--

 Return to Index  

Wax ha lisku reebto

October 25 2000 at 12:11 AM
Mahad 


Response to Mr. Ibraahim Khayre [Ibraahim Yarow] oo ka faalooday shakhsiyadda Dr. Xasan Maxmed Nur

 
Alaamu Aleykum,
Walaal Ibraahim,Markaan aqriyey titalka faaladaada waxaan filaayey inaad ka hadli doontid taariikhdii iyo halgankii dheeraa ee uu soomaray hadana uu ku gudo jiro Mudane Hasanow Med Nur, Laakiinse marakaan aqriyey faladaada guud ahaan, waji kale ayey ila yeelatey oo mar kale ayaan ku noqdey cinwaankii bal inaan si kale u fahmey markii hore iyo in kale. Sababtoo ah la iskuma agoon in la is caayo cadawgeynena uu inaga dhex faa ii deysto oo ay nagu dhiiro geliyaan inaan is af lagaadeeeno.
Taasi ulama jeedo micnaheeda inaan la jiro waxa uu faly walaalkeen Deerow, balse xumaadaa wanaagsanadaa waa jir kula dheshay. Hadey gacani boog ku noqoto ma tiraahdid wey idhibteey boog bey noqotee ha lagooyo balse waxaad isku deydaa inaad daaweyso oo marba daawo ku tijaabisid. Deerow waa boog inagu taal dhamaanteen reer D&M, waxaase ila haboon boogta intii la sii juqjuqeen lahaa oo ay ku sii fidi laheed jirka intiisa kale in aan la juqeen ee daawo loo raadsho, xitaa hadii daawo loo waayo la isku deyo iney meesheeda ku ekaaaato si aysan ugu faafin jirka intiisa kale.
Waxaan filayaa inaan ila fahansintihiin meesha aan wax u wado.
Sidas darteed ha la isku caqli celiyo hana la iswaaniyo intii caatin ama aflagaato la isku geeysan lahaa oo aan sii kala fogaan laheen.
Shacabka D&M Alla ha mideeyo kii cadowgiisa jabshana haka dhigo "Aamiin"

 
 Respond to this message   
Create your own forum at Network54
 Copyright © 1999-2008 Network54. All rights reserved.   Terms of Use   Privacy Statement