DoodFuran: SomaliTalk.com
--


  << Previous Topic | Next Topic >>Back to Index  

Maqaal : Sidee Lagu Xorreeyey Jamhuuriyadda Somaliland - Qabtii 2-aad Iyo Gabo-Gabadii.

January 28 2003 at 2:48 PM
Score 1.0 (1 person)
  (no login)



Kani Waa Qabtii 2-aad Iyo Gabo-gabadii Maqaalkeenii Oo Wada Socda, Waxana Aynu kaga Hadlaynaa Sidii Loo Xoreeyey Dalka Somaliland Iyo Sanad Guuradii 12-aad Ee Kasoo Wareegtay Markii Laxoreeyey Jamhuuriyada Somaliland Oo Ay Gacanta Ku Qabteen Dalka Somaliland Goboladda Iyo Degaamadda Uu Kakooban Yahay Dhamaantii Ciidamadii Xaq-U-Dirirka Ahaa Ee Jabhaddii Xoreynta Ee SNM.

~~~~~~~~~~~~~~ Qabtii 2-aad:- ~~~~~~~~~~~~~~~~~~

Geesiyaashii SNM waxay ahaayeen qaar sidii loogu talo galay hawshooda difaac/weerar u qabsanay, guuto kasta oo SNM ahina goobtii lagu qaybiyay ayay suti-gaashaan kaga jirtay.

Hadaba markii ay ciidamada SNM ee weerararka ahaa ee ka dagaalamayey Front-ka Dhexe, gaar ahaan Gobolka Saaxil, siiba agagaarka magaalo-madaxdiisa ee Berbera, ay dib uga soo baxeen magaalada Berbera si xeel dagaal ah ayaa waxay fadhiisin ka dhigteen Tuulada Sheekh-abdaal oo u dhaxaysa magaalooyinka Hargeysa iyo Ber-bera.

Goor galab ah ayuun bay ahayd markii weerar culus oo lama filaan ah ay Ciidamadii Dawlada ee uu hormuudka ka ahaa Sareeye-Guuto Cabdi Casiis Cali Barre, oo ah taliyihii ciidamada dowladda ee qaybta 26-aad ee waqooyi fadhiday, Ninkan Generalka ah oo ay isku hayb dhawaayeen dhiig-yacabkii Haligmay ee la-odhan jirey siyad barre, ee wadanka soomaaliyeed mudada dheer ku hor kaajayey, aakhirkiina qaxootinimo ugu dhintay dalka nayjeeriya, ayaa ku soo qaaday weerarkaa culus fadhiisiinkii cusbaa ee SNM ee Sheekh-abdaal ee u dhowaa magaaladda Berbera ee caasimadda gobolka saaxil.

Balse sidii caadada u ahayd ciidanka SNM waxa ay markiiba ciidamadii dawlada ee weerarka soo qaaday ay ka dhigeen wax dhintay, wax dhaawacmay iyo wax firxad ku koray buuraha dhaadheer ee ku teedsan wadada laamida ee u dhaxaysa iskuna xidha Hargeysa, Burco, iyo Berbera.

