Waraaq ay jaaliyadda D/M ee Waqooyiga Amerika u direen shirweeynaha Somaaliyeed ee Carta, JabuutiJuly 23 2000 at 3:24 PM | BAYDHABO PRESS | |
| Waraaq ay jaaliyadda Digil iyo Mirifle ee Waqooyiga Amerika u direen shirweeynaha Somaaliyeed ee Carta, Jabuuti
BAYDHABO July 23, (BP)-Waraaqdaan waxay naga soo gaartay jaaliyadda Digil iyo Mirifle ee degan Waqooyiga Amerika waxay codsadeen in maadadama ay dawlada Jabuuti lagu dhisi doono ay tahay ku meel gaar, caasimaduna ay BAYDHABO tahay si ku meel gaar ah, in Madaxweeynaha Somaaliyana uu noqdo ku meel gaar oo aan waxba hada la isa soo sharixin xilkaasna uu qabto Md. Dr. Xasan Maxamed Nur [Shaatigaddud] sadexda sano ee soo socota ka dibna la furo doorasho madax banaan oo xor ah. Warqadina waa taan.
July 23, 2000
KU: MADAXWEEYNAHA DAWLADA JABUUTI
Mudane. Ismaaciil Cumar Geelle
Og: Guddiga Qabanqaabada Shirweeynaha Somaaliyeed
Og: Ergadda Somaaliyeed ee ku shirsan Carta
Ujjeddo: Madaxtinimada Dalka Somaaliya
Mudane, Madaxweeyne, Muddanayaal iyo Marwooyin waxaad naga guddoontaan Salaan xushmad huwan annaga oo u rajeynayna shacabka reer Jabuuti iyo shirweeynaha Somaaliyeed ee Carta guul iyo natiijo fiican oo Somaali ay ku hesho dawlad caadil ah oo dalka oo dhan kaafisa.
Mudane, Madaxweeyne, Mudanayaal iyo Marwooyin annaga oo ku hadlayna magaca jaaliyadda Digil iyo Mirifle ee ku nool Waqooyiga Amerika waxaan soo dhaweynayanaa doorashada aad u doorateen in magaalada BAYDHABO ay noqoto caasimadda ku meel gaarka ah ee Somaaliya. Waxaaa wanaagsan in aad xusuusnaataan in Magaalada BAYDHABO iyo dadkeeda ay soo mareen xaalado aad xanuun badan iyada oo aad wada ogtihiin magacii naxdinta lahaa ee loo baxshay sanadkii 1992 oo magaalada BAYDHABO ay ku dhinteen dad aan ka yareen 500.000 oo la yiri waxay u dhinteen abaaro, waxaanse rabnaa in aan fursadaan uga faaideeysano oo aan ku cadeyno in aan taarikhda lagu hayn beelaha Digil iyo Mirifle oo sidaas oo kale abaar ugu dhamaada, waxay ahayd wax loogu talagaly sabata oo ah meel kale kama aysan dhicin waxa ka dhacay BAYDHABO oo dadkedu yihiin beeraley mirahooda keydsada.
Dhibaatoyinkii isdaba jooga lahaa kuwa dadban iyo kuwa tooska ah ee lagu hayey dadka ku dhaqan deegaanada JUBBA/BAAY laga soo bilaabo Xornimadii Somaaliya sanadkii 1960 kii ilaa dagaaladii sookeye waxay istaageen sanadkii hoore. Waxay ummaddaha ku nool degaankaas ay markii ugu horeysay ay helen xornima buuxda, cadaalad iyo maamul ay leeyihiin waqti hada laga joogo hal sano oo kaliya, waxaana hubaal ah in dad badan aysan weli ka soo kaban xanuunkii iyo dhibaatoyinkii ka soo gaaray dagaaladaas lagu hayey iyaga oo loogu yimid degaankooda, waxaa weli jooga agoonti, iyo gabdhihii caruurtoodu iyo ragoodu ku dhamaadeen xasuuqyadii lagula kacay.
