--

 Return to Index  

Safiirka dawlada Masar oo todobaadkan laga celiyay garoonka diyaaradaha Baydhabo

July 22 2000 at 8:08 PM
BAYDHABO PRESS 

 

Safiirka dawlada Masar uu fadhiya Somaaliya oo todobaadkan laga celiyay garoonka diyaaradaha Baydhabo


BAYDHABO July 22, (BP)-Waxaa todobaadkan ka soo degay garoonka diyaaradaha ee magaalada Baydhabo safiirka dawlada Masar u qaabilsan arimaha Somaaliya iyo wafdi la socdey oo ka yimid magaalada Nairobi ee wadanka Kenya iyaga oo ku sii jeeday magaalada Muqdisho.

Markii uu safiirku ka soo degay garoonka diyaaradaha Magaalada BAYDHABO waxaa halkaas ku soo dhaweeyay xubno ka tirsan maamulka gobolka BAAY oo u cadeyay in aan loo ogoleyn in uu galo magaalada waxaana loo gudbiyay qoraal u ku saxixna guddomiye ku xigeenka kowaad ee ururka RRA Md. Sheikh Aden Madoobe oo amar ku sinaysay safiirka iyo wafdigiisa in ay si deg deg ah u laabtaan.


(BAYDHABO PRESS)





 
 Respond to this message   
Create your own forum at Network54
 Copyright © 1999-2008 Network54. All rights reserved.   Terms of Use   Privacy Statement