Talooyin iyo barnaamij waxqabad oo ay gudbiyeen taageerayaasha ururka RRA ee dalalka Mareykanka iyo Kanada
BAYDHABO Oct 28, 2000 (BP)- Qoraalkaan wuxuu ka koobnaa 45 page. Waanu soo gaabinay oo waxaan ka dhignay dhowr page. Talobixintaan waxaa soo diyaariyey tagyeerayaasha RRA ee ku nool dibadda qaar ka mid ah. Waxaana loo gudbiyeey
maamulka sare RRA, iyo masuliyiinta qaybaha bulshada ee Digil iyo Mirifle taarikhdu markay aheed July 25, 1999. Waxaana gudbiyey Wakiilka. RRA ee Waqoyiga Amerika, Md. Ibrahim Clmi Maxamed (Sokorow).
Ayadoo laga faaidaysanaya fursada cusub iyo hogaanka cusub ee Digil iyo Mirifle. Waxaa loo baahanyahay in la aruuriyo fikradaha iyo talooyinka haboon ee ay u baahantahay ummaddeena
iyo hogaankooda cusub. Tagyeerayaasha RRA meel walba ay joogan, waxaan ku boorinaynaa in ay ku soo biiriyaan fikradooda la xariirta talooyinkaan aqoontooda iyo waayaraknimadooda si ay ugu yeelato waxtar dadkooda iyo dalkooda.
Talabixintaan waxaa loo qorsheeyay in ay
noqoto mid joogta ah, oo loo baahanyahay in mar walba lagu sameeyo casriyeen (up-to-date), xaalad walba lagu jiro.
Inkastoo shaqadaan iyo kuwa la mid ah laga wado dalka gudihiisa, hadana ummadda wax garadakooda badani waxay ku nool yihiin dibadda, wana lagama marmaan taladooda. Wixii talo ah noogu soo dir Emailka wargeeyska BAYDHABO PRESS oo ah baydhabopress@hotmail.com
Ku: Mujaahid Dr. Hassan Mohamed Nur (Shaar-guduud)
Guddomiyaha RRA
Og: Guddiga Fulinta, Halgamayaasha, Odeyaasha, iyo
Dhammaan Taageerayaasha RRA: Rugtooda
Ka: Taageerayaal RRA ee ku sugan Waqooyiga Amerika
Uj: Talobixin
HORUDHAC:
Ugu horeyntii waxaan u soo gudbineynaa salaan iyo
bogaadin guddoomiyaha RRA, Guddiga fulinta,
halgamiyaasha iyo dhammaan odeyaasha iyo
taageerayaasha RRA meel kasto ay ku sugan yihiin.
Waxaana u rajeynayaa Ilaahayna uga baryeynaa in uu sii adkeeyo guusha la gaarey iyo halganka lagu jiro taasoo ah howl add u adag oo u baahan adkeysi, qorshe habeysan iyo howl joogto ah. Anaga waxaan idinla garab taagannahay halganka aad ku jirtaan, hiil iyo hooba wixii karaankeena ah.
Waxaan Ilaah ka baryeynaa inuu idinku hagaajiyo tubta toosan. Waxa aad noo farax galisay guusha aad gaarteen taasoo ah xoreynta gobolada Bay, Bakool iyo Jubadda Dhexe iyo qorshaha dheer ee aad ku damacsantihiin xoreynta inta dhiman, taasina waxay sharaf iyo wanaag u tahay dhamman ummadda ku abtirsata dhulka labada webi.
Inkastoo iminka aan ku noolnahay dalka dibaddiisa
haddana waxaan dareemeynaa inaan idinkula jirno
jiiddaa hore ee dagaldka. Arimihiina si add ah ayaan u aneyneynaa gar ahaan markii ann aragnay cajaladihii taarikhigi ahaa ee laga soo duubay goobaha howlihiina a sacdaan iyo wixii warar ah aan idinka helnay.
Waxaad ku kalsoonaataan in aan nahay dad idinka tirsan o idin garab taagan, siyaasad ahaan iyo dhaqaale haanba.
TALO SOO JEEDIN:
Waxaan jecelnahay inaan fikraddeena idinku darsaano oo
wixii talooyin aan isleenahay waxtar ayey ummadda iyo
arlaadaba u leedahay aan idiin soo jeedino guud ahaan.
Ka dibna waxaad nagala soo xiriiri kartaan xafiiska
wakiilka RRA ee Wagooyiga Ammerika. Talooyinka aan
idiin wadno ma aha waxaad moogtihiin, hase yeeshee si
aad u ogaataan in dad idinka tirsan ay idiin joogaan
mel kale, iyo inaan idinku darsano wixii fikrad ah oo
waxtar yeelankarta. Idinkana sidaasi oo kale, waxaan
idinka fileynaa inaad nala socodsiisaan howlihiina
sida ay u socodaan, si istratiijiyad ahaan wax la
isula wado gudaha iyo dibaddaba.
XAFIISYADA RRA :
Xafiisyad RRA uga furan dalalka dibadaha wa in si
buuxda looga helaa wixii warar ah ee dalka kusabsan,
oo ay noqdaan meel loo soo doonto wararka sugan, sawir
ahaan iyo qoraal ahaanba. Mana haboona in mararka
dhibaatada jirto keliya in qaylo-dhaan loo soo
dirsado. Dad badan oo ku nool dibadda waxay diyaar u
yihin inay ka qeyb qaatan dhismaha dalkoda iyo
horumarka dadkooda. Waa muhiim, fikradaha waxtar
yeelan karta in la isweydaarsado iyo wixii warar ah
ee la hayo. Ra’yiga kaa maqan wuxuu ku jiraa maskaxda
walaalkaaga. Gacmo wadajir ayeey wax ku gooyaan.
Talooyinka ugu horeeyo oo aan idiin soo gudbineyno
waxaay laxiriiraan dhinacyada:
1) Siyaasadda , 2) Dhagaalaha, iyo 3) Arimaha
Bulshada.
