Walaal Abukar,
Waxaan aad ugu riyaaqay maqaalkaaga oo xambaarsanaa
xaqiiqooqooyin iyo tusaale wax ku ool leh, maxaa yeelay, walaalkaaga oo qaldan markaad saxdo waajib ku
saaran baad gudatay.
Sidaa awgeed, waxaan kugu tilmaamayaa inaad tahay qof jecel wanaag, wada-noolaasho iyo midnimo.Waxaan ugu dambeyntii rajeynayaa in arrinta walaalaheenna ay ka arkaan meesha annaga wax inooga muuqdo oo aan arrinta lagu saleynin fikrado raqiis ah.
Abukar, waxaan warkeyga ku soo goobaya in maanta qof-
kastoo muslim ah uu u xanuunsanayo waxa ka dhacaya
Filistiin iyo Afghan,marka haddaan anaga maanta u xann
uunsanin walaalaheenna Shangamaas waxaa naga maqan
garaadkii iyo biseylkii siyaasadeed.
Mahadsanid.
Aweis Amin sheikh
This message has been edited by moalen on Nov 3, 2001 6:18 PM
|
|