--

 Return to Index  

Xaalada qabanqaabada dhismaha Dowlad goboleedka [Koonfur galbeed Somaaliya]

October 28 2000 at 1:21 PM
BAYDHABO PRESS 

 
Xaalada qabanqaabada dhismaha Dowlad goboleedka [Koonfur galbeed Somaaliya]

BAYDHABO Oct 28, 2000 (BP)- Wararka ka soo baxaya guddiga farsamo ee u xilsaaran dhismaha dowlad goboleedka Koonfur galbeed Somaaliya ayaa sheegaya in ay hawshoodu si wanaagsan ugu socoto guddiga ayaan sheegin waqtiga lagu dhawaaqi doono dowladaas oo ay dad badan oo Somaaliyeed ka warsugayaan.

Waxaase ay noo shegeen in xaflad balaaran oo la xiriirta ku dhawaaqista dowlad goboleedkaas lagu qaban doono magaalada BAYDHABO oo ay ka soo qeybgali donaan Madaxweeynaha Puntland Md. Cabdulaahi Yusuf Axmed Madaxweeynaha dowlada Somaliland Md. Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal iyo madax kale oo ka imaan doona dalalka deriska ah gaar ahaan Itoobiya iyo Kenya waxaa kale oo laga yaaba in uu ka soo qeybgalo Madaxweeynaha dowlada Jabuuti Md. Ismaaciil Cumar Geele. Madaxweyne Cigaal ayaa hadii uu ka soo qeybgalo xafladaasy waxay noqon doonta boqashadii ugu horeysay oo Md. Cigaal uu ku tago meel ka mid ah dhulka Somaaliya tan iyo intii uu noqday Madaxweeynaha dowlada Somaliland.

Dhinaca kale kulankii ay magaalada Garoowe ku yeesheen Madaxweeynaha dowlad goboleedka Puntland Md. Cabdulaahi Yusuf Axmed Gudoomiyaha ururka RRA Md. Dr. Xasan Maxamed Nur [Shaargaduud] General Cabdulaahi Aden Nur [Gabyow] General Morgan iyo xubno kale ayaa lagu sheegay in Somaaliya xalkeedu uu ku jiro in la qaato nidaamka Federaalka dalkana loo qeybiyo afar maamul goboleed awooda dalkana loo qeybsado si wadajir ah lagana foojignaado maamul ay hal koox ama hal nin uu awooda urusado.


(BAYDHABO PRESS)



 
 Respond to this message   
Create your own forum at Network54
 Copyright © 1999-2008 Network54. All rights reserved.   Terms of Use   Privacy Statement