--

 Return to Index  

Waraaq uu Md. Dr. Xasan Maxamed Nur [Shaargaduud] uu gudbiyay Shirgudoonka CARTA

July 29 2000 at 2:30 PM
BAYDHABO PRESS 

 
Waraaq uu Md. Dr, Xasan Maxamed Nur [Shaargaduud] uu gudbiyay Shirgudoonka Somaaliyeed ee CARTA


BAYDHABO July 29, (BP)-Waxaa warqadaan loo gudbiyay taarikhdu markay ahayd 15 kii bishii Julaay Shirgudoonka shirka nabadeynta Somaaliyeed ee Carta iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Md, Ismaaciil Cumar Gelle. Warqadaas oo u ku saxixina gudomiyaha ururka RRA ahna hogaamiyaha ergada Qowmiyada Digil iyo Mirifle ee Shirka Nabadeynta Somaaliyeed Md. Dr, XASAN MAXAMED NUR [Shaargaduud] waxay ahayd talo soo jeedin la xiriirta Axdiga KMG warqadina waxay u qornayd sidan:




July 15, 2000



KU: SHIRGUDOONKA SHIRKA NABADEYNTA
SOMAALIYEED EE CARTA DJIBOUTI



Og: MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADA DJIBOUTI
MUDANE ISMACIIL CUMAR GEELE



UJEEDO: TALO SOO JEEDIN





Anagoo ku hadleyna Magaca Qomiyada Digil iyo Mirifle iyo hogaanka ururka RRA waxaan mahad u soo jeedinaynaa umadda Djibouti iyo Madaxweynahooda oo u heelan iney suurto geliyaan iney u soo celiyaan umadda Somaaliyeed ee walaalahooda ah sharaf tooda iyo karaamadooda Qaranimo.

Anagoo maanka ku heyna niyadsamida walaa laheena Reer Djibouti, Tixgelineyna waaqiciga ka jira dalka Somaaliya.

Markaanu fiiriney rabitaanka maamul ee qeybaha bulsha weynta Somaaliyeed sidu u badeley 10 kii sano ee tagay

Markaan tixgeliney rabitaanka Walaalehena Somaaliyeed ee dhisay dowlad gobaleedyada Somali-land iyo Puntland.

Markaan hoosta ka xariiqney rabitaanka maamul cadaalad ku dhisan ee qawmiyada Digil iyo Mirifle iyo dadka ku nool oo (50) jirsaday, oo in mudo ah ku taahaysey iney ka sameystaan degaanadooda Dowlad goboleed ku dhisan habka (Federal ka) ah.

Anagoo og in diintii, Dhaqankii, afkii iyo walaalnimadii soo jireen ka aheyd aan ku kala badbaadi weyney.

Hadaba waxaan shirgudoonka sharafta leh iyo ergada Somaaliyeed ee ka qeybgalaysa shirweynaha Carta u soo jeedineynaa arimaha hoos ku xusan oo aan is leenahay ama aaminsanahay iney fududeynayaan soo celinta is jeceyl kii iyo is aaminaadii Umadda Somaaliyeed. Isla markaana ay keento in shirweynaha Carta uu noqdo mid miro dhal ah:


1- In Axdiga ( KMG ) ah hada lagu qeexaa tirada dowlada Federaalka dalka laga sameynayo kuwaas ah Waqooyi Galbeed, Waqooyi Bari, Gobalada Dhexe iyo Banaadir, iyo Konfurta Somaaliya.

2- In lagu qeexaa mudada laga baxayo gobolada iyo degmooyinka xooga lagu heysto, damaanad qaadna loo helo fulinta qodobkaan.

3- In lagu cadeeyo Axdiga ( KMG ) ah qaabka ama habka loo qeybsanayo awooda maamulka guud ee dalka.

4- In lagu caddeeya Axdiga ( KMG ) in la soo taago kuwii geystay danbiyada dagaalka Maxkamada caalamiga ah ee danbiyada dagaalka.

5- In garsoorka uu ka madax banaanaado awooda madaxweynaha.




MAHADSANID



Signed by




Guddoomiyaha ururka RRA
Ahna hogaamiyaha ergada Qowmiyadda
Digil iyo Mirifle ee Shirka Nab. Somaaliyeed


Dr, XASAN MAXAMED NUR ( Shaargaduud )





 
 Respond to this message   
Create your own forum at Network54
 Copyright © 1999-2008 Network54. All rights reserved.   Terms of Use   Privacy Statement