Dagaal xoog leh oo Dhexmaray Maliishiyada Muuse Suudi iyo kuwa DKM [Kooxda Carta]
MUQDISHO Oct 12, 2001 (BP)-Dagaal xoog leh ayaa maanta duhurnimadii ku dhexmaray Maliishiyada Muuse Suudi Yalaxow iyo kuwa DKM ah Halka loo yiqiin xeradii Maslax oo ah Xero Ciidamadii dawladii Hore isticmaali jireen oo ay ku xareysnaayeen kuwa cidamada kooxda Carta.
Dagaalkan ayey kooxda Muuse Suudi sheegtay inuu ka bilowday rasaas maliishiyada xerada Maslax ay ku furtay Gaari ay la socdeen Saraakiil ka tirsan Maamulka Muuse Suudi kuwaas oo ku sii jeeday degmada Balcad, kadibna kuwa Muuse Suudi oo fariisankoodu yahay Ceel Cirfiid ayaa usoo gurmaday goobtaas, halkaas oo uu labada kooxood dagaal culus ku dhex maray kaas oo socday ilaa iyo lixdii galabnimo.
Ma jirto ilaa iyo weli qiyaas rasmi ah oo laga bixin karo dhimashada iyo dhaawaca uu dagaalka geystay, hase ahaatee dad degan nawaaxiga goobta dagaalka ka dhacay ayaa sheegay in dad aad u fara badan ay ku dhaawacmeen, tiro kalena ay ku geeriyooday.
Sargaal ka tirsan Taliyayaasha maliishiyada Muuse Suudi ayaa sidoo kale sheegay in xerada Maslax ay tahay goob laga soo weeraray, dagaalkii ay qaadeenna kuwa xerada Maslax ay uga qabsadeen hub iyo saanad fara badan, hase ahaatee dhinaca DKM ah ma jiro wax war ah oo ku saabsan Dagaalkaas . Wixii kale ee warar ah ee kusoo kordho dib ayaan idin kala soo socodsiin doonaa.
(BAYDHABO PRESS)
|