--

 Return to Index  

TALO BIXIN ISMAACIIL M. GADIID

October 8 2000 at 12:55 PM
ISMAACIIL M. GADIID 


Response to qof kasta oo Muslim ah weey fiicantahay in uu ka shaqeeyo nabada ummada laakiin?

 
TALO BIXIN
by ISMAACIIL M. GADIID


ASALAAMUCALEYKUM RRA

Hadaan in yar isaga kiin waramo waxaan kasoojeedaa beesha isaaq(somliland) waxaan ahaa 17jir markaan ku biirey ururkii xaq u dirirka ahaa ee SNM, walaalayaal waan damqadaa markaan arko cid ku jirta dulmigii layga galey iyo mid lamid ah.

Waxaan walaal aanu ku guuleysaney(ALLAHMAHADLEH)
in uu shacabku wuxuu doonaayo ay socoto,maanu waayi jirin wax na qasa markaanu ku jirney dagaalada khaasatan raga siyaasiyiinta ah ee naga dhashey, xataa hada oo gaal iyo muslin og yahey inaan somland laga noqonaynin ayaad arkeysaan qaar kolba meel ka nacnac leh ayakoon cidna ka socon, waxaa hogaamiyaalka dagaalka ee SNM ay ku guuleysteen markii ay dhiseen golle odayaalka dhaqanka ah oo ka madax banaan siyaasiyiinta reerka iyo saraakiishaba, odayaashaasi oo sharciyan laga dhigey hay'ada ugu awooda badan uguna sareysa, shaqadooduna ay ka mid yihiin

1)dhamystirka qalalaasaha soo dhex gala reeka ama madaxda

2)Ilaalinta rabitaanka shicibka IWM.

Markaa walaalayaal anoo ALLAH idiinka baryaya inuu idinka kor qaado dhibaatada dadkaasi idinku hayaan oo aan xanuunkeeda soo arkey (waan u naafoobay, aabaheyna waa u shihiidey)waxaan ku talin lahaa inaad sameysataan golle awoodleh sharciyan oo ka turjumaya shacabka oo ay ka caagan yihiin siaasiyiinta reerka (qabiilka) wax ku doona isla markaana lagu kalsoon yahay iyo dowlad ka kooban dhulka aad degtaan oo dhan.


waad mahadsantihiin

XAQUDIRIR I.M.GADIID


 
 Respond to this message   
Create your own forum at Network54
 Copyright © 1999-2008 Network54. All rights reserved.   Terms of Use   Privacy Statement