--

 Return to Index  

Md. Cabdulaahi Yusuf Axmed Madaxweeynaha D/G Puntland oo maanta ka degay BAYDHABO

August 12 2000 at 8:02 AM
BAYDHABO PRESS 

 
Wafdi balaaran oo u hogaaminayo Md. C/laahi Yusuf Axmed Madaxweeynaha dawlad gobaledka Puntland oo maanta ka degay garoonka diyaaradaha BAYDHABO


BAYDHABO August 12, (BP)-Waxaa saakay subaxnimadii hore ka soo degay garoonka diyaaradha ee magaalada Baydhabo wafdi balaaran oo uu horkacayo Md. Cabdulaahi Yusuf Axmed Madaxweeynaha Dawlad gobaledka Puntland oo boqasho gaaban ku soo gaaray magaalada Baydhabo.

Waxaa wafdigaas ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee magaalada BAYDHABO guddomiyaha gobolka Bay Md. Maxamed Cali Aden [Qalinle] guddomiye ku xigeenka kowaad ee ururka RRA Md. Sheikh Aden Madoobe iyo xubno balaarn oo ka kala socday guddiga fulinta ururka RRA iyo maamulka gobalka Bay.

kulan isla maanaty ka dhacay xaruunta madaxtooyada ayey labada maamul uga wada hadleen si xoojinta xiriirka u dhexeeya labada maamul iyaga oo ku bahaysan iskaashiga la magac baxay Somali Peace Alliance [SPA] horey ayaa kulankaan oo kale loogu qabtay magalo madaxda dawlad gobaledka Puntland ee groowe.


(BAYDHABO PRESS)

 
 Respond to this message   
Create your own forum at Network54
 Copyright © 1999-2008 Network54. All rights reserved.   Terms of Use   Privacy Statement