1.SIYAASADDA:
Siyaasodda waxaan ula jeednaa hogaaminta iyo maamulka
bulshada iyadoo la higsanaayo himilo(goal) iyo ujeeddo
muuqato oo ku dhisan danaha iyo horumarinta noloshooda
oo saameeysa dhiinac kasta sida: Waxbarashada,
Caafimaadka, Garsoorka, Dhaqaalaha, Nabadgelyada,
Difaaca, Isgaarsiinta, Guryeeynta, horumarinta
xiriirka dibadda, Dhiiriglin wax-soo-saar, abuuritaan
shaqo iyo wixii la mid ah, taasoo ummadda dhulkaasi ku
dhaqan gaarsiineysa isku filnansho dhan kasto ah.
Qofka siyaasadda ku dhex jirana waa inuu ahaadaa qof
asluub leh, Ilaahay ka cabsada, caddaladda ku socda,
amaanka adkeeya, cahdiga fuliya, ummadda maqla,
eeddana qaada. Qof xilqaaday eed qaad.
Hase yeeshee, siyaasadda ma ahaa sida dad badan ay
aaminsanyihiin oo ayna kula dhaqmaan umaddooda oo ah in
dadka la khiyaameeyo, been loo sheego, la isku diro,
la kala goo-gooyo, la siyaasadeyo si dadka loo qaldo,
brobagaan iyo been la sheego, waxa laga ballanqaado, dhaqaalahooda la
boobo si loo gaaro dan gaar ahaaneed oo ku saleeysan
qof ama koox ama qabiil taaso lagu baabi’inaayo danta
dadweynaha iyo horumarka noloshooda. Taasina waxay
ahayd midda ummadda soomaliyeed danteeda ku weysay
dalkana ku burburay, gaar ahaan ummadda Digil/Mirifle
ku soo gaartay dhibaatada uga wayn.
HOGGAANKA UMMADDA:
Si loo dhaqangeliyo siyaasad hufan oo lagu
horumarinayo nolosha ummada, waxaa loo baahanyahay
hoggaan adag oo ku dheggan waddada toosan si looga
baxo xaaladda adag ee dalka marayo iyadoo wax kastaba
ay burbureen dhankasta, nolosha iyo adeegga
bulshadaba. Qofka hogganka haya waa inuu ahaado qof
leh aqoon hoggaamin, qorshe howleed joogta ah, mid
dhow iyo mid fogba, dulqaad, xaqdhowr, wada tashi,
go’aan, kalsooni, ballan, ixtiraam, amaano, iyo
adkeysi.
Waxaa lagu jiraa xaalad adag oo wax kasta ay baabe’en
oo la xiriira nolosha bulshada sida ismaqalka iyo kala
dambeynta oo ku dhisnaa dhaqanka soo jireenka, iskaba
dhaaf warkiisa maba jiro wax la yiraahdo maamul,
xaqdhowr iyo garsoorba. Burburkaasi wuxuu ummadda u
keenay ismaqal la’aan, asluub iyo ixtiraan daro iyo
iyadoo gof waliba adeegsado qoriga caaraddisa si uu u
gaaro dantiisa gaarka ah asagoon waxba ka gelin qofkii
la dilo iyo wixii la bur-buriyaba.
Haddaba si dib loogu dhiso bulshadaasi burburtay
looguna soo celiyo nolol caadi ah waxay u baahantahay
hawl adag, hoggaan toosan iyo dhaqaale koraaya.
Hoggaaminta ummadda ee xilligan adag waxay la mid
tahay qof dhimbil dab ah gacanta loo saaray. Hoggaanka
noocan ah waxaa u adkeysankara, oona ka bixikara oo
keliya qofkii u soo halgamey guusha manta la gaarey,
dhiiggiisana u soo daatay, dhibaata kastana u soo
maray, garanaayana qiimaha gobanimada ku fadhido.
Qofka noocaasi ah waa qof waxkasta aan siisaneynin
danta dalkiisa iyo horumarinta ummaddisa.
Sidaasi daraadeed waxaan ku talineynaa in
halgamayaasha RRA ee guusha dhaliyey ay sii xoojiyaan
hogaaminta umaddooda iyo dhismaha dalkooda ilaa iyo
inta xaaladda guud ee bulshada ay ku soo noqoneyso mid
caadi ah, iyo inta laga gaarayo himilada iyo
ujeeddooyinka ummadda ay higsaneyso.
Hoggaanka RRA waxaan ku boorineynaa in marxaladdan
cusub ay ka soo hooyaan guul la taabankaro iyagoo
kaashamaaya ummaddooda inteeda waxgaradka ah oo
taageersan halgankooda iyo guusha ay keeneen. Waa inay
ka feejignaadaan iskana ilaaliyaan dabandaabada
cadowga gudaha iyo dibaddaba iyadoo ay markastaba
dhacdo in cadowga uu adeegsado dad aadan ka fileynin
in ay dhibaato kuu keenayaan. Taasina waxaa looga
hortagi karaa in qofkii dhibaato wada isha lagu qabto,
lagana hortago iyadoo laga qaadayo tallabo adag
intuusan waxba halleeynin. Biyaha inta ay kaa foog
yihiin ayaa la iska moosaa.
Dadka xumaanta wada waa in sharciga lala tiigsadaa oo
abaalkooda lamariyaa. Ummadda inta wax tarka ah oo
taageersan halganka iyo guusha la gaarey iyo inta ka
soo horjeedda oo khiyaano wadda waa in la kala saaraa
oo lakala shaq-shaqaa. Waa inaan la isku qasin qof
kula shaqeynaya oo wanaag doonaya iyo qof kaa soo
horjeeda oo xumaan wada. Qofkasta waa in la siiyo
mudnaanta uu leeyah iyadoo loo eegeynin qofkaasaa ii
dhaw iyo qofkaanaa ila dhashtay.
