Safiirka dawlada Libya u fadhiya wadanka Jabuuti oo beeniyay in ay dawladiisu Somaalida shir u qabanayso
BAYDHABO, March 26 ( BP )-Wararka ka imaaanaya wadanka Jabuuti ayaa sheegaya in safiirka dawlada Libya u fadhiya wadankaas uu u diray waraaq qoraal ah wassaarada arimaha dibadda ee wadanka Jabuuti isaga oo qoraalkiisa ku beeniyay hadalo uu horay u faafiyay Xusen Caydiid oo sheegay in ay dawlada Libya Somaalida u qabanayso shir dib u heshiisiin bisha April ee sanadkan.
Waxaa safiirku uu sheegay in hadalada ka soo yeeray Xusen Caydid aysan waxba ka jirin ayna yihiin been uu isagu sameystay, wuxuu kalu sheegay in ay dawladisu taagersantahay hindisaha dib u heshisiineed ee ay wado dawlada Jabuuti.
(BAYDHABO PRESS)
|