Agaasimaha hay,adda UNICEF Ms. Carol Bellamy oo boqasho ku soo martay gobolada Bay iyo BakoolJuly 8 2000 at 2:13 PM | BAYDHABO PRESS | |
| Agaasimaha hay,adda UNICEF Ms. Carol Bellamy oo boqasho ku soo martay gobolada Bay iyo Bakool
BAYDHABO July 8, (BP)-Dhamaadkii bisha Jun sanadka 2000 ayaa waxaa wafdi balaaran oo ka kala socda qeybaha kala duwan ee Jamciyada Qaramada Midoobay UN ka ayna horkacaysay agaasimaha hay,adda UNICEF Ms. Carol Bellamy waxay boqasho ku soo kala bixiyeen qeybo ka mid ah gobolada Bay iyo Bakool.
Ms. Carol Bellamy ayuu socdaalkedaan qeyb ka yahay kormeer ay ugu talo gashay in ay ku so marto lix dal oo ku yaal geeska Afrika waana markii labaad uu wafdi saas u balaaran Somaaliya tago 5 tii sano ee la soo dhaafay, mudadii ay joogtay Baydhabo ayey waxay kormeer ku tagtay mashaariic ay ka mid yihiin kuwa ay hay,adda UNICEF ka wado gobolka Bay gaar ahaan Isha Baydhao iyo dugsiga Busley oo labaduba ay dayctir ku sameysay hay,addaas waxaa kalo ay soo martay degmada Rabdure ee gobolka Bakool oo ka mid ah meelaha ay abaaruhu aadka u waxyeleyeen.
Markii ay Ms. Bellamy tagtay magaalada Baydhabo waxaa kalo halkaas uga horeeyay ergayga Jamciyada Qaramada Midoobay u qaabilsan horumarinta geeska Afrika, ergryga hay,adda UNICEF u qaabilsan arimaha Somaliya iyo madaxa hay,adda UNDP ee arimaha Somaaliya waxaa wafdigaas ku soo dhaweyay magaalada Baydhabo madaxda maamulka gobolka iyo sarakiil sare oo ka socotey guddiga fulinta ee RRA.
(BAYDHABO PRESS) |
|
|