Sarkaal sare oo ka socda hay'adda USAID ee dalka Maraykanka oo booqday Baydhabo
BAYDHABO, March 26 ( BP )-Waxaa maalintii ay bishaan Maarso ahayd 22 ka boqasho ku tagey magaalada Baydhabo sarkaal sare oo ka tirsan hay,adda dalka Maraykana u qaabilsan gargaarka caaalmiga oo marka magaceeda la soo gaabiyo la yiraahdo USAID. Boqashadaan ayaa qayb ka ah mid uu Mr. Hugh Parmer kaaliyaha xaga maamulka ee hay'adda USAID uu ku soo marayay 5 dawladood oo ka tirsan geeska Afrika oo ay abaaro daba dheeraday saameyeen.
Mr. Hugh Parmer waa sarkaalki ugu sareeyay ee ka socda dalka Maraykanka oo boqasho ku taga koonfurta Somaaliya shantii sanadood ee la soo dhaafay, markii uu tagey magaalada Baydhabo waxaa halkaas ku soo dhaweeyay madaxda maamulka gobolka Bay iyo saraakiil sar sare oo ka socotay RRA, mudadi uu Mr. Hugh Parmer joogay gobolka Bay waxaa kale oo isaga iyo wafdigisu ay baqasho ku tageen degmada Qansaxdheere oo ka tirsan gobolka Bay.
Mr. Hugh Parmer waxaa u sheegay in uu dalkiisu ku deeqi doono ****o gargaar ah oo dhan 18,000 metric tons, waxaana uu u mahad celiyay madaxda maamulka RRA iyo dadweeynihii sida wanaagsan ugu soo dhaweeyay gobolka mudadi ay joogeen.
(BAYDHABO PRESS)
|