--

 Return to Index  

Digil Iyo Mirifle Iyo ......Somalia

October 22 2000 at 6:15 AM
Sharmarke 


Response to Dadka Digil iyo Mirifle marnaba ma iloobi karaan wixii loo geeystay

 

Walaal Nasra,
Mahadsanid, baaritaan kaaga tariikhda, dadku waxay
yiraahdaan Somalidu dhakhso ayey wax u hilmaantaa.
Ha se yeeshee waa jiraan qaar naga midah sidaada
oo kale in "record" inoo haysa. Sidaas waxaa la soomaray dhibaatooyin badi intayada nooli ayaan illabi karin, oo loo baahan yahay in aan kuwa inaga dambeeya aan u kaydino, si ay taariikhda ugala baxaan inta wanaagsan diginiinna ka qaataan inteeda xun, si marlabaad qaladkaas usan ugu dhicin. Magaalada Jabuti baryihii ugu dambeeyey inta an loo guurin Xamar waxaan la kulmay haweeney Somaali ah oo wax iiga sheegtay wixii ka dhacay Gabalka Bay Iyo Bakool. Ma jecli inaan halkaan ka sheego gabadhaas hadalkeedii waayo sida ay ii waxyeellleysay dooni mayo inaan inta akhriyaysa E-Mail kaan inaan ka oohiyo.Runtaa weeye geerida iyo dilku wuxuu u badnaa Bay Iyo Bakol, ha se yeeshee lama illabi karo Xamar iyo Kismayo dhiigii badmnaa oo ku daatay iyo hantidii laga boobay.
Markale walaal Nasra ku mahadsanid xusuustaada wacan.

 
 Respond to this message   
Create your own forum at Network54
 Copyright © 1999-2008 Network54. All rights reserved.   Terms of Use   Privacy Statement