--

 Return to Index  

Talooyinkii ergada D/M u jediyeen shirgudoonka iyo dawlada Jabuuti oo aan weli wax laga qaban

August 5 2000 at 4:34 PM
BAYDHABO PRESS 

 

Talooyinkii ay ergada Digil iyo Mirifle u soo jediyeen shirgudoonka Carta iyo dawlada Jabuuti oo aan weli wax laga qaban

BAYDHABO August 4, (BP)-Waxaa todobaadkii aan soo dhaafnay ay golaha malaaqyada ergada qawmiyada Digil iyo Mirifle ee ka qeybgalaya shirka nabadeyna Somaaliyeed ee ka socda magaalada Carta ee dalka Jabuuti ay soo saareen war saxaafadeed ay kaga cabanyeen sida uu shirku u socdo, taas oo ay shegeen hadii aan arimahaas oo muhim u ah dhamaan ummadda Somaaliyeed aan wax laga qaban ay shirka iskaga bixi donaan.

Waxaa hada ka hor dawlada Jabuuti iyo shirgudoonka Carta u gudbiyay talooyin wax tar leh Dr. Xasan Maxamed Nur [Shaargaduud] guddomiyaha ururka RRA ahna hogaamiyaha ergada qawmiyada Digil iyo Mirifle ee Shirka Nabdeynta Somaaliyeed ee Carta. Talooyinkaas ayaan la sheegin ilaa hada waxa ay dawlada Jabuuti iyo shirguunko ay ka qabteen.




(BAYDHABO PRESS)

 
 Respond to this message   
Create your own forum at Network54
 Copyright © 1999-2008 Network54. All rights reserved.   Terms of Use   Privacy Statement