Isla markaa uu dagaalkaasi socday waxaa guutooyinkii dawlada ee Hargeysa deganaa ay isku dayeen marar badan inay soo dhaafaan ciidankii SNM ee Dhubato si jidgooyo ahaa u degenaa, si ay garab u siiyaan Ciidanka Dawlada ee Berbera, balse taas Ilaah waxba ugama tarin oo geesiyaashii SNM ayaa difaac adag galay oo burburiyay weerar kasta oo naf la caarid ah oo ciidamada dawladu ay soo qaadaan, sababta oo ah istaraateejiyadda iyo kutalo-galka dagaalka ee SNM ayaa ahaa in lakala go-doomiyo lakalana qaybiyo ciidamadda dowladda ee ku sugan lixda(6) gobol ee dalka ee kale ah (Awdal, Waqooyi Galbeed, Togdheer, Saaxil, Sool, Iyo Sanaag), Ciidamadaas dowladda oo kala ahaa Qaybta 54-aad, iyo Qaybta 26-aad, kutalo-galka ciidamada SNM waxa uu ahaa in wax kasta oo naf ah iyo maal hub ah in loo huro sidii front-kasta ama ha-ahaato Front-ka galbeed(Goboladda Waqooyi Galbeed Iyo Awdal), Ama ha-ahaato Front-ka Dhexe(Goboladda Saaxil Iyo Togdheer), Ama Ha-ahaato Front-ka Bari(Goboladda Sool Iyo Sanaag), ayna sinaba isugu gurman, isuna caawin, oo halkooda lagu burburiyo, taas oo ah in front-walba sideeda loo abaaro, lagana gooyo wax alla wixii soo caawiye kara, lana gooyo dhamaan wadooyinka isku xidha lixda(6) gobol, si ay u dhacdo in ciidamadda dowladda ee qaybta 54-aad iyo qaybta 26-aad ay u waayaan sidii ay isugu gurman lahaayeen.

Hadaba iyada oo uu dagaalku sidaas u socdo isla markaasna Ciidanka Gurmadka ah ee Dawladu uu iska soo daba dhacayo oo ka imanayo dhinaca bariga gaar ahaan Burco iyo Laas caanood oo ilaa markaa wali gacanta lagu qaban, isla markaana jidgooyaddi loogu talo galay in ay kala-goyso jidka isku xidha Laascaanood ilaa Burco ilaa Berbera uu wali furan yahay, isla markaasna SNM ay ku guul darraysatay inay xidho wadadaa dheer ee bari ilaa galbeed isku xidha amaba la-odhan karo waxa ay isku xidhi jirtay qaybaha front-ka bari iyo front-ka dhexe, taas oo suurto galisay in ciidamaddii dowladu ee qaybta 26-aad iyo kuwii qaybta 54-aad ay isu gurmadaan, oo ay xoog ku soo jiidhaan jidkii u dhaxeeyey laascaanood, Burco, Iyo Berbera.

Halkaa marka ay arini marayso, ayaa Generaladdii gudoonka sare ee SNM, isla garteen in xooga ciidanka iyo dagaalka la kordhiyo, gaar ahaan xagga front-ka bariga, siiba gobolka Sool, oo ay ku sugnaayeen ciidamo badan oo ka tirsanaa qaybta 54-aad ee garoowe laga xukumi jirey, isla markaana uu hogaaminayey Sareeye-Guuto Jaamac Green, waxaana lagudoonsatay in ay SNM udirto Mujaahid General Ibrahim Ahmed Ismail(oo ku magac dheeraa Ibrahim Dheere), isagoo wada guutooyinka 61-aad, 85-aad, 17-aad, 34-aad, 49-aad, iyo 8-aad, oo loogu talo galay dagaalka front-ka bariga ee goboladda sanaag iyo sool, waana goobtan ay isku heleen ciidamadan SNM ee uu hogaaminayey, Mujaahid General Ibrahim Ahmed Ismail, oo ka mid ahaa saraakiishii ingiriisku soo tababaray, martanbana dib ugu noqday halkaas dalka ingiriiska isagoo kasoo qalin jabiyey kuliyaddii istarateejiyadda ee ciidamadda NATO ee England kutaalay, kana mid ahaa saaraakiishii soomaaliyeed ee wacdaraha ka dhigay dagaalkii 77-kii soomaaliya la gashay itoobiya.