Hadaba caasimad noqoshaha BAYDHABO waxay u baahantahay in la tixgeliyo xaqiiqada jirta iyo xaaladah ay soo mareen dadka ku dhaqan degaanka JUBBA/BAAY, waxaa hada shaqeeya oo jira maamul ay sameysteen beelaha Digil iyo Mirifle markii ugu horeysay, dawlad kale oo la dul keeno waxay keenaysa shaki iyo in ay arintu u ekaato in la rabo in mar kale nala ku cesho xukun khasab ah oo ilaa hada waayo aragnimada aan u leenahay uu yahay in noo geystay wixii dhib ahaa ee dadkeena soo gaaray wax faaido ahna laga helin tan iyo xornimadii Somaaliya sanadkii 1960 kii.
iyada oo muddadaas dheer uusan xilka madaxtinimada dalka Somaaliya qaban qof u dhashay beelaha Digil iyo Mirifle sida beelaha la midka ah, cadaaladuna waxay tahay in si xaq ah wax loo qeybsado oo fursad la isa siiyo sii dalka iyo ummadduba u badbaadaan.
Annaga oo tixraacaynaa arimahaas aan kor ku soo sheegnay iyo kuwa kaleba waxaan u soo jeedinaynaa guddiga qabnqaabada, ergadda shirweeynaha carta, dawlada Jabuuti iyo dhamaan ummadda Somaaliyeed ee xaqa, cadaalada iyo horumarka jecel qodobadaan:
1- In Maadaama la yiri waxaa la dhisayaa dawlad ku meel gaar ah, caasimadduna ay ku meel gaar tahay in Madaxtinimaduna noqoto ku meel gaar oo xilkaas lagu sharfo una qabto hogaamiye Dr. Xasan Maxamed Nur [Shaatigaduud] sadexda sano ee soo socota, ka dibna la furo doorasho xor ah oo madax banaan.
2- In fursad la siiyo beelaha Digil iyo Mirifle in ay xukunka dalka qabtaan markii ugu horeysay taarikhda Somaaliya, hadii aysan taas dhicin waxaan codsanaynaa in caasimada laga badelo BAYDHABO oo loo wareejiyo meel kale si labada maamul loo kala ilaaliyo, maamulka hada dhisan iyo kan la rabo in BAYDHABO la keeno.
3- Waxaan kale oo markaa u dalbanaynaa in BAYDHABO laga wareejiyo caasimadda si loo ilaaliyo kalsoonida dadka ku dhaqan degaankaas isla markaana aysan u lumin sharaftii, haybadii iyo maamulkii ay dhawaan dhisteen, sidaas darteed ayaan u codsanaynaa in qof aan ahayn Dr. Xasan Maxamed Nur [Shaatigaduud] oo haysta taageerada dadkiisa 98% in ka badan in uu qabto xilkaas muddada dawlada ku meel gaarka ah ay joogto BAYDHABO.
4- Waxaan dhamaan ergadda iyo musharixiinta Somaaliyeed ka codsanaynaa in ay arimahaas tixgeliyaan, waxaadna ogaataan in dadka Digil iyo Mirifle aysan ahayn dad xukun jecel, anaga oo weliba og in xaqu uu yahay in Somaalinimo wax lagu qaybsado oo fursad la isa siiyo waxaase arintaan nagu kalifay caasimadda aad u doorateen BAYDHABO.
5- Arimahaas oo la raaco waxay fududeynaysa in laga maarmo waqtigii ku dhumi lahaa in la isku soo sharaxo madaxtinimada dalka waqtigan hada oo wax kasta ay ku meel gaar yihiin, ayna ku haboon tahay in dib loo dhigo inta laga gudbayo dawlada ku meel gaarka ah, waxay kalo shakiga ka saaraysa dad badan oo u dhashay beelaha Digil iyo Mirifle, iyada oo isla markaana suurto gelinaysa in ay dawlada la rabo in BAYDHABO la geeyo ay si fiican u hirgasho una shaqeeyso.
Waxaan mar labaad u rajeynaynaa ummadda Somaaliyeed natiijo fiican iyo in ay ka baxdo dhibaatada iyo dawlad la'aanta, shirweeynaha iyo guddigana waxaan ka codsanaynaa in ay tixgeliyaan codsigaan ku dhisan xaqiiqada iyo cadaalada si loo gaaro dan guud iyo dawlad loo dhanyahay.
Axmed Maxamed
Xoghayaha guud Jaaliyadda
D/M ee Waqooyiga Amerika
| |
|