--

 Return to Index  

Md. Dr. Xasan Maxamed Nur [Shaatigduud] oo lagu wado in uu qabto jagada Madaxweynanimada Somaaliya

July 12 2000 at 5:28 PM
BAYDHABO PRESS 

 
Md. Dr. Xasan Maxamed Nur [Shaatigduud] oo lagu wado in uu qabto jagada Madaxweynanimada dalka Somaaliya




BAYDHABO July 12, (BP)-Wararka ka soo baxaya shirka dibuheshisiinta Somaaliyeed ee haatan ka socda Dalka Jabuuti ayaa sheegaya in la wado sidii Madaxweynenimada Somaaliya lagu sharfi lahaa beelaha Digil iyo Mirifle markii ugu horeysay taarikhda Somaaliya, jagadaas oo ah mid ay horey u soo qabteen beelaha la midka ah Digil iyo Mirfle sida Daarod iyo Hawiye.

Warku waxaa uu intaas raaciyay in Md Dr. Xasan Maxamed Nur [Shaatigaduud] Hogaamiyaha ururka RRA hadii uu qabto jagada Madaxtinimada dalka Somaaliya in ay arintaasi ka dhigayso markii ugu horeysay oo uu Somaaliya xilkaas ka qabto qof u dhashay beelaha Digil iyo Mirifle 40 kii sano oo ay Somaaliya xorka ahayd, Dr. Xasan ayaa la yiri waxaa ay dad badan ku jecleysteen shakhsiyad wanaag, khibrad dheer iyo afkaar fiican oo qancisay somaali badan iyo weliba dalalka aan jaarka nahayba.

Waxaase weriyaha Baydhabo Press uu noo soo sheegay in uu ka soo xigtay dad ku dhow dhow Md Dr. Xasan Maxamed Nur [Shaatigadud] in ay u shegeen in uu ku talo jiro sidii uu uga cudur daaran lahaa in uu qabto xilkaas.




(BAYDHABO PRESS)




 
 Respond to this message   
Create your own forum at Network54
 Copyright © 1999-2008 Network54. All rights reserved.   Terms of Use   Privacy Statement