--

 Return to Index  

Md. Col: Xasan Maxamed Nur (Shaatigadud) oo la kulmay Mr. David Stephen

June 10 2000 at 11:22 PM
BAYDHABO PRESS 

 

Md. Col: Xasan Maxamed Nur (Shaatigadud) oo la kulmay Mr. David Stephen ergayga gaarka ee arimaha Somaliya.

BAYDHABO June 10, (BP)-Waxaa todobaadkaan ku kulmay magaalada Nairobi ee dalka Kenya wafdigii uu hogaaminayey Md Col: Xasan Maxamed Nuur (Shaatigadud) guddomiyaha dhaqdhaqaaqa RRA oo ay weheliyaan xubno ka tirsan guddiga fulinta iyo ergayga gaarka ah ee Q/Midoobay (UN) tu u xilsaartay arimaha Somaaliya Mr. David Stephen.

Waxaa guddomiyuhu uu dacwad ka dhan ah shirka Jabuuti gaarsiiyay hay'adaha dawliga ah oo fadhigoodu yahay magaalada Nairobi iyo dawladaha ku jira ururka IGAD oo ay Jabuuti xubin ka tahay iyo waliba Q/Midoobay, waxaa uuna qoraalkiisa ku sheegay in wafdigii iyo odayaashii Digil iyo Mirifle ee ku sugnaa Jabuuti xornimada laga qaaday oo si qasab ah loogu heysto dalka Jabuuti, wuxuuna dalbaday in arrintaas caalamku soo faragsho.





(BAYDHABO PRESS)


 
 Respond to this message   
Create your own forum at Network54
 Copyright © 1999-2008 Network54. All rights reserved.   Terms of Use   Privacy Statement