Md. Dr. Xasan Maxamed Nur [Shaargaduud] oo xalay ka dhoofay magaalada New York ee dalka Mareykanka
New York Sep 17, (BP)- Waxaa habeenkii xalay ka dhoofay magaalada New York ee dalka Mareykanka wafdigii Somaaliyeed ee ka qeybgaly shirkii golaha guud ee qaramada midoobay uga socday New York, wafdigaas ayay wararku shegayaan in ay sii mari donaan dalal dhawr ah oo ay ka mid yihiin Talyaaniga, Sacuudi Caraabiya iyo Itoobiya oo ay ka heleen martiqaadyo.
Wafuudi xalay ka dhooftay magaalada New York ayey ka mid ahaayeen Md. Cabdiqaasim Salaad Xasan Madaxweynaha KMG Somaaliya, Md. Dr. Xasan Maxamed Nur [Shaargaduud], Md. Cali Mahdi Maxamed, Md. Cali Khaliif Galayer iyo xubno kale.
Waxaa wafdigaas sii sagootiyay wakiilka ururka RRA ee waqooyiga Amerika Md. Ibraahim Cilmi Maxamed [Sokorow] dadweeyne Somaaliyeed oo ku sugna magaalada New York xubno ka socdey Jaaliyadda Digil iyo Mirifle iyo marti sharaf kale.
(BAYDHABO PRESS)
|