--

 Return to Index  

Md. Qalinle " marnaba ma ogolaanayno dowlad ay xulufo ku yihiin habargidr, itixaad iyo islaax

October 15 2000 at 9:45 AM
BAYDHABO PRESS 

 
Md. Qalinle "lagama yaabo in aan marnaba ogolaano dowlad ay xulufo ku yihiin habargidr, itixaad iyo islaax

BAYDHABO Oct 15, 2000 (BP)- Md. Maxamed Cali Aden [Qalinle] guddomiyaha gobolka Bay ayaa saakay mar uu Raadiyaha BAYDHABO kala hadlayey dadweynaha sheegay in maamulkoodu uusan marnaba ogolaan doonin dowlad ay xulufo ku yihiin kooxo ay ka mid yihiin habargidr , itixaad iyo islaax.

Waxaa kale oo u Md. Qalinle xusay in kooxahaas oo u hogaamiyo Cabdiqaasim ay shegeen in ay dulaan ku soo yihiin degaanka ummadda Digil iyo Mirifle, halki ay ahayd in ay ka baxaan dhulka ay nooga heystaan sida xoqdarada ah, Md. Qalinle waxaa dadweynahii dhegeysanayey uu u sheegay isaga oo leh " waa Alle mahadiis in maanta aysan ahayn waqtigii nala dulmi jirey anaguna aan iska ogolaan jirnay dulmiga mana jirto haba yaraate wax ay ummadda Digil iyo Mirifle ka walwasho oo geesiyada, naftood hurayaalka ciddanka RRA ayaa kaga filan khatar kasta oo kaga imaan lahayd xamar iyo kooxda u hormuudka ka yahay Cabdiqaasim".

wuxuu intaa ku daray in jidka Xamar iyo BAYDHABO uu weli xiranyahay ciiddamo xoogina ahna la dhigay meel walba ka dib markii aan dareenay daandaansi dagaal iyo keenista ciiddamo horleh gobolka shabeelaha hoose.


(BAYDHABO PRESS)








 
 Respond to this message   
Create your own forum at Network54
 Copyright © 1999-2008 Network54. All rights reserved.   Terms of Use   Privacy Statement