| Md. Dr. Xasan Maxamed Nur [Shaargaduud] ayaa maanta tegay magaalada BAYDHABO iyo Garoowe [Puntland]October 24 2000 at 9:13 PM | BAYDHABO PRESS | |
| Md. Dr. Xasan Maxamed Nur [Shaargaduud] ayaa maanta tegay magaalada BAYDHABO iyo Garoowe [Puntland]
BAYDHABO Oct 24, 2000 (BP)- Wafdi balaaran oo u hogaaminayey Md. Dr. Xasan Maxamed Nur[Shaargaduud] ayaa saakay subaxnimadii hore ka soo degay garoonka diyaaradaha ee magaalada BAYDHABO.
Wafdiga Dr. Xasan ayaa waxaa soo dhaweeyay dadweeynaha gobolka Bay oo isugu soo baxay iyaga oo taagna wadooyinka magaalada gaar ahaan wadada ka timaada garoonka diyaaradaha, waxaa kale oo ka mid ahaa dadkii soo dhaweeyay madaxda gobolka Bay, xildhibaanadii lagu soo magacaabay shirkii CARTA iyo madaxda hay'addaha ka shaqeeyaa gobolka BAY.
Mudadii yareyd ee u Dr. Xasan joogey magaalada BAYDHABO oo ahayd sadex saacadood waxaa uu kulumo goni goni ah la yeeshay guddiga fulinta ururka RRA, madaxda gobolada BAY, BAKOOL iyo JUBADDA DHEXE iyo qeybo ka mid ah ururada bulshada rayidka ah [civil society].
Intaa ka dib Md. Dr. Xasan Maxamed Nur [Shaargaduud] iyo wafdigiisi waxaa ay u dhoofeen magaalada Garoowe ee caasimada dowlad goboleedka Puntland, wafdiga Dr. Xasan ayaa waxaa BAYDHABO ka raacay xubno kale oo ay ka mid yihiin Md. Dr. Maxamed Cali Xaamud.
Wararka naga soo gaaraya magaalada Garoowe ayaa sheegaya in Md. Dr. Xasan iyo wafigii uu horkacayey si diiran loogu soo dhaweeyay Garoowe ayna soo dhaweyeen dadweeynaha iyo madaxda dowlad goboleedka Puntland oo ay horkacayeen madaxweeynaha dowlad goboleedka Puntland Md. Cabdulaahi Yusuf Axmed iyo golahiisa wasiirada.
(BAYDHABO PRESS)
| |
| | Responses |
|
|