--

 Return to Index  

Dadka Digil iyo Mirifle marnaba ma iloobi karaan wixii loo geeystay

October 19 2000 at 12:35 AM
Nasro Abdi 

 
Dadka Digil iyo Mirifle marnaba ma iloobi karaan wixii loo geeystay.

BAYDHABO 19, 2000 (BP)- Magaalada Baydhabo maanta waxaa looga yaqaan adduunka oo dhan magaaladii geerida, waxaana sabateeda lahaa waa Habar Gidir, dharkay rabaan hadba ha soo gashadaane.

Waxay ila tahay inay shuruudaha Dr. Shatiguduud iyo dhowr shardi oo kaleba ay ballan qaadaan intaan hawiye dowlad lala samayn.

Waxaa ka mid ah shuruudahaas:

1- Inay bixiyaan diyada 500,000 kun oo qof oo bakaarahoodii ay markay fagteen, gaajo ugu dhintay dhulka Digil iyo Mirifle, qaarna ay laayeen.

2- Hantidii ay Xammar u rarteen oo ay u soo celiyaan dadkii lahaa.

3- Aqoonsi danbiyadii ay ka galeen dadka ku nool goboladaas, iyo caffi ka dalab.

4- Hawiye oo cahdi ku gala inaaney mar kale ku soo duulayn degaanka Digil iyo Mirifle.

5- Marka ay ka baxayaan Degaanka Digil iyo Mirifle waa inay ka baxaan iyagoo fara maran, sidii ay ku yimaadeen markii horeba. Wixii ay ka heleen beeraha, ganacsiga iyo bililiqada degaanka Digil iyo Mirifle waa in lagu dhisaa dalka ay burburiyeen.

6- Waa in ay ballan qaadaa dowladdu inay dhisayso deegaanka Digil iyo Mirifle.

Ugu danbayn Ina Qassim isagoon xoogaysan ayuu bilaabay inuu kala daadiyo RRA, kuna hanjabo inuu baydhabo xoog ku qabsanayo ee sidee loo aamini karaa markuu xoogaysto.

Waxaan taageer-sanahay halgankii Dr. Shaatiguduud iyo go`aankiisa uu kula noqday kalsoonidii uu siiyay Habar Gidir.


W.Q. Nasro Abdi


 
 Respond to this message   
Responses

Create your own forum at Network54
 Copyright © 1999-2008 Network54. All rights reserved.   Terms of Use   Privacy Statement