--

 Return to Index  

Dr. Xasan Maxamed Nur [Shaargaduud] oo maalinta barito ah ku laaban doona BAYDHABO

August 30 2000 at 12:15 PM
BAYDHABO PRESS 

 

Dr. Xasan Maxamed Nur [Shaargaduud] oo maalinta barito ah ku laaban doona BAYDHABO

BAYDHABO August 30, (BP)- Maalinta barito ah ayaa la filayaa in Md. Dr Xasan Maxamed Nur [Shaargaduud] guddomiyaha ururka RRA ahna hoggaamiyaha ergadda Digil iyo Mirifle in uu dib ugu soo laabto Magaalada BAYDHABO.

Dadweynaha magaalada BAYDHABO ayaa isu diyaarinaya soo dhaweynta Md. Dr. Xasan Maxamed Nur [Shaargaduud] oo in muddo ahba ku maqnaa dalka Jabuuti oo uu ka socday shirkii dib u heshiisinta Somaaliyeed.

Waxaa kale oo ay wararku sheegayaan in isla maalinta barito ah la filayao in ay magaalada BAYDHABO soo gaari donaan Md. Cabdiqaasim Salaad Xasan iyo wafdi la socda oo ay ka mid yihiin Xasan Abshir Faarax iyo Cali Khalif Galayer.

(BAYDHABO PRESS)



 
 Respond to this message   
Create your own forum at Network54
 Copyright © 1999-2008 Network54. All rights reserved.   Terms of Use   Privacy Statement