--

 Return to Index  

Ergada qawmiyadda D/M oo la filayo in ay maanta gudbiyaan magacyada golaha Baarlamaanka

August 5 2000 at 4:42 PM
BAYDHABO PRESS 

 
Ergada qawmiyadda Digil iyo Mirifle oo la filayo in ay maanta gudbiyaan magacyada golaha Baarlamaanka


BAYDHABO August 4, (BP)-Waxaa maanta la filayaa in ergada qawmiyadda Digil iyo Mirifle ee ku sugan Carta ay gudbiyaan liiska uga qeybgalaya golaha Baarlamaanka dawlada ku meel gaarka (DKM), waxaa kale oo horey u gudbiyay liiskooda beelaha Dir iyo isutaga iyada oo beelaha Hawiye iyo Daaroodna ay weli isku maqanyihiin.

Magacyada liiska ergada Digil iyo Mirifle uga qeybgalaysa golaha Baarlamaanka dawlada ku meel gaarka ah ee la rabo in lagu soo dhiso Carta ayaa la isku afgartay gudbindootada ka dib markii ay dawlada Jabuuti u sheegtay Mr. Cabdalaa Isaaq Deerow in uusan dhexgalin wax qeybsahshada eragdda Digil iyo Mirifle. Waxaa kale oo maalintii shalay markii u horeysay ay xubno ka mid ah hawl wadenada shirka Carta ay si banaan ah [Public] ay u qirteen muhimada ay leedahay ka qeybgalka uu shirka ka so qeybglay Dr. Xasan Maxamed Nur [Shaargaduud].


(BAYDHABO PRESS)


 
 Respond to this message   
Create your own forum at Network54
 Copyright © 1999-2008 Network54. All rights reserved.   Terms of Use   Privacy Statement