--

 Return to Index  

Ergadda D/M oo maanta ka baxay shirkii xubnaha golaha baarlamaanka uga socday Carta

August 20 2000 at 6:52 PM
BAYDHABO PRESS 

 
Ergadda Digil iyo Mirifle oo maanta ka baxay shirkii golaha baarlamaanka uga socday Carta


CARTA August 20, (BP)- Wararka ka imaanaya magaalada CARTA oo u ka socday shirkii golaha baarlamaanka ayaa sheegaya in dhamaan ergaddi qowmiyada Digil iyo Mirifle uga qeybgalaysay shirkaas ay maanta ka baxeen shirka iyaga oo sheegay in ay shirka Somaalida haatan uga socda CARTA kala noqdeen kalsooni-doodi.

Waxaa isla maanta shir saxaafadeed uu ku qabtay CARTA Dr. Xasan Maxamed Nur [Shaargaduud] uu sidaa oo kale ku cadeyay in uu shirka Somaalida haatan uga socda Jabuuti uu burburay ayna burburiyeen kooxo xulufo la ah DAWLADA Jabuuti oo dano gaar ah la wadaaga cadaawadna u qaba qowmiyadda Digil iyo Mirifle.

Dhinaca kale waxaa galabta loo doortay guddomiyaha baarlamaanka Mr. Cabdalla Derow Isaaq oo la sheegay in ay ka danbeyeen doorashadiisa kana soo shaqeyeen niman ay ka mid yihiin Mr. C/qaasim Salad Xasan iyo Mr. C/laahi Axmed Cadow oo labduba ay u dhasheen beesha Habargidir kana cabsi qabay in Dr. Xasan Maxamed Nur [Shaargaduud] oo taaagero fican ka haysta dhamaan ergadda qowmiyadda Digil iyo Mirifle iyo Somali badan in uu ku soo baxo jagadaas oo ay Dawlada Jabuuti u qorsheysay in nin ka mid ah labadooda uu ku soo baxo, sidaas darteed ayaa doorashada Mr. Derow oo uu dhashay beelaha Digil iyo Mirifle loogu talagaly in looga horistaago qowmiyadda Digil iyo Mirifle in ay qabtaan Madaxtinimada dalka Somaaliya.

Waxaa kale oo dad badan ay isweydiyeen sida sahalka ah ee lagu soo doortay Mr. Derow iyo iyada oo baa la leeyahy ay dhici karto in guddiga loo xilsaaray doorashada in ay khiyaamo sameyeen oo ay ugu shubeen codad badan oo aanu xaq u helin, sida oo kale waxaa iyadana laga cabsi qabaa in Dawlada Jabuuti iyo xulufada ay wadato oo u badan guddigaas in ay ugu shubi donaan Madaxweeyne ay horay uu sii qorsheysteen ileen meeshu waa Afrika iyo musuq maasuqeedi lagu yiqiin.



(BAYDHABO PRESS)


 
 Respond to this message   
Create your own forum at Network54
 Copyright © 1999-2008 Network54. All rights reserved.   Terms of Use   Privacy Statement