--

 Return to Index  

Md. Sheikh Aden Maxamed [Madoobe] oo maanta ku soo laabtay Baydhabo

October 7 2000 at 11:59 PM
BAYDHABO PRESS 

 
Md. Sheikh Aden Maxamed [Madoobe] oo maanta ku soo laabtay Baydhabo


BAYDHABO 8, 2000(BP)- Wafdi balaaran oo uu horkacyo guddommiye ku xigeenka kowaad ee ururka RRA Md. Sheikh Aden Maxamed [Madoobe] ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada BAYDHABO ka dib markii ay soo dhameysteen boqashooyin ay ku tageen dalka Itoobiya iyo qeybo ka mid ah dalka.

Md. Sheikh Aden iyo wafdiga la socda ayaa soo maray magaalooyinka ay ka midka yihiin Saakow, Tiyeglow, Waajid iyo kuwo kale oo ka tirsan gobolada Bakool iyo Jubada Dhexe ugu danbeeynti waxaa Md. Sheikh Aden iyo wafdigiisu ay soo booqdeen magaalo madaxda gobolka Bakool ee Xudur waxaana halkaas ku soo dhaweeyay madaxda gobolka Bakool oo uu horkacyey guddommiyaha gobolka Md. Aden Maxamed Nur [Sarnsoor] iyo xubno kale oo ka tirsan maamulka goblka. Md. Sheikh Aden mudadii uu joogay gobolka Bakool waxaa uu soo indha indheeyay xaalada guud ahaaneed ee gobolka isaga oo si gaar ah ugu kuurgaly soona booqday xeryaha ciidamada RRA ee gobolka Bakool.





(BAYDHABO PRESS)




 
 Respond to this message   
Create your own forum at Network54
 Copyright © 1999-2008 Network54. All rights reserved.   Terms of Use   Privacy Statement