Beelaha Digil iyo Mirifle oo si taxadar leh u soo dhaweeynaya in BAYDHABO noqoto Caasimadda Somaaliya
BAYDHABO July 23, (BP)-Waxaa waraaqo fara badan ay naga soo gaareen dad meelo kala duwan jooga oo badankoodu ay si taxadar leh u soo dhaweyeen in BAYDHABO ay noqoto caasimadda ku meel gaarka ah ee Somaaliya.
Waxayna shegeen in ay lagama maarmaan tahay maadaama ay BAYDHABO noqonayso caasimadda ku meel gaarka ah ee Somaaliya in uu Md. Dr. Xasan Maxamed Nur [Shaatigaduud] uu qabto xilka Madaxweeynaha dawlada la rabo in la geeyo BAYDHABO.
Waxay dadkii waraaqaha noo soo diray dhamaantood 100% codsadeen in qof aan ahayn Dr. Xasan Maxamed Nur [Shaatigaduud] aysan u rabin in uu qabto xilkaas iyaga oo ka codsaday siyaasiyiinta Digil iyo Mirifle in laga helo taageradaas mid la mid ah. Waxay kale oo Somaalida wax garadkeeda iyo inta nabada jecel ka codsadeen in ay fahmaan halka ay ka duulayaan, bacdamaa BAYDHABO loo doortay in ay noqoto caasimada ku meel gaarka ah ee Somaaliya, markii BAYDHABO laga wareejiyo caasimadda ayey yiraahdeen ciddii rabto Somaali Madaxweeyne ha u noqoto.
(BAYDHABO PRESS)
|