Maxkamadii lagu qaadi lahaa dagaal ogayaashii xasuuqa ka geystay gobolda Bay iyo Bakool oo dib loo dhigay
BAYDHABO July 8, (BP)-Maxkamad ka furmi lahayd magaalo madaxda gobolka Bakool ee Xudur 15 ka bishan Julay oo lagu qaadi lahaa madaxdii maleshiyoonkii xasuuqa uu geystay beelaha Digil iyo Mirifle ayuu Xeer Ilaaliyaha maxkamada gobolka Bakool uu sheegay in dib loo dhigay tan iyo mudo aan la caymin oo gadal ay Maxkamdu ka soo sheegi doonto.
Waxaa kalo uu Xeer Ilaaliyuhu sheegay in sida oo kale la soo gudbiyay madaxdii ciidmadii Siyad Bare ee iyana danbiyada iyo xasuuq ba'an uu geeystay dad badan oo shicib ahaa oo ku noola degaanka, wuxuna sheegay in qaar badan oo ka mid ah ay hada ku sugan yihiin Jabuuti oo ay ka qeybgalayaan shirka nabadeeynta Somaaliyeed iyaga oo rajo ka leh in ay mar kale Somaaliya xil ka qabtaan. Magacyada labada kooxood ee lagu soo oogay danbiyada dagal [war crimes] ayay waraku sheegeen in ay u badan yihiin labada beelood ee kala ah Habargidir iyo Marexaan.
(BAYDHABO PRESS)
|