Waxaa dagaalka isna xagga ciidamadda Somaaliya ee qaybta 54-aad watay General Jamac Green oo isna ahaa raggii soomaaliyeed ee wax kusoo bartay dalkii soviet-ka, isla markaana kabilaabay tababarkiisii ugu horreeyey kuliyaddii saariikiisha ciidamadda ee ku-taalay kismanyo, intii aan loo soo wareejin muqdisho, waxaana layaab ahayd, in uu General jaamac Green uu ahaa ardaydii soomaaliyeed ee tababarka sarkaalnimadda ka bilowday kuliyaddii miletariga ee kismanyo ku taalay, horaadkii 70-meeyaddii, wakhtigaas oo uu kuliyadda uu taliye ka ahaa Mujaahid General Ibrahim Ahmed, markaas oo uu darajaddiisu ahayd gaashaanle sare, isla markaana ahaa macalimiintii kuliyadda waxna uu u dhigay jaamac green oo markaa arday ka ahaa kuliyadda, waxaa kaloo layaab ahayd in uu jaamac green ahaa ardaygii helay darajadda ugu saraysa imtixaanka kuliyadda ee sarkaalnimadda, waxaana uu Mujaahid Ibraahim ahaa ninkii gudoonsiiyey shahaado sharaftiisii uu jaamac green mutaystay markii uu kuliyadda ka qalinjabinayey, waxaa uu mujaahid ibraahim mar dambe oo uu wareysi ka siinayey radio hargeysa sidii uu u dhacay dagaalkii front-ka bariga ee goboladda Sool iyo Sanaag uu sheegay in uu General Jaamac Green uu ahaa ardaygii ugu dhibcaha sareeyey ee ka qalinjabiya kuliyaddii ciidamada soomaaliyeed ee kismaanyo intii mudadii afarta(4) sano ahayd ee uu isagu Mujaahid General Ibrahim Ahmed ahaan, ahaa maamulaha kuliyadaas, isla markaana waxa uu sheegay in uu General jaamac green ahaa ardaydii uu wax soo baray kuwii ugu fir-firconaa uguna fiicnaa xagga fahanka istarateejiyadda dagaal galka, waxaa intaa sii dheer in ay labaduba ka soo wada jeedeen isku gobol oo ah General jaamac green oo ka soo jeeda sanaag bari(Beesha Warsengali), iyo Mujaahid General Ibrahim Ahmed Ismail oo kasoo jeeda Sanaag Galbeed(Beesha Habar-Yonis).

Dagaalka front-ka bari oo aad u dheeraa, si-isdaba joogna u socdaya muddo ah 3 bilood iyo badh waxa uu ka dhacay dhamaan dhulka gobolodda sanaag iyo Sool, gaar ahaan Garadag, Ceel-Afweyn, Ceerigaabo, Laas-Qorey, Badhan, Xiis, Maydh, Dhahar, Hadaftimo, oo dhamaantood ka tirsan gobolka Sanaag, Xaga kale waxaa isna dagaalku ka socday degaamadda Caynabo, Beer, Oog, Yagoori, Duleedka Laascaanood, Taleex, Xudun, oo dhamaantood ka tirsan Gobolka Sool, dagaalkan waxaa uu ku danbeeyey in si xun loogu jabiyey ciidamaddii dowladda ee qaybta 54-aad, isla markaana ay dhacday in beelihii jabhadda ahaa ee ka dhinac dagaalamayey ciidamaddii dowladda, difaacna kula jiray ciidamadda dowladda ee uu hogaaminayey General Jaamac Green, beelahaas oo kale ahaa Beesha Sanaag Bari(Warsengali) iyo Beesha Sool(Dhulbahante) ay sixiixaan dagaal joojin-guud iyo in ay aqoonsadeen in somaliland lasoo noqoday xornimadeedii, iyo in ay kamid noqonayaan dalka iyo dowladda cusub ee somaliland, waxaana loo balan qaaday in aynan ciidamadda SNM ayna gali-doonin magaalooyinka iyo degaamadda ay beelaha Harti (Dhulbahante iyo Warsengali) ay leehiyiin sida Laascaanood iyo Laas-Qorey, isla markaana waxa kaloo balan-qaadka dagaalka lagu joojiyey kamid ahaa in aan beelweynta iyo bulshadda shacabka ah ee dhulkaa degan aan waxba layeeli doonin gaar ahaan dumarka oo aan wax fara xumayn ah loo gaysan doonin.

