| Jaaliyaddaha Digil oo cambaareyn uu jeediyay Cabdala Derow IsaaqOctober 17 2000 at 12:26 PM | BAYDHABO PRESS | |
| Jaaliyaddaha Digil oo cambaareyn uu jeediyay Cabdala Derow Isaaq
BAYDHABO Oct 17, 2000(BP)-Warqadaan iyo kuwa kale oo faran badan oo ay noo suurto geli weysay in aan idin soo wada gudbino waxay naga soo kala gaareen jaaliyadaha Digil iyo Mirifle ee ku kala baahsan dalalka dibadaha waxayna ku camaabreyeen Md. Cabdalla Derow Isaaq oo maalintii shalay wareysi siiyay idaacada BBC da. Warkan hoss ku qoran ayaa laga sii daayey idaacada Atlanta ay ku leedahay jaaliyaddu.
OCT 16/ 200O
JAALIYADA DIGIL EE WAQOOYIGA AMEERICA
KULAN BALAARAN OO EY KASOO QEYB GALEEN JAALIYADA
DIGIL EE WAQOOYIGA AMEERICA AYAA WAXAA EY CAMBAAREYN DUSHA KAGA TUUREEN GUDOOMIYAHA BARLAMAANKA KU MEEL GAARKA EE DOWLADA SOMALIYA CABDALLA DEROW.
WAXAAN SI TOOS AH U CAMBAAREYNEYNAA WAREYSIGII MAANTA OO EY TAARIIQDU EHEYD OCT 16/2000 UU SIIYEY CABDALLA DEROW IDAACADA B.B.C. LAANTA AFSOMALIGA WAREYSIGAAS OO UU CABDALLA KU DHIIRIYEY IN UU QILAAF KA DHEX ABUURO QOWMIYADA DIGIL IYO MIRIFLE ISLA MARKAANA UU CARABKA KU DHUFTEY IN UU DHAMAADEY KHILAAFKII KA JIREY HEYSASHADA DHULKA DIGIL.
HADABA WAXAAN CADEYNEYNAA IN HADALADA CABDALLA DEROW UU SHEEGEY IN EY YIHIIN MID MEEL LOOGA DHACAY JIRITAANKA QOWMIYADA DIGIL.
WAXAAN KALOO HALKAN KU CADEYNEYNAA IN CABDALLA DEROW UUSAN EHEYN MASUUL MATALA QOWMIYADA DIGIL IYO MIRIFLE MAADAAMA EYSAN DOORAN MARKII EY KU SUGNAAYEEN MAGALADA CARTE, CABDALLA DEROW SIDA AAN WADA OGNAHAY WAA NIN KA TURJUMA DANIHIISA GAARKA AH, KAMA TURJUMO DANAHA DIGIL IYO MIRIFLE.
SIDAAS DARAADEED WAXAAN SOO JEEDINEYNAA IN SI SHARUUT LA,AAN AH LOOGA BOXO DHULKA DIGIL, HADDII EYSAN TAAS DHICINA DIGIL IYO INTII KU TAAGERSAN WEXEY QAADAN DOONAAN TALAABO KASTA OO MUNAASIB AH SI LOO SOO CELIYO DHULKA DIGIL.
AHMED BOQOL iyo Hasan Jaamac
Jaaliyadda D/M ee ATLANTA, USA
| |
| | Responses |
|
|