--

 Return to Index  

Xubnaha DAWLADA cusub ee ku meel gaarka oo maanta booqday magaalada BAYDHABO

September 1 2000 at 3:18 PM
BAYDHABO PRESS 

 
Xubnaha DAWLADA cusub ee ku meel gaarka oo maanta booqday magaalada BAYDHABO

BAYDHABO Sep 1, (BP)-Waxaa maanta ka soo degay garoonka diyaaradaha ee magaalada BAYDHABO wafuud balaaran oo ay ka mid ahaayeen Md. Cabdiqaasim Salaad Xasan Madaxweynaha DAWLADA KMG ee Somaaliya yo Md. Dr. Xasan Maxamed Nur [Shaargaduud] iyo xubno kale oo ka tirsan golaha baarlamaanka ee dhawaanta lagu soo dhisay CARTA.

Wufudaas ayaa waxaa si diran u soo dhaweyay xubnaha maamulka RRA oo ay horkacayeen guddommiye ku xigeenka kowaad ee ururka RRA Md. Sheikh Aden Maxamed [Madoobe] iyo guddommiyaha gobolka Bay Md. Maxamed Cali Aden [Qalinle] iyo xubno kale oo ka tirsan guddiga fulinta ururka RRA iyo maamulka gobolka.

Waxaa wafidgu ay ka dib u gudbeen garoonka ciyaaraha ee magaalada BAYDHABO oo ay ku sugnaayen dadweeyne aad u tiro badnaa, waxaa halkaas khudbado ka jeediyay Md. Caabdiqaasim Salaad Xasan iyo Md. Dr. Xasan Maxamed Nur [Shaargaduud] iyada oo Md. Cabdiqaasim uu sheegay in magaalada BAYDHABO uu maamulkisu tixgelin gaar ah siin doono dib u dhisna lagu sameyn doono.

Mid ka mid ahaa dhageystayaasha khudabada Cabdiqaasim ayaa u sheegay wargeyska BAYDHABO PRESS in uu taas Cabdiqaasim ula jeedo xaalmarin iyo makdhaw maxaayelay ayuu yiri wuxuu ogyahay dhibkii ay reerihisu geeysteen una geeysteen dadweynaha reer BAYDHABO iyo degaankooda wuuna ku mahadsanyhay hadii uu ka run sheego balanqaadkaas iyo garashada uu gartay dhibkii nalo geeystay.


(BAYDHABO PRESS)

 
 Respond to this message   
Responses

Create your own forum at Network54
 Copyright © 1999-2008 Network54. All rights reserved.   Terms of Use   Privacy Statement