--

 Return to Index  

Anigu waxaan ayidsanahy qaraarkii ay gaareen hogaamiyaasha RRA

October 22 2000 at 12:01 AM
Ibrahim sheikh Mohamed 

 
Anigu waxaan ayidsanahy qaraarkii ay gaareen hogaamiyaasha RRA

COPENHAGAN 21, 2000(BP)-waxaan salaan aan u soo jeedinayaa dhamaan shaqaalaha ka shaqeeya wargeyska qiimaha badan ee Baydhabopress. Salaan ka dib,waxaan idin leeyahay waad mahadsantihiin sida sharafta badan ee aad noogu soo tebisaan wixii ka dhacaya dhulka Digil iyo Mirifle.

Anigu waxaan ayidsanahy qaraarkii ay gaareen hogaamiyaasha RRA oo ahaa in ay kala noqdeen taageeradoodii DKG EE SOMALIA OO lagu soo dhisay ARTA, DJABUTI. Abdalla Deerow Isaaq Waxaan leeyahay Way kaa qaldantay hadalka sida aad utri. Maxaa yeelay arinta Digil iyo Mirifle way ka weyntahay in uu yiraahdo aniga ayaa jegadaan la iidiidanyahay.

Waxaa aan leeyahay abdalla waxaad ahayd xogeyihii guud ee RRA ma aragtay weligaa qof kuu diidanaa mase hoogbaad ku ahayd?
Waxaa aan qalbigayga marna aan ka bexeynin ajald aan fiirsaday oo laga soo duubay tuulada ALyow-Muumin oo Abdalla Deerow uu noogu sharxaayey sida bakhaareheeni loo gubay oo weliba gacantiisa ku hayey sabuul geley ah oo gubtay oo madoobaadey: Anagu weli qalbigeena kama bixin.

W.Q. Ibrahim sheikh Mohamed (qulquli)

COPENHAGAN,DENMARK

 
 Respond to this message   
Responses

Create your own forum at Network54
 Copyright © 1999-2008 Network54. All rights reserved.   Terms of Use   Privacy Statement