Waa inuu jiraa is xaqdhoowr ka dhaxeeya dadka haya
xilalka maamulka kala duwaan ee hoggaanka ummadda iyo
madax-dhaqameedka bulshada sida malaaqyada,
suldaanada, odayaasha, haweenka, dhallinyarada,
culimada, aqoonyahanada iyo wixiin la mid ah. Waxaa
loo baahanyahay in qof kasta waxay howshiisa tahay
ogaado ayna dhicin xadgudub iyo in qof bulshada dhaqan
ahaan ixtiraam ku leh loo adeegsado burbuinta iyo
dabandaabada ummaddiisa asagoo noqda qof hunguri
qaaday, taasoo dhici karta in cadawga ku soo gabado
dad noocaasi ah.
DOWLAD-GOBOLEEDKA IYO ASTAANTA CALANKA:
Waxaan ku talineynaa in si dhaqso ah loo qabanqaabiyo
sidii loo sameyn lahaa dowlad goboleed waqtiga ku
habbon oo la isla garto, sidaa idinkaba horey u
tilmaanteen, loona bixiyo magac habboon oo saldhig u
ah dhaqanka iyo nolosha ummadda. Mabda’a Diinda
Islaamkana lagu dhiso. tasoo ah midda keliya oo looga
gudbi karo waqtigan adag laguna dhaqi karo ummaddeena
muslimiinta ah, Ilaahayna raalli ka yahay. Waa in si
fiican looga fekeraa magaca loo biximayo dowlad
goboleedka oo aan lagu deg-degin isla markaasna la
sameeyo astaanta calanka matilaaya dowlad gobaleedka.
Abaabulka magaca dowladda iyo astaanta calankaba waxaa
haboon in taladeeda laga qeyb geliyo taageerayaasha ku
nool dalka gudhiisa iyo dibaddiisaba. Soomaalida waxay
u kala baxdaa MAY iyo MAXAATIRI, annagu haddii aanu
nahay bulshaweynta MAY waa in tixgelin la siiyaa
magacyada soojireenka ah oo ka tarjumaaya taariikhda
ummadda. Magacyada hadda maskaxda ku haayno waxaa ka
mid ah:
1) Dhulka Webiyada (Rivers Land)
2) Dhulka Jubba iyo Shabeelle (Jubba-Shabelle Land)
Waa in la xoojiyo la xiriirka dowladaha caalamiga gaar
ahaan kuwa jiiranka ah iyo kuwa maslaxaddeena isku
xiran tahay, xiriir joogto ahna lala yeesho si loo
kobciyo dhaqaalaha dalka iyo dhismihiisaba taaso ku
dhisan wax-wadaqabsi, iskaashi, is-ixtiraan iyo
istixgelin.
WACYI-GELINTA DADWEYNAHA:
Wacyi-gelinta ummadda iyo hirgelinta siyasadda waa
arimaha ugu waaweyn ee ugu horeeya oo la doonayo in
lagu tallaabsado sidii dadweynaha loo fahamsiin lahaa
habka ugu wanaagsan ee looga bixi laha dhibaatada
dalka ku habsatey waqtiga lagu jiro. Ummadda waxay
isugu baaba’dey is-faham la’aan iyo is-maqal la’aan.
Haddii aan ummadda lala xiriirin oo la fahamsiinin
siyasadda dowladda iyo sida la doonayo in ay gacmaha
isu qabsadaan oo ay meel ugu soo jeestaan
maslaxadooda, aad ayey u adkaaneysaa in la helo
nabadgelyo buuxda, wada shaqeyn, is-maqal iyo is-kashi
buuxa oo wax ku ool ah. Dadka markii ay fahmaan
siyaasadda dowladda ayaa la heli karaa taageero
buuxda. Haddii kale waxaaba dhici karta, sida maanta
jirta in warxumo-tashiilka iyo afmiinshaarka ay si
qaldan ummadda wax u tusaan, taasina ay keentay
dhibaatooyinka maanta ay ku jiraan ummaddayna. .
Si wacyi-gelinta ummadda loo hirgeliyo waxaa loo
baahanyahay in la xoojiyo isgaarsiinta, qoraallada,
shirarka, kulamada bulshada qeybeheeda kala duwan, iyo
in si gaar ahaaneed la isaga xilsaaro sidii loo heli
lahaa Raadiyo dadweyne oo ku hadla afka ummadaas iska
leh oo la duugay(Af may may), si ummadda loo
wacyi-geliyo loona baahitiro siyasadda dowladda iyo
sidii ummadda loo kicin lahaa looguna baraarujin lahaa
dhismaha dalka iyo horumarinta ummadda. Haddii la helo
Radiyo Dadweyne waxaa laga kaaftoomayaa in dadku ay
mar kasta is weydiiyaan maxaa la sheegay iyo maxaa
dhacay. Halkaasina waxaa ku dhamaanaya oo looga
hortagayaa brobagaanka cadawga iyo fitnada
warxumo-tashiilka, muda badan dhagahooda lagu
buuxinaayay, taas oo gaarsiisay ummaddayna badankeeda
in ay aaminaan oo ay ka tagaan waxay lahaayeen..
Waa in la joogteeyo howlaha warbaahiita, shirarka iyo
kulamada bulshada, qoraallada, sawirada iyo filimada
muuqaalka si ummada loo tuso waxa dhacaya iyo waxa la
doonayo in la qabto. Hadii bahitirkaasi la waayo,
ummadda waxay maqleysaa waxyaabo kale oo kutiri-kuteen
ah, waxayna mashquul ku noqonayaan arimo kale oo dan u
aheyn oo dhibaato keeni karo. Sidaasi oo kale waa in
la joogteeyo shirarka jaraa’idka, qoraallada iyo
fidiyowga dibadaha loo soo diro si dadka dibadaha ku
nool ay u helaan warar sugan oo runta ku dhisan. Waa
in lala socdaa, si joogto ahna looga feejignaadaa
waxyaabaha beenta ah ee cadowga faafinaayo iyo been
abuurka ay sameynayaan. Waa in mar kasta lala socdaa
waxyaabaha laga sheego idaacadaha afka dheer sida
BBCda oo uu ku adeegto cadowga iyo jaraa’idka dalka iyo
dibaddiisaba. Waa in si dhaqso ah jawaab munaasib ah
looga bixiyaa wararka iyo qoraallada qaldan ee cadowga
faafinaayo.
