--

 Return to Index  

GUDOOMIYAHA URURKA RRA DR. XASAN MAXAMED NUR SHATIGAUUD OO BO0QDAY XERYAHA CIIDAMADA RRA-DA

September 17 2001 at 5:10 PM
BAYDHABO PRESS 

 

GUDOOMIYAHA URURKA RRA DR. XASAN MAXAMED NUR SHATIGAUUD OO BO0QDAY XERYAHA CIIDAMADA RRA-DA

BAYDHABO Sep 16,2001 (BP)-Gudoomiyaha Ururka RRA Dr. Xasan Maxamed Nur “Shatigaduud “ ayaa todobaadkan boqasho iyo kormeero isdaba joog ahaa ku tagay xeryaha ciidamada Ururka RRA-da ee gobolda Bay, Bakool iyo Shabeelaha Hoose, kormeerka waxaa ku weheliyay gudoomiya ku xigeenka Ururka RRA- Md. Sheikh Adan Madoobe iyo xubno kale oo muhiim ah.

Gudoomiyaha intuu safarka gaaban ku jiray ayaa wuxuu la kulmay saraakiil badan oo ku jiray xeryaha ciidamada oo ay ka mid tahay xerada Deynuunay oo uu ka socday tababar iyo siminaaro kala duwan.

Mar uu la hadlayay ciidamada waxaa uu gudoomiyuhu uga mahad-celiyay dadaalka ay mujiyen wuxuuna sheegay in in loo baahan yahay ayna tahay waajib saaran qofwalba oo Digil iyo Mirifle ah difaaca degaanka iyo dhulka Ummadda Digil iyo Mirifle.


(BAYDHABO PRESS)

 
 Respond to this message   
Create your own forum at Network54
 Copyright © 1999-2008 Network54. All rights reserved.   Terms of Use   Privacy Statement