--

 Return to Index  

Degaanka Baraawe ee gobolka Shabeelaha hoose oo cabsi laga qabo libaaxyo dadka cuna

September 16 2000 at 2:28 PM
BAYDHABO PRESS 

 
Degaanka Baraawe ee gobolka Shabeelaha hoose oo cabsi weyn laga qabo libaaxyo dadka cuna

BARAAWE Sep 16, (BP)-Waxaa maalmahaan danbe aad u soo kordhaaya cabsida ay dadka deeganka Baraawe ka qabaan khatarta libaaxyada cuna dadka iyo xoolaha. Dhawaan raxan libaaxyo ah ayaa meel u dhow deeganka kurturwaarey ku cunay afar qof, iyadoo sidoo kale la sheegay in todoba bilood ka hor ay libaaxyadaas weerareen goobo kale oo ka tirsan gobolka shabeelaha hoose.

Degmada Qoryooley ayaa iyadana waxaa dhowr jeer oo hore soo weeraray eeyo dadcun ah, kuwaas oo wax yeelo u geestey dadkii halkaas ku dhaqnaa. Waxaa hada ka hor sanadkii 1997dii labo waraabe lagu toogtey inta u dhaxeysa wakaaladii madbacada qaranka iyo dugsigii sare ee bartamaha Xamar, halkaas oo ay kabexeen dhirkaladuwan.

Aqoonyahanada cilmiga deeganka (environment) ayaa sheegaya in fiditaanka magaalooyinka iyo jarista xad dhaafka ah ee dhirtii gabaadka u ahayd xayawaankaas ay sababtey in ay magaalooyinka soo galaan duurjoogta. Dhinaca kale wararka ka imaanayo Koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in ay curteen roobabkii xiliga deeyrta, waxeyna ilaa iyo hada ka da'een degmooyinka iyo tuulooyinka ka tirsan gobolada Jubada hoose, Jubada dhexe iyo Shabeelaha hoose.



(BAYDHABO PRESS)



 
 Respond to this message   
Create your own forum at Network54
 Copyright © 1999-2008 Network54. All rights reserved.   Terms of Use   Privacy Statement