--

 Return to Index  

War saxafadeed uu soo saaray hoggaamiye kooxedka Xaaji Muuse Suudi Yalaxow

September 22 2001 at 1:06 PM
BAYDHABO PRESS 

 
War saxafadeed uu soo saaray hoggaamiye kooxedka Xaaji Muuse Suudi Yalaxow

MOGADISHO August 20, 2001, "Kooxda carta waa kuwo uu abaabulkeedu lahaa Ismaaciil Cumar Geelle oo ka shidaal qaadanayay koox is urursatay oo magaca Diinta Islaamka ku qaraabata, hasa yeeshee aan Islaamka u adeegin, ujeeddadooduna tahay in hoggaanka ugu sareeya dalka uu noqdo xubin iyaga ka mid ah" ayuu ku billaabay warsaxaafadeed uu soo saaray Hoggaamiye Muuse Suudi Yalaxow oo intaas raaciyay in aysan wax xal ah keeni karin kooxdaas, oo uu sgeegay iney soo kor dhiyeen iney caqabad ku noqdaan dib u heshiisinta dalka, mas'uulna ay ka yihiin in dalku maamullobadan u kala fur furto.

Wuxuu ku eedeeyay iney ka shaqeeyeen fidna abuuris iyo iska hor keenka dad walaalo ah oo isku deegaan ah sida Somaliland, Puntland, Bay iyo Bakool, Muqdisho iyo gobolo kale, wuxuu kaloo ku eedeeyay in dalka ay keeneen lacago badan oo sababay sicir barar iyo koror maciishadeed, sidoo kalena ay sababeen ammaan darro ku soo korortay dalka, abuurtayna dagaallo ka dhaca Balcad, Teyeglow, Muqdisho, Jubbooyinka iyo Boosaaso, sidoo kalena ay magaca dadka Soomaaliyeed ku soo urursadeen hanti malaayiin Dollar gaareyso, taasoo uu sheegay iney u isticmaalaan danahooda gaarka iyo kuwo Qabiil, Muuse Suudi wuxuu sheegay in markii kooxdaas ay ku fashilantay wax ka qabashada arrimaha gudaha dalka ay isku dayeen in colaad aan jirin ay ka dhex abuuraan Soomaaliya iyo wadamada deriska nala ah qaarkood.

Dhanka kale wuxuu ku eedeeyay iney diideen lacagta N-da loo yaqaan oo laga isticmaalo meelaha uu Muddullood degan yahay, iyadoo lacagtaas ay ka diiwaan gashan tahay IMF iyo Baanka Adduunka. "Kooxda Carta ka hor Boqolka Dollar waxaa lagu sarifayay Seddex malyan lix boqol kun oo N-ah, haddana waxay mareysaa in ka badan labaatan Malyan, waxayna ka shaqeynayaan in isticmaalkeeda oo dhan la joojiyo, Muddullood oo dhanna waa ka soo horjeedaa arrintaas" ayuu yiri Muuse Suudi oo sheegay in magaca Ummadda Soomaaliyeed lagu keenay hub fara badan, gacantana loo geliyay qoys gaar ah, si ay dadka kale ugu gumaadaan.

Dad masaakiin ah oo gaaraya kun iyo laba boqol oo qoys ayaa meelihii ay deganaayeen xoog looga barakiciyay, meel kale oo ay degaanna looma diyaarin, waddooyinka ayaana laysaga daadshay, kooxaha u dooda xuquuqda Aadanahana way soo arki karaan" ayuu yiri Muuse Suudi Yalaxow oo dhanka kalena ku eedeeyay kooxdaas iney dadka ka uruursadaan lacag canshuur ah oo aan Waxbarasho, Caafimaad iyo adeeg bulsho toona lagu qabin, wuxuuna ku tilmaamay Isbaaro Isbaaro lagu bedelay, isagoo ka digay in taasi abuuri doonto dagaal. "Waxaan u sheegayaa dalalka Carbeed ee dhaqaalaha siiya kooxda Carta in dhaqaalihii ay kooxdaas siiyeen aan shacabka waxba loogu qaban haba yaraatee, iyadoo dhaqaalahaas loo adeegsaday dil iyo barakicin dad aan waxba galabsan" ayuu yiri Muuse Suudi. "Waxaan ugu baaqayaa beesha Caalamka gaar ahaanna wadamada doonaya in ay kaalmo siiyaan Soomaaliya iney si caddaalad ah u qeybiyaan kaalmadooda, deegaan walbana kala tashadaan dadka maamula, kooxda Cartana aan loo qaadan mid Soomaaliya oo dhan ka wakiil ah ama xattaa Muqdisho" ayuu yiri hoggaamiye kooxeed Muuse Suudi Yalaxow oo dadka Soomaaliyeed ugu baaqay iney nabadda ka shaqeeyaan, oo ay abaabulaan dib u heshiisin Qaran oo loo dhan yahay, lana joojiyo tilaabooyinka keeni kara dagaallo dib u soo cusboonaado, sida kuwa ay kooxda Carta ka waddo Magaalada Muqdisho ayuu ku soo gaba gabeeyay Muuse Suudi yalaxow. Midnimo



(BAYDHABO PRESS)

 
 Respond to this message   
Create your own forum at Network54
 Copyright © 1999-2008 Network54. All rights reserved.   Terms of Use   Privacy Statement