--

 Return to Index  

Guddoomiyaha Gobolka Bay Md. Maxamed Cali Aden Qalinle oo saxaafada u waramay

October 7 2000 at 11:56 PM
BAYDHABO PRESS 

 
Guddoomiyaha Gobolka Bay Md. Maxamed Cali Aden Qalinle oo saxaafada u waramay


BAYDHABO 8, 2000(BP)- Guddoomiyaha Gobolka Bay Md. Maxamed Cali Aden [Qalinle] ayaa xalay sheegay mar uu saxaafada ugu waramay xaruunta maamulka RRA ee magaalada BAYDHABO in maamulkoodu diyaar u ahayn isla markaana ogolaan doonin in dowlada cusub ay xarun ka dhigato magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay.

Md. Qalinle ayaa sheegay in sidii la filayay aysan noqon dowlada cusub ee lagu dhisay Carta oo isbedel badan uu yimid isla markaana ay qolo kasta waajib ku tahay inay nabadgelyada goboladeeda sugto oo ismaamul goboleed sameysato.

Dhinaca kale guddoomiyaha gobolka Bay Md. Qalinle waxa uu
cadeeyay inay Baydhabo yimaadeen xubno Digil iyo Mirifle oo dhan 16 kana tirsan Golaha Baarlamaanka ee lagu dhisay CARTA ayna ka mid yihiin Md. Maxamed Cali Xaamud. Md. Sayid Axmed iyo Cali Marguus waxaana uu sheegay inay u yimaadeen si ay qeyb uga qaatan dhismaha DOWLAD goboleedka Digil iyo Mirifle.




(BAYDHABO PRESS)





 
 Respond to this message   
Create your own forum at Network54
 Copyright © 1999-2008 Network54. All rights reserved.   Terms of Use   Privacy Statement