2. DHAQAALAHA:
Dhaqaalaha waa saldhigga iyo furaha fulinta siyaasadda
iyo qorshaha dalka. Xaalad kasta oo la fulinaayo waxay
u baahantahay aqoon farsamo iyo awood dhaqaale si ay u
meel marto. Haddii kale wax kasta oo la qorsheeyo
haddii aan dhaqaale loo haynin waxay noqonayaan wax
aan soconeynin oo af laga yiri oo aan meel gaareynin
(af waakoo may liki aame). Sidaasi darteed kobcinta
dhaqaalaha waa arinta ugu muhiimsan ee saldhigga u ah
horumarka dadka, dhismaha dalka, iyo fulinta qorshaha
siyaasadeedba. Waa in si wayn lo dhiira geliyaa ka
qayb qaadashada horumarka dhaqaalaha, dadwaynaha ku
nool dibadda iyo gudaha dalka si qayb libaax ugu
qataan kobcinta dhaqaalaha, si wax ugu qabtaan
naftooda iyo tan ummaddoda.
KHEYRAADKA DALKA:
Inkastoo dhaqaalihii dalka uu burburay oo wax kasta
laga soo bilaabayo meel eber ah, ummadda degan labada
webina wax walbo waa laga dhacay oo mudo badan boob
lagu haayey, dil iyo kufsi, xoolahooda si bareer ah
loo xalaalaystay, dhiigoodana lagu sameeyey xoolo fara
badan, dhulkii nacfiga lahaana la qabsaday. Haddana,
waxaa nasiib wanaag ah in dhulka labada webi uu
leeyahay kheyraat dabiici ah oo laga faa’ideysankaro.
Hase yeeshee wuxuu u baahanyahay in la helo niyad adag
iyo siyaasad habeysan oo ku qorsheysan horumarka
dhaqaalaha iyadoo la adeegsanaayo aqoon, farsamo,
xisaabtan iyo maamul adag oo ku saleysan daacadnimo
iyo dhiirigelin iyadoo muwaadhin kasta la doonayo inuu
ka qeybqaato kobcinta dhaqaalaha iyo fulinta qorshe
howleedka, ka dibna si siman looga wada faa’ideysto
miraha uu dhaley.
Qeybaha ugu waaweyn ee ilaha dhaqaalaha waxaa ka mid
ah: Beeraha, Xoolaha, Kheyraadka Badda, Ganacsiga,
Xirfadaha farsamo, Isgaarsiinta, adeegyada kala duwan,
iwm. Tusaale ahaan, horumarinta Beeraha haddii aan wax
ka taabano, waxaa loo baahanyahay in la isu keeno
kheyraadka Eebbe nagu manneystay iyo aqoonta cilmiga
ku dhisan. Kheyradka waxaa ka mid ah: dhulbeereedka,
biyaha, cimilada, iyo maal gelin. . Waxaa loo
baahanyahay in la diyaariyo oo la xulo abuurka,
qalabka beeraha, sunta cayayaanka, nafaqada ciidda,
iyo aqoon farsamo. Intaasi oo la isugu keenay qorshe
habeysan iyo maamul mideysan oo aqoon iyo daacadnimo
ku dhisan waxay dhalineysaa horumarinta beeraha iyo
baahitirka ummadda, sidaasna lagu heli karo isku
filnaansho buuxda iyo kobcinta dhaqaalaha dalka.
Gaajada ummadayna lagu sheegaayo waxaa kalifay hogaan
aysan ayagu laheen, kaas oo mar walba dhac ku hayey wixii ay
haystaan.
Waa in waqtiga laga faa’ideystaa, gacmaha la is
qabsadaa, qaladaadkii horena la saxaa.
HORUMARINTA BEERAHA:
Tacabka beeraha ilaa iyo hadda waxaa saldhig u ahaa
beeraleyda yaryar oo waxsoo saarkooda ku ekaa baahida
nolol-maalmeedkooda. Wixii baahidooda ka soo hara ama
wixii kale ay doonayaan inay wax kale ku bedeshan oo
keliya ayey suuqa keenaan. Taasina waxay keentey in
dadka kale ay quudkooda ka sugaan dalka dibaddiisa,
taasina ma aha wax dalka ku dhismi karo oo ummadda ku
baahi beeli karto. Nasiib daro waxay tahay,
beeralleyda yaryar marna ma helin fursad ay ku
horumarin kareen tacabkooda. Marna ma sameynin horumar
la taaban karo oo tacabkooda iyo wax soo saarkooda
kordhinaaya.
Ma jirin siyaasad iyo qorshe ku wajahan baahi tirka
beeraleyda iyo horumarkooda, mana helin taakuleyn
dhaqaale iyo tababar farsamo oo baahidooda ku dhisan.
Taasina waxay keentay in aan waxba iska beddelin wax
soo saarkooda iyo habka qadiimiga ah oo ay beeraha u
tabcadaan. Waxay ku jireen cadaadis dhaqaale iyo
siyaasad, dhuunqabad iyo dib-udhac. Mar been loo
sheego iyo mar dalaggooda suuqa lagu baariyo oo la
faliso ayey ahayd. Waqtiga ay beeraha soo go’ayaan
ayaa dowladda waxay suuqa ku soo shubi jirtey raashin
mucaawino ahaan ku yimid oo sicir jaban lagu gadaayo.
Beeralleydana sicirkaasi jaban lama tartami karto oo
qasaaro ayuu ku yahay. Qofna markasta kuma jiri karo
qasaare joogto ah iyo tacab aan isbixineynin. Taasi
waxay keentay in tacabkii beeraha uu yaraado, ama in
la tabco waxyaabo kale oo faakiheysi iska ah oo aan
ummadda baahi tireynin sida qaraha yaanyada iyo wixii
lamid ah.
