Dr. Xasan Maxamed Nur [Shaargaduud] oo la kulmay Madaxweeynaha Kenya Arab Moy
Baydhabo Nov 08, 2001- Magaalada Baydhabo ayaa waxaa ka ambabaxay shaley galab Wafdi ka kooban 12-xubnood oo ka tirsan dhaqdhaqaaqa RRA, uuna hoggaaminayay Col. Xasan Maxamed Nuur (Shaatiguduud) iyagoo ku sii jeeda Magaalada Nayroobi ee dalka Kenya, ka dib markii eey ka heleen martiqaad rasmi ah Madax waynaha KENYA.
Wafdigu waxaa si rasmi ah ula kulmay Mudane ARAB MOI waxayna ka wadahadleen arimo la xirira nabad sugida soohinta labada dal iyo xisada dawlad la'aanta ka jirta Soomaaliya, in laga kaalmeeyo dhinaca farsamada iyo dhaqaalaha Maamul Goboleedka la rabo in la dhiso sanadka cusub, Madax weyne Moi na uu soo dhaweeyey wuxuuna aad ula dhacay mamulka RRA iyo habkooda xal uraadinta xalada Soomaaliya.
Afhayeenka ururka RRA ayaa sheegay in socdaalka wafdigaasi uusan wax lug ah ku lahayn arrimo la xiriira dib u heshiisiin, isla markaana uusan daba socon shirkii Nayroobi dhawaan ka dhacay ee uu ku saabsan yahay arrimo iyaga iyo Dowladda Kenya u gaar ah. Wafdigaasi oo uu hogaaminayo Kornel Xasan Maxamad Nuur Shaatigaduud ayaa waxaa sii qaaday diyaarad gaar ah oo ay u soo dirtay dowladda Kenya. Jabhadda RRA ayaa waxay horey u go’aansatay in aanay ka qaybgelin shirkii dib u heshiisiinta ee Magaalada Nayroobi ugu soo gebagaboobey Xukuumadda (koxda Carta) iyo kooxaha ka soo horjeeda. Riverineland
(BAYDHABO PRESS)
|