Mudane. Dr. Xasan Maxamed Nur [Shaargaduud] iyo wafdi uu hogaaminayo oo laga sugaayo BAYDHABO
BAYDHABO Oct 01, (BP)-Waxaa todobaadkan la filayaa in ay magaalada BAYDHABO dib ugu soo laabtaan wafdi balaaran oo u hogaaminayo Md. Dr. Xasan Maxamed Nur [Shaargaduud] ayna ka mid yihiin guddomiye ku xigeenka kowaad ee ururka RRA Md. Sheikh Aden Maxamed [Madoobe] iyo madax sare oo ka tirsan guddiga fulinta ee ururka RRA.
Md. Dr. Xasan iyo wafdigiisa ayey wararku sheegayaan in ay soo dhameysteen shirar iyo wada tashiyo ay la yesheen dalalka daneeya aimaha Somaaliya gaar ahaan kuwa deriska nala ah.
Waxaa kale oo ay wararku shegeen in marka ay wafdigaasi ku soo laabtaan magaalada BAYDHABO lagu dhawaaqi doono DAWLAD goboleed matasha qowmiyadda Digil iyo Mirifle iyada oo dadweeynaha u dhashay goboladaas gudaha iyo dibadaba ay marar badan ka codsadeen hogaanka D/M culeysna ku saareen maamulka RRA sidii uu u soo dhisi lahaa DAWLAD goboleed ay u madax banaanyihiin oo ku saleysan nidaamka Federaaliga ah.
Dhinaca kale wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in dad badan oo u dhashay beesha Habargidir si aad ah loo soo dejinayo gobolkaas taas oo ka caraysiisay dadka u dhashay degaanka oo sheegay in dhulkooda iyo beerahooda xoog lagu qaato.
(BAYDHABO PRESS)
|