--

 Return to Index  

qof kasta oo Muslim ah weey fiicantahay in uu ka shaqeeyo nabada ummada laakiin?

October 7 2000 at 11:46 PM
Ruqiyo Maxamed 

 
Waxaa maqaalkaan qoray oo ka faaloonaya Ms. Ruqiyo Maxamed.

Dad-badan ayaa ku kalsoonaa in ay dhalandoonto dowlad caadil ah, qofkasta oo sheegto Muslimnimada weey fiicantahay in uu ka shaqeeyo nabada ummadooda. Laakiin Walaalyaal Habargidir iyo Mareexaan sida ee noo galeen iyo dhibaatadeey inoo geesteen miyaan ilaawe karnaa, dad u dhashay Digil iyo Mirifle ayaa rabo in ay Dowlada la wadaagto Habargidirk iyo Mareexaan taas waa nasiibdaro sida aad ogsoontihiin waxaa noo soo halgamay Ururrka RRA Maamulka RRA waxaan istaaginay mooqif aad u adag ee qatar gelisay jiritaanka Ururrka iyo Umadaba.

Walaalayaa markii la soo magac-qaaday shir nabad ku sheegii lagu qabtay magaalada Carta markii lagu martiqaaday Ururrka RRA weey diideen in kastoo ay ka qayb-galaan markii danbe dad badan oo Digil iyo Mirifle ah ayaa aad iyo aad u rabay in ay ka qeeybgalaan shirkaas waxeey eedeen u jeediyeen Maamulka RRA oo diidanaa ka qaybgalka shirkaas waayo waxaa eey ogaayeen in ummadaas eeysan aheen ummad wax lagu darsan karo eey colaad naga dhexeeyso markii laga hadlay ee la ogaaday in dadbadane eey rabaan in la tago ayaa waxaa la diray ergoo waxaa dhacay wax aad ogsoontihiin sidaa awgeed ayaa Dr.Hassan Mahamed Nuur (Shatiguduud) ugu qaybgalay ujeedadiisana waxeey aheeyd in eeysan Digil iyo Mirifle kala Jabin oo eey ku gancaan beenta meesha lagu haayay soo ogaadaan in aan waxba loo quurin sida caadada ahaan jirtay in la xaqiro xaqeena. Ilaa mudo ayuu ku simay ooo uu dareensiinaayay dadkii ka qaybgalay shirka Cart in eey gartaan Qiyaanada meesha taalo in beenta la doonaayo in la dhiso Dowlad Gacan ku rimis ah hase yeeshee Dad-badan oo Oqoonyahano ah ayaan dareemin Qiyaanada iyo beenta eey wataan Habargidir iyo Ismaaciil Omar Geele oo weli rajo ka qabo in eey Dowlad Somaaliyeed ee KMG ah dhalatay.

Hadaba Walaalayaal Digil iyo Mirifle waxaan idin leeyahay guntiga dhexda ku adkeesta Gacmahana is qabsada ee dhulkiina u soo jeesta ee taageero buuxda siiya Ururka RRA ee usoo Halgamay welina u soo taagan in uu ka xoreeyo cadawga Dhulka Digil iyo Mirifle.

Mar dhow wexeey ku dhawaaqi doonaan Dowlad Madax-banaan oo ah Digil iyo Mirifle iyo in eey xoreeyso dhulka inta ka dhimaan raga u hanqaltaagaayo Dowlada Cabdiqaasin waxaan idin sheegayaa taas waa eey bur-burtay bur-burtay, bur-burtay, bur-burtay. ee u soo laabta dadkiina iyo dhulkiina difaaciisa.




W.Q. Ruqiyo Maxamed


 
 Respond to this message   
Responses

Create your own forum at Network54
 Copyright © 1999-2008 Network54. All rights reserved.   Terms of Use   Privacy Statement