Baabur ah nooca Teknikada oo ay lahaayeen ciiddamada RRA ayaa uu ciiddanku dib ula soo noqday
BAYDHABO July 8, (BP)-waxaa maalintii khamiista dib loo soo ceshay baabur Tekniko ah oo ay ciiddamada RRA lahaayeen gaarigaas oo loo lala baxsaday gobolka Gedo ayaa waxaa markii danbe gacanta ku dhigay maleeshiyada jabhada SNF ee ku sugan gobolka Gedo.
Madaxda maleshiyadaas oo markii hore ka war wareegtay in ay soo celiyaan gaarigaas Teknikada oo uu ku rakibna qori aad qaali u ah ayaa markii danbe soo wareejiyay ka dib markii ay arintu ku sigatay in dagaal qaraar uu halkaas ka dhaco iyada oo madaxa ciiddamada RRA ee ku sugan degaanka Baardheere uu shegay in hadii aan la soo celin gaarigaas uu amar ku siin doono ciiddankisa in ay dagaal qaadan.
Waxaa hada gaarigii dib loogu soo ceshay magaalada Baydhabo oo ahayd halkii markii hore laga xaday gaarigaas.
(BAYDHABOPRESS)
|