| Md. Dr. Xasan Maxamed Nur [Shaargaduud] oo ku soo laabtay Magaalada New YorkSeptember 14 2000 at 8:11 PM | BAYDHABO PRESS | |
|
Md. Dr. Xasan Maxamed Nur [Shaargaduud] oo ku soo laabtay Magaalada New York
New York Sep 14, (BP)- Waxaa maalintii shaly ku soo laabtay magaalada New York ee dalka Mareykanka Md. Dr.Xasan Maxamed Nur ka dib markii uu soo Dhamaystay boqasho labo maalmood ahayd oo uu ku tegay magaalada Minneapolis.
Mudadii uu jogay magaalda Minneapolis waxaa uu Dr. Xasan la kulmay Jaaliyadda Digil iyo Mirifle ee magaaladaas oo si fican u soo dhaweysay, isaga oo warbixin ka siiyay xaalada Arlaadi iyo shirkii dhawaanta ku dhamaaday CARTA laguna soo dhisay DAWLADA KMG Somaaliyeed.
Maalintii shalay markii uu ka soo anbabaxayey Magaalada Minneapolis waxaa soo sagootiyay madaxda iyo xubnaha Jaaliyadda Digil iyo Mirifle ee Minneapolis, halka ay New York ku soo dhaweyeen qaar ka mid ah xubnaha wafdiga Somaaliyeed iyo marti sharaf kale oo isugu jira Digil iyo Mirifle iyo Somaali kale.
(BAYDHABO PRESS) | |
| | Responses |
|
|