Dhanka Front-ka Dhexe iyo goboladda Saaxil iyo Togdheer, gaar ahaan gobolka Saaxil, siiba agagaarka magaaladda Berbera oo uu kasocday dagaalkii uu weerarka ku ahaa general Cabdi-Casiis iyo Ciidankiisii Qaybta 26-aad, ayaa waxaa dhacday in maalin ka dib weerarkaa General Cabdi Casiis Cali barre ee sheekh abadaal ayaa waxaa qaybtii Sir doonka ee SNM oo badi isticmaali jirtay dhagaysiga hadalada cadawga ayaa waxay ogaadeen in Xerada qaxootiga ee Adhi-cadays laga diyaariyay Ciidamo 1500 gaadhaya oo dawlada ah, dadkan ciidanka laga dhigay oo ahaa qaxootigii beesha ogaadeen ee joogay waqooyi, isla markaana loo diyaar gareeyey in ay ka dhinac dagaalamaan ciidamaddii dowladda ee qaybta 26-aad, iyaga oo difaac naf-lacaariya kaga jiray dhul dadkii lahaa qaxooti kaga yahay xeryihii qaxootiga ee kilinka shanaad, iyagoo kasoo jeeda dhulkaa itoobiya xukuntana, ay isku guubaabiyeen in ay u dhintaan una dagaalamaan sidii dhulkaa dadkaa lahaa ka maqan yihiin, ay u haysan lahaayeen, iyagoo laga dhaadhiciyey in xukuumadani tahay mid ku dhisan figrad ah dhul-balaadhsi beelaha darood, isla markaana ay waajib iyaga gaar ahaan beesha ogaadeen ee qoxootiga ku ah waqooyiga somalia in ay suurta galiyaan sidii dhulkan dadkii lahaa ka maqan yihiin loo xalaaleyn lahaa, oo ay muhiim tahay in dhiigooda u huraan dowladan uu madaxda kayahay dhiig-yacabkii haligmay ee siyaad bare, maadaama ay si walaaltinimo ah iyo sooryo martiyeed ah idiin siisey dhulkan aan cidna lahayn, waxaana kaloo loo sii faah-faahiyey in dhulkii aad beel ogaadeen ahaan lahaydeen ee itoobiya kuyaalay, in kan waqooyiga soomaaliya kuyaala laydinkugu badalay, sidaa awgeedna ay waajib tahay in aad ka difaacdaan idoor, si aanu marnaba oo danbe uga soo noqon qaxootinimadaa uu dalka kaga maqan yahay!, sidaana uu idoor ku dhaxal wareego, una waayo wixii uu dhaxal-isireed ee dhul ah ee uu ku lahaa wadanka soomaaliya.

Markii laga war helay in qaxootigii ogaadeen ee la ciidamiyey loona qorsheeyay inay kala jaraan Ciidanka SNM ee dhubato iyo Berbera dhexdooda fadhiyey, kuwaas oo ahaa ciidan isu furnaa, sidoo kalena laga war helay in weerar culus uu soo qaadayaan ciidankii dawlada ee Berbera haystay.

Markii intaas oo war ay heleen saraakiishii hogaanka sare ee dagaalka ee SNM, waxay markiiba gaar u saareen saddex urur oo laga kala qaaday saddexda guuto ee Koodbuur iyo 6-aad A iyo 6-aad B, iyada oo ciidanka intiisa kalana difaac ay ka galeen tuulada Sheekh-abdaal.

Ciidanka SNM ee ka dagaalamaysay front-ka dhexe ee goboladda Saaxil iyo Togdheer, waxaa watay oo madax u ahaa alaha u naxariistee Mujaahid General Cali Xuseen Cabdi, oo ahaa ragii soomaalida waqooyi ee ingiriisku wax baray, kana soo baxay jaamacadaha mileteriga ee masar, Soviet-ka, iyo jaamacadda sare ee istarateejiyadda dagaalka ee dalkan boqortooyadda ingiriiska, waxaanu kamid ahaa raggii saraakiisha soomaaliyeed ee dajisay kaartadii dagaalkii 77-kii soomaaliya kula geshay itoobiya, wuxuuna ku mutaystay dagaalkaa 77-kii bilad dahab ah, markii danbana waxa uu macalin ka ahaa kuliyaddii mileteriga soomaaliyeed, ee muqdisho ku taalay.

