtigaa xaq-udirirka dagaaladu mudanyihiin sharaf iyo taariikh dheeraada, laakiin raggan aan ka faallooday waxaad arki kartaan in ninba taariikhda uu leeyahay awgeed, in nin waliba meel ku wanaagsan yahay, ILAAHAY(SW) ayaa quraankiisa inoogu sheegay in dadka qofba meel ku wanaagsanyahay tusaale wanaagsanna waxaa inoo ah Madaxweynihii geeriyooday ee dalka alle ha u naxariistee, Mudane Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, muu ahayn nin ka tirsan ragii SNM keebka dagaalka iyo halganka u hayey wakhtigii dagaalka xoreynta somaliland ee SNM hormuudka ka ahayd lagu guda jiray, laakiin bal hadaadse aad yara jaleecsato habka maamul ee qaranka somaliland ee uu hirgaliyey, iyo sida uu u yaqaanay danta seetada ah ee dalka, iyo siduu Somaliland wax ugu taray una soo daadihiyey wakhtigii uu talada dalka hayey, waxa aad garan baalka cad ee uu kagalayo taariikhda sooyaalka ah ee dalkan, isla markaana hal-beegsi u noqon doonta intii isaga ka danbaysa ee masiirka dalkan majaraha u qabata.

Maanta waa Ilaah mahadii hadii raggaa qiimaha badan ee madasha siyaasadda saaran, ay ukala baratamayaan Madaxweynanimada dalka, hadaba kaad wadato maahee ka kalena xasuuso haduu helo in uu wax uun kaga wanaagsanyahay kankale uu jiro, oo taa muhiimka ah marwalba ogoow, sidaa daraateedna loo baahan yahay aqli isu dheeli tiran in aad ku doorataan ninkii aad ku aamini lahaydeen maganta maandeeq, masiirka dalkiina iyo dantiina mudada ah shanta(5) sanadood ee soo socota, waxaana muhiim ah in aad si fiican aad isu bar-bar dhigtaan danta dalka, hadafka taariikhda sooyaalka ah aynu ka-dhaxalnay, iyo higsiisanka ummadeed ee aanu sahanka ku nahay, iyo wacyiga aynu ummad-ahaan maanta kusugan nahay, kagana horeyno umad badan oo soomaaliyeed oo walaalaheena ah, oo nasiibdaro awgeed, ay sababtay in jaahiliyad gudcur ah ay ku foorarsato, intaas oo awaamiir ah, oo aad si wanaagsan u dheehateen marka aad is bar bar dhigtaan, isuna dheeli-tirtaan, ilaahayna la kaashataan, waydun garan ninka aad dantiina guud aad ku aamini doontaan, mulkiyadda maandeeq ee qarankeena ahna aynu tirsinkeeda iyo xilkeeda si wadajir ah, geed hoostii damaanaddeeda ugu gudoonsiin doono!.

Guul iyo Gobonimo Somaliland

Qore : Mr Cumar Cabdi Nuux.
E-mail : Calaydh2@hotmail.com
Country : Helsinki - Finland.


 
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.Respond to this message   
AuthorReply
SAMATAR
(no login)

Re: Dood Furan : Yaa U Qalma Gudoonkeeda Jagadda Madaxweynanimada Ee Jamhuuriyadda SomaliLand.

No score for this post
January 27 2003, 10:22 PM 

Run ahaantii si wanaagsan ayaad u soo bandhigtay wax qabadkii musharixiinta madaxweynimo ee mustaqbalka dhow ee lagu qaban doono Jamhuuriyada Somaliland.

Inkastoo jawaabtu noqonayso natiijada foodka haddana in la sii saadaaliyo way haboontahay oo codka la dhiibto. Waxaan anigu filayaa in Madaxweyne Riyaale uu jagada sii hayo shanta sanno ee soo socda. Wuxuuna Madaxweyne Riyaale muujiyey qowl iyo ficil wada socda intii uu xilka hayey oo muddo gaaban ahayd. Waxtar xoog lehna u soo hooyey dalka iyo dadka.

Maadaama ay sidaa tahay waxaan ku kalsoonahay in uu ka midho dhalin karo himiladda ay higsanayso Somaliland.

Waxaana aan aaminsanahay in la is garab wado horumarinta gudaha iyo xoojinta siyaada debeda oo ah ta uu Madaxweyne Riyaale wado.

Waxaan aad u jecelahay Madaxweyne Riyaale la tashigiisa balaadhan ee uu had jeer sameeyo iyo wax qabadkiisa oo ah mid muuqda. Waxaan leeyay Somaliland ha guulaysato. Illaahayna dadkayga haw naxariisto.

SAMATAR




 
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.Respond to this message   
Current Topic - Dood Furan : Yaa U Qalma Gudoonkeeda Jagadda Madaxweynanimada Ee Jamhuuriyadda SomaliLand.
  << Previous Topic | Next Topic >>Back to Index  
Find more forums on Pan-AfricansCreate your own forum at Network54
 Copyright © 1999-2008 Network54. All rights reserved.   Terms of Use   Privacy Statement  
AFEEF: Dhamaan qoraalada halkan ku qoran waa aragtida dadweynaha kana kana tarjumimaayaan aragtida SomaliTalk. Waxaadna ogaataan in qofka kasta oo halkan qoraal kusoo qora si fudud loo ogaan karo computerka yo cinwaanka uu qoraalkaas kasoo qoray. Cilmiga casriga ahna uu taas suurtagal ka dhigayo.


DISCLAIMER: All opinions and comments appearing here are strictly those of the authors and do not necessarily reflect the opinions of somalitalk.com and its editors.