Si arimahaasi wax isaga beddelaan, waxaa loo
baahanyahay in la jeexo waddo cusub oo ku wajahan
daryeelka beeraleyda iyo baahitirka ummadda, iyo sidii
loo horumarin lahaa wax soo saarkooda tiro ahaan iyo
tayo ahanba, iyo sidii loo hagaajin lahaa noloshooda
loona kordhin lahaa dhaqaalahooda. Taasina waxay
waddada u fureysaa in ay beeraleyda kordhiyaan
waxsoosaarkooda, waxna ka beddelaan siyaasaddooda ku
saleysan helidda quud maalmeedkooda oo keliya.
Waa in la darsaa lana helaa hab beeraleyda ay
waxsoosaarkooda ku kordhin karaan, dalagyadoodana ay
suuq ugu heli karaan, ummaddana ay ku baahitiri karaan
iyadoo markasta la tixgelinaayo talada beeraleyda. Waa
in la dhaliyaa tartan waxsoosaar iyadoo xoogga la
saarayo ****ada daruuriga ah ee suuqa looga
baahanyahay. Taasi waxay dhiiri gelineysaa dad badan
oo maalqabeen ah in ay maalgelin ku sameeyaan wax soo
saarka iyo horumarinta miraha beeraha. Qofna ma
gelinaayo lacagtiisa meel uu ku qasaarayo. Laakin
meeshii faa’ido ka soo baxeysa qof kasta waa ku
dhiiranayaa.
Si qeybaha beeraha ay u noqdaan kuwo la jeclaado oo
lagu soo hirto waxaa loo baahantahay in la helo
siyaasad cad oo dhiirigelineysa waxsoo saarka beeraha,
beeralleyda iyo maalqabeenkaba. Haddii intaasi
hirgasho waxaa kordhaya waxsoosaarka, waxaana
daboolmeysa baahida gudaha, kadibna waxaa
billaabaneysa keydinta miraha, warshadeynta, iyo
tartanka dhoofinta miraha beraha ee suuqyada dibadda.
Haddii qofka beeraleyda waxsoosaarkiisa kordho waxaa
kordhaya dhaqaalihiisa waxaana isbeddeleysa
noloshiisa. Qofkastana wuxuu doonayaa inuu ku noolaado
nolol fiican.
Hadda waxaan ka soo hadalney horumarinta beeraha oo
keliya. Qeybaha kale ee la midka ah, sida: horumarinta
xoolaha, ganacsiga, kalluumeysiga, warshadeynta IWM,
waxaa looga tusaale qaadankaraa tallaabooyinka aan kor
ku soo sheegney ee lagu horumarinaayo beeraha. Haddii
qeyb kasta oo ka mid ah qeybaha bulshada ka koobanto
ay gaarto horumar iyo isku filnaansho, middaas oo ah,
midda aan dooneyno in ummadda lagu barwaaqeeyo,
dalkuna horumar ku gaaro!
KA FAA’IDEYSIGA BIYAHA:
Kheyraadka Ilaahay noogu gargaarey waxaa kaloo ka mid
ah biyaha. Nolosha waa biyo. Biyo la’aan waa nolol
la’aan. Waxaa loo baahanyahay in la uruuriyo oo la
keydiyo biyaha meel kasta ay ka yimaadaanba. Waxaa
kamid ah kuwa roobka, webiyada, boholaha, ilaha
dur-durka, iyo wixii la mid ah. Waa in la farsameeyaa
biyaha iska soconaaya oo bannaanka ku daadanaaya
ayagoon laga faa’ideysanin. Boholaha biyohoodii aawey?
Webiga biyihiisa badda ku shubaaya in loo taliyo soo
ma’aha? Waxaa kaloo intaasi weheliya, biyaha dhulka
hoostiisa jiifa oo sidii la doono loo isticmaali karo.
In la farsameeyo keliya ayaa loo baahanyahay.
Haddii intaasoo biyo ah loo taliyo waxaa loo
isticmaali karaa wax kasta oo nolosha la xiriira oo ay
ka mid yihiin: dadka, xoolaha, beeraha, warshadaha,
ugaarta, shimbiraha iyo dugaaggaba. Dadka reer
guuraaga iyo xoolo-dhaqatadaba wey degayaan. Beeraha
waraabka ayaa badanaaya. Geedmiroodka iyo khudarta
ayaa kordheysa. Barwaaqada ayaa badaneysa, colaaddana
wey yaraaneysaa. Haddaba waa in qorshaha lagu daraa
sidii loogu talin lahaa kheyraadka biyaha oo iska
dur-duraaya oo meel cidlo ah ku baaba’aaya asagoon
laga faa’ideysanin.
IN LA ISKU TASHADO:
Waxaa muhiim ah in dadka ay isku tashadaan oo ay
gaaraan madaxbannaani dhaqaale oo aan la isku
halleynin ummad kale oo shisheeye ah. Ilaa iyo manta
waxaa ummaddeena maskaxdeeda ku jirta in ay isku
halleeyaan oo ay wax ka sugaan dawladda iyo kaalmo
dibadeed. Gacan hoorsi meel laguma gaaro. Isku halleyn
gacan kale waxaa ku lumeysa danta ummadda,
kalsoonideeda, awoddeeda, dadnimadeeda, sharafteeda,
aqoonteeda iyo kartideeda.
