Ergada beelaha Digil iyoMirifle ee ku sugan Carta oo aysan jirin musharixiin u taagan xilka Madaxtinimada dalka
BAYDHABO July 29, (BP)-Beelaha Digil iyo Mirifle ee ka qeyb galaya shirka magaalada CARTA ee dalka JABUUTI uga socsda Somaalida ayaa laba musharax oo horey isugu soo sharaxay jagada Madaxtinimada dalka Somaaliya ay haatan ka noqdeen musharaxnimadoodi, waaxana wararkii ugu danbeyay ee naga soo gaaray magaalada CARTA ee dalka Jabuuti ay shegeen in waqtigaan hada ah aysan jirin cid ka socota beelaha Digil iyo Mirifle oo u sharaxan jagadaas.
Waxaa kale oo uu wariyaha BP noo soo sheegay in uu ka soo xigtay Mr. duliye Nur Aden Nur Xoghaynta ururka RRA in Md. Dr. Xasan Maxamed Nur [Shaargadud] guddomiyaha ururka RRA ahna hogaamiyaha ergada beelaha Digil iyo Mirifle ee shirka nabadeynta Somaliyeed ee CARTA usan ku talo jirin in uu isku soo sharaxo jagadaas, iyada oo ila kalena laga soo xigtay in maadaama magaalada BAYDHABO loo doortay caasimada ku meel gaarka ah ee Somaaliya iyo rabitaanka dadka ku dhaqan degaanadas ay arintaas ku kalifayso in Md. Dr. Xasan Maxamed Nur [Shaargadud] uu qabto xilka Madaxtinimada dalka Somaaliya mudada ay dawlada ku meel gaarka ahi joogto BAYDHABO.
(BAYDHABO PRESS)
|