Saddexdaas urur waxaa markiiba lagu amray inay cagta soo mariyaan ciidanka dawlada ee qaxootiga ogaadeenka ahaa, oo dhamaa 1500 askari kuwaasoo joogay xerada qaxootiga ee Adhi-cadays, saacado yar ka dibna ciidankii SNM waxay cagta soo mariyeen ciidankii dawlada ee Adhi-cadays ku sugnaa, waxaanay ku soo noqdeen fadhiisinkii laga diray ee sheekh-abdaal iyaga oo wada maxaabiis badan oo ah ciidamaddii ogaadeenka qaxootiga ahaa ee la ciidameeyey, askarna laga dhigay si ay ugu dagaalamaan dhiig-yacabkii siyaad barre ee sii gabaabsaday, ee markii dambe isaga laftigiissu si qaxootinimo ah ugu haligmi doono dalka soomaaliya dibadiisa, waxaana kaloo halkaa laga soo helay hub iyo isgaadhsiin, taas oo ay ciidamaddii SNM gacanta kusoo dhigeen.

Markii Ciidanka SNM ee Adhi-cadays kasoo noqday ay baabuurtii ka degeen ayaaba waxaa dhinaca bari ee wadada berbera kasoo bilaabatay xabad kulul oo ay soo ridayeen ciidan weerar ah oo uu watay General Cabdi Casiis Cali barre, waxaana si geesinimo ah markiiba u waajahay ciidankii SNM cabaar ka dibna waxaa goobtii ka firxaday ciidankii dawlada waxaanay ka yaaceen baabuur badan oo tikniko iyo xamuulba isugu jira.

Maalintii danbe wax weerar ahi kamuu dhicin nawaaxiga Sheekh-Abdaal oo ahaa fadhiisinka Ciidanka SNM ee loogu talo galay inay Berbera weeraraan, hase yeeshee waxaa dagaalo goo-goos ahi ay ka socdeen goobihii kale ee ay ciidamada SNM joogeen, Balse Weerarka ugu muhiimsan ee SNM guusheeda kuwajahan front-ka dhexe waxa uu ku xidhnaa inay hantiyaan magaalada dekeda ah ee Berbera, taasoo hadii ay SNM gacanta u gasho noqonaysay dhamaadkii awooda dhaqaale iyo ciidan ee gobalada waqooyi ay ku lahayd xukuumadii uu madaxda ka haa kaligii taliyihii qaxootinimada ku haligmay ee Maxamed Siyaad Barre.

Maalinba ta ka danbaysa ayaa jabhadii SNM iyo dadweynaheedu ay kusii durkayeen maalintii guusha ay yagleeli lahaayeen, sidoo kalana geesiyaashii ururka USC iyo shacbigiisuna waxay naar rasaaseed ku afuufayeen gurigii hoogga ee soomaaliya looga talinay ee uu Siyaad Barre hoos hadhsanayay, sidoo kalana maalinba maalinta kasii danbaysa ayay sii nayad jabayeen ciidamadii naxariista darnaa ee wali kasii amar qaadanay maamulkii Siyaad Barre.

Hadaba maalintii bisha january ay ahayd 28 ee sanadkii 1991-kii ayaa mar kale waxaa weerar miidaame ah soo qaaday Ciidan si weyn u hubaysan oo ay hor kacayeen General Ina Macalin iyo General Cabdi Casiis Cali Barre, waxaa si layaab leh u sanqadhay rasaasta kala jaad-jaadka ah, waxaa meel kasta aad ka bidhaansan karaysay dhaawaca iyo maydka in badan oo maalmahoodii ay dunida ku lahayeen ay soo af-jarmeen.

Waxaa kuu muuqan karayay saaxiibo badan oo ay xabadu legaday kuwaasoo ujeedada ay u dagaalamayeen ay ahayd helitaanka dhulkooda hooyo, dhinaca kale waxaa ishaadu ay meel walba ka arki karaysay maydka, iyo dhaawaca dhulka jiifa ee u dhimanaya ujeedo khaldan iyo haysashada dhul aanay lahayn oo dadkii lahaa qaxooti ay ahaayeen oo ay daadsanaayeen Darroor ilaa Dulcad, iyo kilinka 5-aad, qaarna ay u firdhadeen dalal fog-fog iyo aduunka afartiisa cidhif.

