Wafdi uu hogaaminaayo Md. Col: Xasan Maxamed Nur [Shaatigaduud] oo barito u dhoofi doona dalka Jabuuti
BAYDHABO June 18, (BP)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Adis-ababa ee dalka Itoobiya oo ay haatan booqasho ku jogaan wafdi uu hogaaminayo guddomiyaha RRA Md. Col: Xasan Maxamed Nur [Shaatigaduud] ayaa sheegaya in wafdigaas maalinta barito ah uu u dhoofi doono wadanka Jabuuti oo u ka socdo shirka nabadeynta Somaaliyeed.
Warku waxaa u intaas ku daray in dawlada Itoobiya oo xiriir fiican la leh Md. Ismaaciil Cumar Gelle iyo Md. Col: Xasan Maxamed Nur [Shaatigaduud] ay ku guuleystay in ay ku qanciso maamulka RRA in uu ka qaybgalo shirka Somaalida uga socda degmada Carta.
Wafdiga oo maalinta barito ah u bixi doona Jabuuti ayaa lagu soo waramayaa in ay la socdaan xubno ka tirsan madaxtooyada Itoobiya waxayna ku hormari donaan magaalo madaxda Jabuuti oo ay kula kulmi donaan Madxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.
(BAYDHABO PRESS)
|