--

 Return to Index  

Beelaha D/M oo hadal haya ku dhawaaqista DAWLAD goboleed ay u madax banaanyihiin

September 23 2000 at 10:31 PM
BAYDHABO PRESS 

 
Beelaha Digil iyo Mirifle oo hadal haya ku dhawaaqista DAWLAD goboleed ay u madax banaanyihiin.


BAYDHABO Sep 24, (BP)- Warar aan ka helnay ilo kala duwan ayaa sheegaya in Beelaha Digil iyo Mirifle ee dega koonfurta Somaaliya ay dhawaan ku dhawaaqi doonaan Dawlad goboleed ay u madax banaan yihiin oo ku saleysan habka Federaalka.

DAWLADAAS ayay wararku sheegayaan in ay ka koobnaan doonto gobolada kala ah
1- gobolka Bay 2- gobolka Bakool 3- gobolka Jubadda Dhexe 4- gobolka Gedo 5- gobolka Shabeelaha Hoose. Madaxweynaha Dawlad goboleedka cusub ayaa lagu wadaa in uu noqdo Md. Dr. Xasan Maxamed Nur [Shaargaduud] iyada oo isla markaana ay dhici doonto in uu Dr. Xasan xil balaaran ka qabto DAWLADA dhexe ee Somaaliya.

Waxaa kale oo dad badan ay isweydiinayaan jawaabta ka soo bixi doonto DAWLADA cusub ee lagu soo dhisay CARTA oo uu madaxweeynaha ka yahay Md. Cabdiqaasim Salaad Xasan oo u dhashay beesha Habrgidir, maxaa yeelay beelaha Digil iyo Mirifle oo horay ugu dhawaaqay DAWLAD goboleedkii ugu horeyay ee Somaaliyaa ayaa waxaa si gardaro cadaan ah uga dumiyay General Maxamed Faarax Caydiid oo isgana u dhashay isla beesha Cabdiqaasim, hadaba maanta oo hogaanka beelaha Digil iyo Mirifle ay taagereen DWLADA Md. Cabdiqaasim ayaa waxaa ay beelaha Digil iyo Mirifle il gaar ah ku egayaan sida uu Md. Cabdiqaasim u dhaqmi doono ka dib marka lagu dhawaaqo DAWLAD goboledkan cusub lana soo dhiso golaheeda wasiirada.

Xildhibaan ka tirsan golaha BKM Somaaliyeed oo u dhashay beelaha Digil iyo Mirifle ayaa sheegay in Md. Cabdiqaasim Salaad Xasan aysan khusaynin arimaha la xiriira ku dhawaaqista DAWLAD goboleedka cusub, waa arin u gaar ah ayuu yiri dadka Digil iyo Mirifle hadi ay rabaan in ay DAWLAD sameystaan sida beelaha kale ee Daarood, Isaaq iyo Hawiye, hadiise uu Cabdiqaasim isku dayo in uu soo fara gashado ama uusan so dhaweyn DAWLADAAS waxaa dhici doonta in ay iyaguna kala noqdaan taageradooda iyo kalsoonidooda, wuxuu kalo sheegay in xubnaha baarlamaanka intooda badan aysan Cabdiqaasim ku taageri donin in uu faragashado maamul goboleedyada.



(BAYDHABO PRESS)

 
 Respond to this message   
Responses

Create your own forum at Network54
 Copyright © 1999-2008 Network54. All rights reserved.   Terms of Use   Privacy Statement