Dib-udhaca ummadda waxay guul u tahay Hay’adaha
mucaawinada keena oo shaqo ka dhigta in ay wax u
raadiyaan dadka baahan, ka dibna halkaasi ay ka
faa’ideystaan oo ay wax ka shaqshaqdaan. Waxaa dhici
karta in dadka baahan wixii loo soo helay aan la wada
gaarsiinin oo wax laga dhexbixiyo. Inkastoo Hay’adaha
mucaawinada keena ay isku dayaan inay samata-bixiyaan
oo gargaar banii’aadanimo u fidiyaan dadka
tabaaleysan, haddana taasi ma aha mid meel gaareysa oo
la isku halleynkaro oo ummad lagu baahi tiri karo. Waa
mid meel ku ek oo aan soconeynin. Waa mid kaa hor
istaageysa inaad fadhiga ka kacdid oo wax qabsatid.
Qof gacan-hoorsi bartay shaqo ma rabo. Hay’adaha
gargaarka keena ma rabaan, raallina kama aha in ay
shaqadooda waayaan. Xaggee laga soo galayaa ummad isku
filnaatay oo isbaahi tirtay. Haddii ummadda ay isku
filnaato, halkaasi waxaa ku lumaya danaha Hay’adaha
gargaarka keena. Sidaasi darteed waa in markasta laga
feejignaadaa talooyinka qaarkood ee Hay’adahaasi
bixinayaan.
Dadka Hay’adahaasi la shaqeeya waxaa ka mid ah kuwo
dalka u dhashay oo dhuunaqaatayaal ah oo wax aan
ummadda dan u ahayn gacan ka siiya isla markaasna si
qalloocan hawsha ugu fuliya Hay’adahaasi. Kuwaasi
dhuunaqaatayaalka ah danahooda mooyee waxba kama gelin
danta dadweynaha. Kuwaasi oo aan wadaninimo ku jirin
waxay daneynayaan oo keliya waxa jeebkooda soo galaya.
Waxaaba dhici karta in howl aan lawada fulinin la
yiraahdo waa la fuliyey, ama wixii yaraa ee la
fuliyeyna ay yihiin wax aan raad lahayn oo ummadda aan
ka wada faa’ideysanin. Waxba ma oga dadka magacooda
lagu adeeganaayo, mana aaminsana wax qabadka
Hay’adahaasi. Ummadda maba isu heysato waxyaabaha
Hay’adahaasi qabtaan in ay ayaga iska leeyihiin.
Cidina ma xanaaneyso, cidina kama faa’ideysato, haddii
la burburiyana cidina kama xanuunsato. Hase yeeshee
shaki kuma jiro qofkasta wixii usoo halgamey oo usoo
dhididay inuu xanaaneynayo, kana faa’ideysanayo, oo
aan fiirsaneynin haddii cid kale ay isku daydo inay
burburiso.
Haddaba, si looga kaaftoomo baahida loo qabo Hay’adaha
mucaawinada keena waa in la isku tashadaa oo
qofkastana ku tala galaa sidii gacantiisa uga baahi
bixi lahaa. Biyo sacabadaada ayaa looga dhergaa,
baryana laguma baahi beelo. Arintan isku filnaanshaha
waxaa lagu gaari karaa marka hore in la baaro oo la
helo waxa dhibaatada keenaya, ka dibna loo jeesto
sidii wax looga qabanlahaa, waxayna ku xirantahay in
lala yimaado rabitaan, dadaal iyo dhiirigelin, iyo in
marka horeba ay jirto siyaasad cad iyo ku talagal
dhaqaale oo ku wajahan danaha dalka iyo dadweynahaba.
MADAXBANAANI ILAHA DHAQAALE:
Waxyaabaha dib-udhaca keenay oo dhaqaalaha burburiyey
waxaa ka mid ah Maamul Xumo, daacad la’aan iyo sharci
daro. Si maamul xumada looga fogaado waxaa loo
baahanyahay in Ilaha dhaqaalaha laga dhigo kuwo madax
bannaan (private), dawladdana ay ku ekaato qeybaha
adeegyada bulshada saldhigga u ah sida: nabadgelyada,
waxbarashada, caafimaadka, difaaca iyo wixii la mid ah
oo lagu ilaalinayo danaha dadweynaha. Dowladda waxay
ku xisaabtameysaa dakhliga ka soo galaya canshuurta
laga qaadayo Hay’adaha madaxbannaan madaama ay
hogaanka u hayso siyaasadda guud iyo sharciga lagu
soconaayo.
Hay’adaha madaxbannaan markasta waxay ku dadaalayaan
inay dhaliyaan horumar dhaqaale, waxayna isku dheelli
tirayaan baahida shaqo iyo shaqaale. Waxay ku
tartamayaan sidii markasta ay u wanaajin lahaayeen
maamulka iyo adeegga ay ummadda u hayaan. Middii
maamulkeeda hagaajisana hormar ayey gaareysaa, midda
hakatana iyadaaba iskeeda u baaba’eysa. Dawladdu
ma’aha maamul kasta in ayada gacanta ku hayso, hase
yeeshee waa inay dejisaa siyaasadda lagu shaqeynayo
isla markaasna ay la socotaa sida wax loo maamulayo
iyo habka ay howshu u socoto.
Dowladdu waa inay dabagal joogto ah ku sameysaa Hay’ad
kastoo madaxbannaan si loo hubiyo iney ku socoto
sharciga loo dejiyey iyo iney soo xareeyneyso
canshuurta laga doonayo. Awoodda ummadda waa awoodda
dawladda. Dhaqaalaha ummadda oo kor u kacana waa
dhaqaalaha dawladda oo kor u kacay. Waxa la doonayo oo
keliya waxay tahay in ummadda si wanaagsan loogu
adeego loona raalli geliyo, dalkana loo dhiso.