Si kastaba ha ahaatee waxaa goobtii sheekh-abdaal ay isu rogtay goob farxadeed oo ay jabhadii SNM si cadho ku jirto ay burburiyeen ciidankii Nasakhnaa ee Siyaad barre u adeegayay, sidoo kale waxay goob murugo u ahayd kuwii aaminsanaa in dhul aanay lahayn ay xoog iyo xabad ku haysan karayaan, goobtaas waxaa ku nafwaayay in kabadan boqolaal askari una dhow qiyaas ahaan ilaa kun oo ka tirsan ciidanka dawlada iyo in ka-yar boqoleeyo ka tirsanaa jabhadii xaq u dirirka ee SNM.


Sidoo kale waxaa goobtaas lagu dilay General Ina Macalin oo ka mid ahaa ashkhaastii dhiigga shacbiga ku mamay, waxaana isaga oo gariiraya cagaha wax ka dayay General cabdi casiis cali barre oo ahaa taliyaha ciidamada waqooyiga Qaybta 26-aad, isagoo u cararey dhanka bari iyo laascaanood, intaan jidku ka xidhmin, oo aan lawada qaban goboladda Sool Iyo Togdheer oo jidku sii mari jirey, Saraakiil badan oo katirsanayd hogaankii sare ee dagaal galinta ee SNM ayaa ilaa maanta aad uga xun in uu ka baxsaday General Cabdi Casis Cali Barre, goobtaas ciidamadiisii lagu xasuuqay, halkaas oo uu jaalihiisii ay saaxiibka ahaayeen ee la odhan jirey general Ina Macalin ee ay dagaalka xaq-daradda ah kuwada jireen lagu dilay.

Goobtaas waxaa geesiyaashii SNM ay gacanta ku dhigeen Taangiyo, Bee-beeyo, PM-yo, iyo labaataneeyo gaadhi oo ah kuwa jiida madaafiicda oo ah kuwa kale duwan, iyo waliba hub faro badan iyo maxaabiis askar ah iyo saraakiishoodii oo boqolaal kor u dhaaftay.

Isla galabtaas ayaa hogaankii SNM uu ciidankiisii ku amray inay Magaaladda Berbera galaan, dagaal aan cuslayn ayaa xiligaas Berbera ka dhacay markiibana waxa ay jabhadii SNM ay ku guulaysatay hanashada Magaalada dekeda ah ee Berbera, waxaana ay ahayd goor gabalku sii dhacayo markii ay Ciidankii dawladu ka huleeleen magaalada Berbera iyaga oo dullaysan, firdhadna ah, kuna sii cararaya wadada dheer ee isku xidha Berbera, Burco, iyo Laascaanood, kana baqaya in wadadu iyo goboladda ay sii dhex-martaa laqabsado, dabadeedna ay waayaan meel ay ka baxaan, hase ahaatee firxadkoodii waa lasii eryanayey ilaa ay ka kaadhayeen xadka u dhaxeeya somaliland iyo somalia ee mara laascaanood korkeeda, markaas oo ay u talaabeen xadka somaliland dhankiisa kale ee goroowe iyo gobolka nugaal iyo carri majeerteeniya, waxaana ay taasi ahayd guul weyn oo usoo hoyatay dadweynihii geesiyiinta ahaa ee SNM taageeri jiray iyo ciidankiisii xaq-u-dirirka ahaa.

Hadaba markii Berbera gacanta lagu dhigay ayaa Guutada Koodbuur loo soo jiheeyay inay weerar ku qaadaan Ciidankii Dawlada ee wali Hargeysa Joogay, Ciidamadii kale ee SNM ee weerarka Berbera ka qayb qaatayna waxaa lagu reebay magaalada Berbera.

