--

 Return to Index  

MAREYKANKA OO LAGA CABSI QABO IN GOOBAHA UU WEERARAYO KU SOO DARO MAGAALADA MUQDISHO (WARBIXIN KOOBA

September 29 2001 at 12:11 PM
BAYDHABO PRESS 

 
MAREYKANKA OO LAGA CABSI QABO IN GOOBAHA UU WEERARAYO KU SOO DARO MAGAALADA MUQDISHO (WARBIXIN KOOBAN)

Magaalada Muqdisho ayaa dhowaantaan waxaa ka jiro saansaan cabsi leh oo laga qabo inuu mareykanka ku soo daro gobaha uu ku weerarayo gantaalada loo yaqaano kuruus misayl-ka.

Cabsidan ayaa timid ka dib markii ay dhowaantaan hay’adaha gergaarka sheegeen in ay ka baxayaan dhamaanba soomaaliya si aaney weeraro ugu qaadin waxa ay ku tilmaameen dad u adeega argagaxisada. Mareykanka ayaa dhowaantaan sheegay in ay soomaaliya ka mid tahay goobaha ay saldhigyada ku leeyihiin waxa ay u yaqaanaan ARGAGASISADA caalamiga ah ee ka amar qaata

milyeneer-ka sucuudiga ah ee Usaama Bin laadin. Maalintii jimcaha salaadii ka dib ayaa magaalada muqdisho waxaa ka dhacay mudaaharaad lagu taageerayey Usaama bin laadin oo looga soo horjeeday weerarada uu mareykanka la damacsan yahay inuu ku qaado dalal ay ugu horeyso Afganistaan. Magaalada Muqdisho ayaa dhamaan goobaha ganacsiga waxaa lagu dhejieyey sawirada Usaama bin Laadin.
Dadka siyaasada indha indheeya waxey sheegayaan in ay suurta gal tahay weeraro Soomaaliya uga yimaada dalka mareykanka, maadaam dhowaantaan Usaama uu sheegay Wadamada laga taageero in ay ka mid yihiin Soomaaliya iyo Suudaan. Dowlada Jabuuti ayaa la sheegayaan in ay mareykanka siineyso saldhigyo ay dowlada mareykanka ka weerarto wadamada Soomaaliya iyo Suudaan. Maalintan Axada ayaa magaalada muqdisho la filayaa inuu ka dhaco mudaaharaad aad u balaaran oo ay soo qabanqaabinayaan culimaa’udiinka, walow la sheegayo in C/Qeybdiid amar lagu siiyey inuu hor istaago mudaaharaadkaas. Dadkii jimcaha mudaaha-raadayey ayaa waxaa rasaas ku furay booliiska Dowlada KMG-ka, waxaana rasaastaas ku dhaawacantay in ka badan sedax qof.

Saxaafadda Muqdisho ayaa ka gaabsatay ka hadalka dhaqdhaqaaqyada ka jira Muqdisho ee lagu taageerayo Usama bin Ladin. Dowladda KMG ah ayaa iyada si aad ah uga xun in dadku ay haatan dhaqdhaqaaqyadan sameeyaan iyadoo ka cabsi qabta in lagu fashiliyo waxyaabo ay horey ugu eedeynayeen siyaasiyiinta ka soo horjeedda kuwaasoo ah in ay dowladdu ku dhisan tahay urur diimeedyo ay ugu horeeyaan ururka Al-Itixaad oo lagu xanto inuu gacan saar weyn la leeyahay ururka Al-Qa’ida ee uu hogaamiyo Usama bin Ladin.

Saakey aroornimadii ayaa idaacada VETICAN RADIO PRODCOSTING FOR AFRICA oo soo xiganeysay war uu cali khaliif Galeyr ka qoray wargeyska PANORAMA ayaa sheegey in ay dowladiisa KMG-ka Dowlada Mareykanka kala qeyb qaadaneyso sidii loo baabi’in lahaa waxa loo yaqaano argagaxisada caalamiga ah, wuxuuna Cali Khaliif yiri “Usaama Bin Laadin si toos ah iyo si dadban intaba kuma soo gali karo dalkeena, waana cirib tireynaa wixii xiriir la leh argagaxisada”.
Marka la isu eego hadalka Cali Khaliif iyo xaalada Muqdisho, waxaa soo baxeysa inuusan cali Khaliif hadaladaas ka sheegi karin meel fagaare ah ama xitaa idaacadaha FM-yada ah ee magaalada Muqdisho. Waxaa shaki weyn laga qabaa in waxa Mareykanku ay argagaxisanimada kaga shakisan yihiin ay ka mid yihiin niman sheegtay in ay u dhasheen dalka Ciraaq oo qaxootinimo ku soo galey dalka kuwaas oo lagu xanto in ay yihiin Kurdiyiin u shaqeysa Usaama bin Laadin.
Reeghaytimes

 
 Respond to this message   
Create your own forum at Network54
 Copyright © 1999-2008 Network54. All rights reserved.   Terms of Use   Privacy Statement