BAAHITIRKA :
Baahitirka ummadda waa horumarinta dalka. Meel ay
baahi ka jirto nabad kama jirto. Si nabadda loo
xoojiyo waa in laga hortago waxna laga qabto baahida
ummadda. Waa in shaqo la abuuraa. Wax dalka lagu
sameyn karana ma aha in dibadda laga keeno. Qof kasta
oo shaqo haya waa in noloshiisana is-bixinkartaa,
markaasi ayaa lala xisaabtami kara. Hase yeeshee qof
asagaba baahan oo aan isbixin karin muxuu u qaban
karaa qof kale oo baahan? Haddii baahida dadka ay
badato ismaqal ma jirayo. Haddii ismaqal la waayana
kala dambeyn ma jirto. Haddii kala dambeyn iyo ismaqal
la waayana waxaa baaba’eysa kalsoonidii, hawl fulintii
iyo wax qabadkii, halkaasina waxaa ku lumeysa dantii
dadweynaha iyo wax wada qabsigii, ka dibna cadawtinimo
iyo is-qabqabsi ayaa imaneysa. Waxaana dhaceysa in
dadka la iska horkeeno oo si sahlan la isugu diro
baahi awgeed. Horumarkii dalka iyo dawladnimadiina
cimri-gaabad ayaa ku dhacaya.
Sidaasi darteed qof kasta wuxuu mudanyahay qiimeyn iyo
tixgelin, qofka shaqeynaya iyo qofka loo shaqeynayaba.
Qof kasta oo bulshada ka tirsan waxna waa qaban karaa,
waxna waa qaribi karaa. Intuusan qofka waxba qaribin
waa in laga hortagaa oo dhibaatadiisa la xalliyaa.
Ummad iskaashata oo ismaqasha ayaa dal dhisan karta
dawladna noqon karta. Haddaba, baahitirka waa
saldhigga iyo kor u qaadidda nolosha ummadda iyo
dhismaha dalkaba. Taasina waxay ku imaan kartaa in qof
kasta loo tababaro sidii wax u qabsan lahaa, shaqana
la abuuro, nabaddana la adkeeyo.
FEEJIGNAAN :
Waa in laga feejig-naado Baabi’inta dhaqaalaha.
Waxaana ka mid ah: xatooyada, maamul xumida, shaqo
la’aanta, wax dhaqaaleyn la’aanta, ka ganacsiga
waxyaabaha xunxun iyo mukhaadaraadka, sida QAADKA,
IWM. Dagaalka xureynta dalka waxaa ku xiga la
dagaalanka nafsadda oo laga reebo waxyaabaha xun-xun,
lana faro waxyaabaha fiican oo Eebe raalli ka yahay oo
dan u ah dadka iyo dalkaba. Taasina waxay u
baahantahay dagaal dheer oo joogto ah oo lamid ah ama
ka kululba midka maanta lagu jiro oo qoriga loo sido.
Haddaba, QAADKA waa qaadaha dhaqaalaha iyo qaribaha
qofka. Labadaasi midna dan uma aha dalkeenna iyo
dadkeenaba. Lacagta qaadka lagu bixinayo waa lacag
adag oo dalka ka maqan oo aan qofna baahi tireynin.
Waxayna la mid tahay lacag la gubay ama weyba ka sii
darantahay, maxaa yeeley lacagta qaadka lagu soo gaday
keligeeda ma gubaneyso ee qofka qaadka cunayana wa la
gubanayaa.
Qaadka waa midka koowaad ee dhaqaalaha baabi’iya. Meel
islama geli karaan Horumarin Dhaqaale iyo Baabi’in
Dhaqaale. Qofka qaadka cuna waa qof noloshiisa
babi’iyey: dhaqaale ahaan, caafimaad ahaan, qof ahaan
iyo bulsho ahaanba. Qofkaasi waqti maalmeedkiisa wuxuu
ku dhameystaa: mar uu raadinayo Qaadka, mar uu u
fadhiyo ee cunayo Qaadka, iyo mar uu jiifo oo haysa
sunta qaadka. Intaasi waxaa u sii dheer asagoon ka
xishooneynin wixii xun, sida: xatooyada, laaluushka,
wax isdaba-marinta, tuuksashada, xanta, isku dirka,
faraxumeynta haweenka, burburinta qoyska, iyo asagoon
marna noqon karin qof wax lagu aamini karo.
Sidaasi darteed waa in ummadda lagu baraarujiyaa
dhibaatada Qaadka, isla markaasna dagaal adag oo
joogto ah lagu qaadaa ka ganacsiga Qaadka iyo
cunistiisaba. Waa in Qaadka loo aqoonsadaa inuu yahay
Droogo, qofkii lagu helana uu yahay dembiile. Danta
guud ayaa ka horeeysa danta gaar ahaaneed. Wax dalka
iyo dadkaba dhibaato ku ah ma aha in qofna loo
oggolaado. Wadamo badan ayaa Qaadka u aqoonsan inuu
yahay Droogo, sida dalka Kanada. Waddamo kalena hadda
ayey halgan ugu jiraan sidii loo joojin lahaa oo loo
dabargoyn lahaa Qaadka, sida dalka Yemen, oo xataa
musharaxiinta u tartamaya kursiga Madaxweynaha uu mid
kastaba ummaddiisa u ballanqaadayo inuu joojin doono
oo dabargoyn doono Qaadka si uu dhaqaalaha dalka kor
ugu soo qaado. Sidaasi darteed waxaa habboon in iminka
oo mamul cusub oo wadani ah la helay in laga hortago
Qadka si loo badbaadiyo dhaqaalaha dalka iyo
dhallinyarada ummaddaba.
3. ARIMAHA BULSHADA:
Bulshada ama ummadda waa midda uu dalku ku
dhisanyahay. Ummad la’aan waa dal la’aan. Dal kasta
wuxuu ku hormaraa ama ku dib-dhacaa hadba sida ay
ummaddisu u dhaqanto. Dalalka horey u marey waxay ku
horumareen waa dadaalka ummaddooda, iyo iyadoo
qofkastaba u tartamo inuu qabto inta ugu badan ee
awooddiisa garsiiso, iyo inuu la dagaalamo wax kasta
oo dalkiisa burburinaya. Dalaka seddaxaadna ee
dib-udhacay waxaa ka maqan wadashaqeyn iyo ismaqal,
taasina waxaa ugu wacan aqoondarida haysata. Aqoonta
waa asaaska nolosha. Qofka wax bartay ayaa kala garan
kara waxa xun iyo waxa san. Aqoon dari waa indho
la’aan. Aqoon la’aan waa iftiin la’aan.
