Baaq ay soo saareen wax-garadka iyo aqoon yahannada beesha Digil.
Shir ay yeesheen wax garadka iyo aqoonyahannada Digil ayaa waxay soo saareen bayaan ku wajahan shirka dib u heshiisiinta ah ee lagu wado inuu ka dhaco magaalada Nayrobi, ee caasimadda Kenya.
Baaqa ay soo saareen ayaa waxaa ka mid ah qodobbadan hoos ku qoran
1- In C/qaasim iyo beeshiisuba shuruud la’aan mooriyaantooda ka saaraan Jubbooyinka iyo Shabeelaha Hoose, aayna ogolaadaan in dadka u dhashay ay maamul u dhistaan.
2- In maamul FADERAAL ah la dhaqan geliyo sida uu qorayo axdi qarameedkii lagu soo saxiixay CARTE.
3- In dadka metelaya beesha Digil ay noqdaan kuwa aan ka tirsanayn maamulkii dowladdii is casishay ee Khaliif Galayr.
4- In lala xisaabtamo dhamaamba shaqsiyaadkii magaca beesha wax ku cunay.
5- In mas’uuliyiinta RRA noqdaan kuwa lagala tashanayo mas’uuliyiintii meteli lahayd beesha Digil
(BAYDHABO PRESS)
|