--

 Return to Index  

MALEESHIYOOYIN LAGA KEENAY DEGMOOYINKA MATABAAN IYO GURICEEL OO LAGU SOO DAAD GUREYNAYO SH.HOOSE

September 29 2001 at 11:46 AM
BAYDHABO PRESS 

 
MALEESHIYOOYIN LAGA KEENAY DEGMOOYINKA MATABAAN IYO GURICEEL OO LAGU SOO DAAD GUREYNAYO DEGMOOYIN KA TIRSAN SH/HOOSE

Mleeshiyooyin laga keenay degmooyinka matabaan guriceel & cadaado ayaa dhowaantan lagu wadaa in lagu soo daadgureeyo degmooyin ka tirsan Gobalka Sh/hoose. Maleeshiyooyinkan oo dhamaantood ka soojeeda beelaha degga gobalada dhexe ayaa waxaa keensaneysa Dowlada uu hogaamiyo C/qaasim oo qorsheheedu yahay in ay difaac adag u hesho Gobalka Sh/hoose oo ay u aragto inuu yahay istaraatiijiyad weyn oo ugu fadhisa qiimo aad u weyn, sababta haatan ciidamadan loo soo

daadgureynayo ayaa waxaa lagu fasiray in C/Qaasim uu doonayo inuu helo awood ciidan oo uu ku hawl gali karo markii ay lagama maarmaan ku noqoto inuu weerar ku qaado koox ama urur ka soo horjeeda siyaasdiisa.

GACAN KU DHIIGLE DHOWAAN NIN KU DILAY BAYDHABO OO TIYEEG-LOW LAGA SOO QABTAY

Gacan ku dhiigle lagu magacaabo San-Bakaar oo usbuucii la soo dhaafay nin ku dilay magaalada baydhabo ka dibna baxsaday ayaa lagu soo qabtay Deg. Tiyeegloow ka dib markii ay in mudo ah ku raad joogeen ciidanka amniga gobalka . Gacan ku dhiiglaha ayaa lagu wadaa in maxkamad dhowaan la sootaago. Odayaal ayaa wado waan waan ay ku doonayaan in ay ku badbaadiyaan gacan ku dhiiglaha, laakiin maamulka RRA oo dastuurkiisu ay ka mid tahay in qofkii qof dila isna la toogto ayaa laga yaabaa in ninkaasi ay ku xukumaan dil toogasho ah oo lagula fulinayo meel fagaare ah.



HAY’ADAHA GARGAARKA OO KA BAXAY GOBOLADA BAY IYO BAKOOL

Hay’adaha gergaar ee ka hawlgala gobalada Bay & Bakool ayaa sheegay sheegey in ay ka baxayaan gobaladaas, ayna joojinayaan hawlaha gergaar ee ay ka wadaan halkaas, kadib markii ay sheegeen in laga yaabo in kooxaha taageera Usaama Bin laadin ee looga shakisan yahay in ay ku sugan yihiin meelo ka mid ah Soomaaliya ay weeraro la beegsadaan.

Gudoomiyaha gobalka Bay & Gud. K/xigeenka RRA ayaa shir deg deg ah la galay masuuliyiinta hay’adaha oo uu hor kacayey Xasan Al-Xaaji oo ah nin dhalashadiisa suudaan tahay isla markaasna ah ku simaha Mr. ROLF si ay ugu qanciyaan in ay sii joogaan gobalka amnigoodana la sugayo. Shirkaas oo ka dhacay xarunta WFP ay ku leedahay magaalada baydhabo ayaa masuuliyiinta hay’adaha ku sheegeen in Soomaaliya ay ku sugan yihiin niman ka tirsan ururka loo yaqaano ISLAAMIC JIHAAD. Goobaha sida weyn loogaga shakiyey in ay kooxahaasi ku sugan yihiin Magaalooyinka Muqdisho Iyo Boosaaso. Codsiga hay’adaha kaga baxayaan ayaa ku soo beegmay xilli ninka hay’adaha QM uqaabilsan xagga amniga ee gobaladaas Mr. ROLF uu safar fasax ah ugu maqan yahay magaalada Nairobi ee dalka kenya. Hasayeeshe waxaa maanta ka amba baxay inta badan shaqaalaha Hay’adaha gargaarka ee Ajnabiga ah taas oo lagu macnayn karo waxaa si aad ah u kordhay shakiga laga qabo weerararda aar goosuiga ah ee uu Mareykanka ladamacsan yahay Soomaaliya, laakiin dadka waa wada dhowrayaan waxa jawaab ah ka soo bixi doono warjiraaba Cakaaruu imin

Reeghaytimes






 
 Respond to this message   
Create your own forum at Network54
 Copyright © 1999-2008 Network54. All rights reserved.   Terms of Use   Privacy Statement