Waa in lagu dadaalaa daryeelka bulshada xagga
Waxbarashada, Caafimaadka, Diinta iyo wacyiga
dadweynaha. Waa in dib loo soo nooleeyaa Hiddaha iyo
dhaqankii soo jireenka ahaa, ciyaaraha iyo isboortiga. Waa
in dhidibbada loo aasaa nabadda iyo nabadgelyada. Waa
in la abuuraa shaqo lana badiyaa meelaha dadka lagu
tababbaro, farsamadoodana kor loogu soo qaado. Waa in
la dhaqangeliyaa caddaaladda laguna dadaalaa sidii qof
kasta loo qaboojin lahaa oo xaqiisa loo siin lahaa.
Waxay nala tahay in waxbarashada dalka asaas looga
dhigo luqadaha Ingriisiga, Carabiga, Af-may-mayga iyo
maxaatiriga. Horumarinta bulshada waa meesha ay biyaha
isugu soo shubanayaan. Siyaasadda waa dariiqii,
Dhaqaalaha waa furihii, Bulshadana waa goolkii iyo
ujeeddadii (target).
Mashaakilka iyo dhibaatooyinka jira waa in mid-mid loo
kala qaadaa, oo sidey u kala daranyihiin loo
kala-hormariyaa. Marba mid la xalliyaa oo la isla
meeldhigaa, kadibna midda kale loo gudbaa. Qeyb kasta
oo bulshada ka tirsan waa in talada laga qeybgeliyaa.
Qof kasta waa muhiim waana in la tixgeliyaa: rag iyo
dumar, caruur iyo waayeel, faqiir iyo tanaad, mid
jiran iyo mid fiyow, lixaadqabaha iyo curyaanka,
aqoonyahanka iyo jaahilka, culimada iyo caamada
kaleba, iyo inta soo hartey oo idil, qof kasta qiimo
ayuu dalka ugu fadhiyaa. Qof kastana wuxuu leeyahay
xuquuq, waxana saaran waajibaad. Siyaasad kastoo la
dejinaayo iyo dhaqaale kastoo la qorsheynayaba waa in
saldhig looga dhigaa sidii qof kasta lo tixgelin lahaa
oo baahidiisa lo dabooli lahaa. Marna yey noqonin yaa
afdheer ama yaa awood badan ee wax u qabanaa, ee
markasta ha ahaato xaggee liidata oo waxqabad u baahan
ee kor u soo qaadnaa. Walaalkaada u jeclow wixii aad
naftaada u jeceshahay.
IS-GARGAAR:
Ilaahay wuxuu nafarey inaan isu naxariisano oo is
gargaarno. Maanta dad badan oo dalka ku nool ayaa u
baahan in loo gargaaro oo gacan laga siiyo dhibaatada
ay ku jiraan oo ah mid Eebbe keenay. Dalka waxaa
heysta abaar, colaad iyo indho-xumo. Dhibatada dalka
ku dhacdey mid horey loo soo arkey ma aha. Boob iyo
dhac, dil iyo dhaawac, abaar iyo gaajo, darxumo iyo
daryeel la’aan, , kufsi iyo faraxumeyn, degaan xumo
iyo dan-daro, biyo la’aan, gaadiid la’aan, daawo
la’aan iyo wax intaasi kasii daran oo la soo koobi
karin. Waxaa kaloo jira dad badan oo dagaalladii dalka
lagu xureynayey ku shahiideen. Caruurtooda,
naagahooda, waalidkooda iyo dadkii ay gacanta ku
hayeenba halkaasi ku agoontoobay. Waxaa kaloo jira dad
badan oo dagaalladaasi ku naafoowey oo ku curyaamey oo
waxba qabsan karin. Dhibaatooyinkaasi iyo kuwo ka sii
badanba ayaa dalka ka jira.
Haddaba waxaa loo baahanyahay in la isu gargaaro oo
wax la istaro, oo qof kasta wixii awooddiisa tahay
gargaar ahaan u bixiyo. Inta dalka gudihiisa ku nool
iyo inta dalka dibaddisa ku noolba waa inaan loo kala
harin. Haddii maanta la isu gargaari waayo goormaa la
isu gargaarayaa? Inta agoontowdey iyo inta naafoowdey
yaa kaloo u maqan oo lagu halleynaya? Horey ayaan u
soo sheegney in Hay’adaha gargaarka keena ay qofna
baahi tireynin, waxa ay bixiyaanna la isku
halleynkarin. Walaalayaal, maanta waa inuu dhiigga
dhaqaaqaa oo gacmaha la isqabsadaa, oo qof kastaba
naftiisa iyo maalkiisa huraa. Waa inay taariikhdu
gashaa ummadda Labada Webi ku nool sida ay isugu
gargaareen. Koox kasta waa inay is abaabushaa oo dadka
la dhexgalaa oo gargaarka la aruuriyaa, ka dibna
gacanta loo geliyaa hoggaanka ummadda, si loo
gaarsiiyo dadka tabaaleysan oo ay ugu horeeyaan dadkii
u soo dhintay xureynta dalka iyo ladagaalanka cadowga.
Ilaahay waxaan ka baryeynaa inuu madaxdeena iyo
mas’uuliyiinteenaba waafijiyo dariiqa toosan ee uu
raalliga ka yahay, ummaddeenana uu tuso wanagga iyo
wax qabadka, kuna abuuro deggenaan, kalsooni iyo
daacadnimo. Ilaahay waxaan kaloo ka baryeynaa inuu
nabad kheyr qabta keeno, ummad is-jecel oo wax isu
oggolna oo wax wada qabsaneysa naga dhigo. Aamiin,
aamiin yaa Allaah.
Md. Ibrahim Clmi Maxamed (Sokorow).
Wakiilka ururka RRA ee Waqooyiga Amerika
|