Hadaba markii ay Guutadii Koodbuur soo gaadhay ciidankii kale ee SNM ee fadhiyay tuulada Dhubato oo ahaa guutooyinka 3-aad, 10-aad,12-aad iyo 11-aad ayaa si wadadjir ah ciidankaasi dhinaca Hargeysa ugu soo dhaqaaqeen, nasiib wanaag wax dagaal ahi kam uu dhicin Hargeysa oo Ciidankii dawlada ayaa noqday wax is-dhiibay iyo wax isku dayey in ay u cararaan galbeed iyo xadka u dhaxeeya somaliland iyo jabuuti, waxaana ay u fakadeen dhinaca galbeedka Hargeysa, waxaana ciidankii dawlada ee Hargeysa ka qaxayay ay dagaal culus kula kulmeen nawaaxiga Caabdudl'a halkaasoo ciidamadii jidgoynta ahaa ee guutooyinka 4-aad,5-aad iyo Sayid Xamse ay si weyn u burburiyeen Ciidankii dawlada ee Hargeysa ka firxanayay ee isku dayay inay maraan jidka dheer ee galbeed uga baxa Hargeysa si ay u gaadhaan xadka u dhaxeeya somaliland iyo jabuuti, dabadeedna ay isku dayaan in ay magan-gelyo bani-aadamninmo ah waydiistaan dowladda jabuuti.

Magaalada Hargaysa markii ay gacanta SNM soo gashay waxay markiiba ciidankii SNM oo isku duubani ay weerarro ku qaadeen magaalooyinka Dila, Magaalo-Cad iyo Boorama iyo dhamaan magaalooyinka gobolka Awdal, iyaga oo ku dabo jiray ciidanka dawlada ee magaalooyinkaas kusii dhuumaalaysanayay, kuwaas oo qaarkood ay dharkii militeriga ee tuutaha loo yaqaanay iska saarayeen si ay dadka ugu dhex milmaan, hase ahaatee badankoodii waa lasoo ururiyey, waxaana laga qaaday talaabo mudan waajibka ay galeen, ee ah in ay ku dagaalamaan dhul ayna lahayn iyo xaq ayna lahayn oo ay iskudayeen in ay duudsiyaan, xaga kale waxa ay SNM ay weerarka magaalooyinka galbeedka ay ku qabsatay Taangiyo aad u farobadan iyo tikniko culus, waxaa hadana SNM ay markiiba ciidankeeda ku amartay inay ka baxaan magaalada Boorama, si umaddu iyo bulshadda gobolka Awdal degen ayna ugu qaadan in dhibaato lala soo beegsanayo, ama xasuuq lagu samayndoono, si taas loo hubiyana waxaa ciidamaddii lagu amray in ay magaalooyinka gobolka Awdal ee Saylac, Lughaya, Baki, Iyo Caasimadda ee Boorama, ayna gudahooda ka samaysan fariisimo ciidameed iyo saldhigyo, oo ay noqdaan kuwa dabo daagan sidii ay u bur-burin lahaayeen ciidamaddii dowladda ee firxadka ku jira, laakiin sinaba waa in aan wax loo yeelin bulshadda shicibka ah ee degan dhulka iyo degaamadda gobolka Awdal ka kooban yahay, waxaa kaloo laakiin ay ciidankii SNM ay weerareen dhinaca xeebaha galbeed ee magaalooyinka Bula-xaar Iyo Saylac, waxaanay markiiba Calankii SNM ka taageen xuduuda u dhaxaysa Somaliland iyo Jabuuti, kadib markii ay gaadheen magaaladda xadka ku taal ee lowyo-cadde, ciidamo xooglehna dhigeen halkaa, soona xidheen xadkii u dhaxeeyey jabuuti iyo somaliland, si aan wax ciidan ah oo firxad ahi aanu uga talaabin xadka oo uu jabuuti u galin si uu isugu dhiibo dowladda jabuuti.

