--

 Return to Index  

Tababar loo furay maclimiinta wax ka dhigta dugsiyada gobolada Bay, Bakool iyo Jubada dhexe

June 3 2000 at 9:42 PM
BAYDHABO PRESS 

 

Tababar loo furay maclimiinta wax ka dhigta dugsiyada gobolada Bay, Bakool iyo Jubada dhexe


BAYDHABO June 4, (BP)-Tababar aqoon kororsi ah oo la xiriira qaabka wax dhigista iyo maclinimada ayaa loo furay sadex boqol iyo sidetan 380 maclin oo wax ka dhigta dugsiyada hoose/dhexe ee gobolada Bay, Bakool iyo Jubada dhexe. Tababarkaas oo socon doona muddo lix maalmood ah ayaa waxaa isku soo duba riday haya'da "Samafalka Al-khayriyah".

Maclimintii ka qeybgashay aqoon kororsigaas ayaa waxaa casharo halkaas ku siyay Dr. Axmed Xaaji Maxamed oo ku takhasusay cilmiga manaahijta iyo horumarinta waxbarashada (Educational Development) oo haatan boqasho ku jooga magaalad Baydhabo ahna guddomiyaha guddiga qaban qaabada Jaamacada Baydhabo "University of Baidoa".


(BAYDHABO PRESS)



 
 Respond to this message   
Create your own forum at Network54
 Copyright © 1999-2008 Network54. All rights reserved.   Terms of Use   Privacy Statement