Dhinaca kalena guutooyinkii SNM ee kala ahaa 1-aad, 2-aad,6-aad,7-aad, iyo 8-aad ayaa Maalintii Berbera la qabsaday maalintii ku xigtay ka dhex damaashaaday magaalada Burco, kadib markii ay dagaal culus ay ku jabiyeen ciidamaddii dowladda ee qaybta 26-aad, gaar ahaan kuwii difaaca kaga jirey gobolka togdheer, ee fadhiyey magaalooyinka Burco, Oodweyne, iyo Buuhoodle, sidoo kale guutooyinkii ka dagaal galay gobolka Sool, ee uu hogaaminayey Mujaahid General Ibrahim Ahmed ayaa iyakuna gacanta ku qabtay deegaano badan oo Bariga somaliland ku yaala, gaar ahaan goboladda Sanaag iyo Sool, waxaana gacanta lagu dhigay, magaalooyinka Ceerigaabo, Laas-Qorey, Ceel-Afweyn, Gar-Adag, iyo Degmooyinka Badhan, Dhahar, Hadaaftimo, xagga gobolka Sool, iyadana waxaa gacanta lagu dhigay markii la jabiyey ciidamaddii dowladda ee qaybta 54-aad, degmooyinka Catnabo, Taleex, Xudun, iyo Degaanadda Oog, Yagoori, Adhi-cadeeye, iyo dhamaan tuulooyinka gobolka Sool, waxaana ugu dambeeyey magaaladda caasimadda gobolka Sool ee Laascaanood, balse hoggaankii sare ee SNM ayaa amar ku siiyay ciidankiisa inay weerarka joojiyaan oo aanay gelin magaalada Laas-caanood gudaheeda, iyada oo Hogaanka Sare ee SNM ay qadarinaysay heshiis nabadgelyo oo uu Garaad Cabdiqani Garaad Jaamac, SNM la saxeexday dhamaadkii 1989kii, kaasi oo qeexayey in aan ciidamadda SNM xoogoodu aanu magaalooyinka beelaha dhulbahante ee gobolka Sool dhex-degin si aan bulshada shacabku ugu qaadan in xoog lagu haysto.

29kii January ayaana guud ahaan si buuxda dalka Somaliland ay gacanta ugu qabteen ururkii ciidamaddii SNM ee xaq-u-dirirka ahaa.

Sidaas ayaa Geesiyaashii SNM ay dhulkooda hooyo ugu soo halgameen iyaga oo soo maray wado dheer oo dhiig iyo tiiraanyo badan leh, kumaankun geesina ay dhiigooda qaaliga ah u daadiyeen dhulka hooyo oo mudan in loo dhinto.

Waxaan shakhsiyan halkan ka hambalyaynayaa qof kasta oo ka qayb qaatay halgankii dheeraa ee xaq-u-dirirka ahaa ee Jamhuuriyadda Somaliland lagu xoreeyay waxaanan Allah uga baryayaa intii ku dhimatay inuu u naxariisto, janaddii fardowsana ka waraabiyo, Aamiin.

Mr Kaysar Cabdilaahi Maxamed.
Jamhuuriya Newspaper,
London - England - UK.




 

Scoring disabled. You must be logged in to score posts.Respond to this message   
Current Topic - Maqaal : Sidee Lagu Xorreeyey Jamhuuriyadda Somaliland - Qabtii 2-aad Iyo Gabo-Gabadii.
  << Previous Topic | Next Topic >>Back to Index  
Find more forums on Pan-AfricansCreate your own forum at Network54
 Copyright © 1999-2008 Network54. All rights reserved.   Terms of Use   Privacy Statement  
AFEEF: Dhamaan qoraalada halkan ku qoran waa aragtida dadweynaha kana kana tarjumimaayaan aragtida SomaliTalk. Waxaadna ogaataan in qofka kasta oo halkan qoraal kusoo qora si fudud loo ogaan karo computerka yo cinwaanka uu qoraalkaas kasoo qoray. Cilmiga casriga ahna uu taas suurtagal ka dhigayo.


DISCLAIMER: All opinions and comments appearing here are strictly those of the authors and do not necessarily reflect the opinions of somalitalk.com and its editors.